WAA MAXAY SHAREECO.?!

Waan hubaa in dad badanu ay ereygaasu maqlaan dhowrkii maalmoodba maalin hadaysan maalin kastaba maqlin,laakiin sidaan isleeyahay waxaa yar inta dhuuxda ee dhab u baarta waxa uu ereygaasu ka dhigan yahay.

Ilama aha inaan ka badbadiyay haddaan ku tilmaamo waxa dadku intiisa badan u yaqaanaan shareeco inay tahay xukun kaliya ama haddaan si kale u dhigo “isku xukun diin”.waayo dhawaqyada ugu badan ee dhagaheena ku soo dhaca waxaa ka mid ah:shareecadii baa maqan,shareecada maa laysku xukumo?!!,shareecada maa la dabakho!!!!iyo kuwo kale oo la mid ah!!.

Nacam waa dhab oo lama dhayalsan karo in isku xukunka caddaaladdu ay tahay qayb shareecada ka mid ah oo mudan in si niyad iyo ikhlaas ah loogu dhaqmo,laakiin waxaa in badan inaga dhiman in dhab loo fahmay ereyga shareeco sida uu u dhigan yahay iyo waxa uu ka dhigan yahay.

Dhab ahaantii aniga oo ka duulaya baaqa alle ee ina faraya in lagu tadaburo oo la eeg eego aayadaha alle si aynu u fahamno arimo badan oo ay dhici karto inay si uun inooga daahan yihiin ayaan gartay inaan u dhabagalo fasirka ereygaas waxaanan arkay in micnaha shareeco ka baaxad weyn tahay xukun iyo garsoor kaliya.
Ama qaybta cadaaladda oo kaliya.

Aslan Ereyga shareeco waa jidayn wuxuuna ka tarjumayaa ku dhaqanka ama ku toosnaanta tacaaliimta diinta oo dhan,si kale hadaan u dhaho islaamka oo dhan waa shareeco,matalan,iimaanka iyo in alle kaligii la caabudo waa shareeco,salaaddu waa shareeco,soonku waa shareeco,sakadu waa shareeco,xajku waa shareeco,wanaaga oo lays faro waa shareeco,xumaanta oo layska reebo waa shareeco,akhlaaqda suuban waa shareeco,amaanadu waa shareeco,runta oo la sheego waa shareeco,beenta oo laga fogaado waa shareeco,garsoorka iyo cadaaladda oo loo irkado waa shareeco……

Sidaa hadaanu niraahno waxaa inoo cad in tacaaliimta diinta oo dhamu ay shareeco tahay,cid kasta oo tacaaliimta diinta wax kaga dhaqantana waxay ku dhaqantay qayb shareecadii ka mid tahay,cid kasta oo qaybo ka mid ah tacaaliimta diinta ku dhaqmi weydana waxay ka gaabiyeen qayb shareecada ka mid ah.

Ilaahay sarreeye e mar kasta oo uu quraankiisu inoogu qaadaa dhigo ereyga shareeco wuxuu inagu tusaa macaani guud oo sidaa ka dhigan.

Rabbi mar uu la hadlayay rasuulka muxamad scw wuxuu yiri:-
ثُمَّ جَعَلْنَاكَ عَلَى شَرِيعَةٍ مِنَ الْأَمْرِ فَاتَّبِعْهَا وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَ الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ) الجاثية/ 18.
“Intaa ka dib waxaan kaaga dhignay shareecadii mid lagu faray ee raac oo haraacin hindisaha iyo hawada lunsan ee kuwaan aan waxba garaneynin”.

Sida aayadda ka muuqato diintii lagu soo dajiyay rasuulka muxamad scw ee raacisteeda la faray ayuu Rabbi markaan ereyga shareeco u adeegsaday.

Wuxuu kale oo Alle yiri:
“شَرَعَ لَكُمْ مِنَ الدِّينِ مَا وَصَّى بِهِ نُوحًا وَالَّذِي أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ وَمَا وَصَّيْنَا بِهِ إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَى وَعِيسَى أَنْ أَقِيمُوا الدِّينَ وَلَا تَتَفَرَّقُوا فِيهِ كَبُرَ عَلَى الْمُشْرِكِينَ مَا تَدْعُوهُمْ إِلَيْهِ اللَّهُ يَجْتَبِي إِلَيْهِ مَنْ يَشَاءُ وَيَهْدِي إِلَيْهِ مَنْ يُنِيبُ) الشورى/ 13 ” .
“Waxa uu idiin jideeyay rabi oo diin idiinka dhigay intii uu kula dardaarmay nuux iyo wixii aan adiga kuu waxyoonay kulana dardaaranay ibraahiim iyo muuse iyo ciise oo ah in aad diinta ku toosnaataan oo aydan ku kala tagin,Mushrikinta waxaa la weynaatay oo ka dagi weyday waxa aad ugu yeereysaan ee towxiidka iyo wanaagga ah,ilaahay isagaa doorta ciddii uu doono isla markaana hanuuniya midka u soolaabanaya”.
Aayadana waxaa si cad oga muuqata in uu Alle halkan inoogu faaqiday faahfaahinta micnaha shareecada oo ka dhigan diintii oo dhan.

Mar kalana Alle isaga oo jid iyo shareeco khaldan ku sheegaya shirkiga mushrikiinta wuxuu yiri:-
“أَمْ لَهُمْ شُرَكَاءُ شَرَعُوا لَهُم مِّنَ الدِّينِ مَا لَمْ يَأْذَن بِهِ اللَّهُ ۚ وَلَوْلَا كَلِمَةُ الْفَصْلِ لَقُضِيَ بَيْنَهُمْ ۗ وَإِنَّ الظَّالِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ”•
“Ma waxey leeyihiin kuwo Alle shirko la ah oo oga jideeya diinta iyo cibaadada wax uusan Alle idmin,haddii aysan jiri lahayn kalimadda kala baxa qiyaamaha waa la kala xugmin lahaa,kuwa daalimiinta ah waxay leeyihiin cadaab xanuun badan”

Xaqiiqdii sida aan arkeyno kalimadda shaeecada way ka guda weyn tahay in lagu soo koobo xukun iyo garsoor kaliya,culimada muslimiinta badankood gaar ahaan ahlusunahana arintaas kama hoosin oo sidaa uun bay u fahmeen shareecada

وقال ابن حزم رحمه الله :
” الشريعة هي ما شرعه الله تعالى على لسان نبيه صلى الله عليه وسلم في الديانة ، وعلى ألسنة الأنبياء عليهم السلام قبله”
“Ibnu xazam wuxuu yiri:-shareecadu waa wax kasta oo uu Alle ku jideeyay carabka nabigiisa Muxamad ah scw iyo carabka ambiyadii ka horeysay rabi ha ka wada raali noqdee”.
قال الخليل بن أحمد رحمه الله :
” الشَّريعة والشّرائع : ما شرع الله للعباد من أمر الدين ، وأمرهم بالتمسك به من الصلاة والصوم والحج وشبهه ، وهي الشِّرْعَةُ ” .

“Khaliil binu axmed wuxuu yiri:shareecadu waa wax kasta oo uu alle ku jideeyay diinta ee uu amray in la dhaqan galiyo sida salaadda,soonka,xajka iyo wixii la mid ah”

وقال شيخ الإسلام ابن تيمية رحمه الله :
” لَيْسَ لِلْإِنْسَانِ أَنْ يَخْرُجَ عَنْ الشَّرِيعَةِ فِي شَيْءٍ مِنْ أُمُورِهِ بَلْ كُلُّ مَا يَصْلُحُ لَهُ فَهُوَ فِي الشَّرْعِ مِنْ أُصُولِهِ وَفُرُوعِهِ ”
“Sheekh ibnu taymiya wuxuu yiri:insaanku meel uu shareeco kaga baxayaba ma lahan arimahiisa oo dhan,wax kasta oo u haboon insaanka waa shareeco asal ahaan iyo farac ahaanba”

Walaal isku soo wada duuboo diinta oo dhan waa shareeco,mana ahan shareecadu sida fahamyada inaga khaldamay ee faafay moodayaan in ay tahay fulinta xuduudda oo kaliya oo ay malaynayaan dadka qaar in haddii taa la waayo aysan halkaasi shareeco ka jirin,tiiyoo ay xaqa iyo dhabtu tahay in ay fulinta xuduuddu tahay qayb shareecada ka mid ah oo mudan in la fuliyo haddii shuruudaha ka ratibmaya oo dhan laga soo dhalaali karo lkn aysan ka dhigneyn in ay iyadu tahay diintii oo dhan oo haddii laga tago ay ka dhigan tahay in diintii oo dhan laga tagay dadkuna ay gaalo yihiin.

Xuduudu waa qayb cadaaladda islaamka ka mid ah oo lagu ciqaabayo dambiilayaasha ku salladan dadka ee banaysta nafta iyo maalka iyo sharafta aadanaha oo kaliya,xuduuda iyo qisaastuba aadanaha oo dhan waa u nolol iyo difaac marka laga reebo inta yar ee daalimiinta ee loo diyaariyay in laysaga qabto qaab ciqaabeedkaas lagu joojinayo dulmiga ee uu alle adoomadiisa u soo dajiyay.

Ugu dambeyntii hadaan isweydiino su,aasha maanta muslimiin badan madax martay ee ah muslimiintu ma ku dhaqmaan shareecada diinta islaamka,jawaabta oo cadaaladeysan waa haa inta ugu badan way ku dhaqmaan,bal ee intii ugu muhiimsaneyd ayay ku dhaqmaan oo ah rumeynta Alle iyo ergooyinkiisa iyo maalinka dambe ee qiyaamaha ,waxay kaloo haystaan muslimiintu tiirarkii islaanimada ee shanta ahayd iyo tiirarkii iimaanka ee lixda ahayd oo ah 11 tiir ee ay islaanimaduba ku taagan tahay.
Sidaa darteed muslimiintu diintooda way ku dhex jiraan mar kasta.

dulduleelo ma jiraan oo wax ma ka dhiman yihiin nacam gabood fallo dhan kasta ah waa jiraan oo ay ugu muhiimsan tahay cadaalada oo aysan muslimiintu badankood u gudan sidii ugu mudneyd;taasina habsani u socodka noloshooda uun bay dhibaateysay ee maahan mid ay islaanimadooda ku waayayaan oo inta iimaanku jiro towbad iyo is hagaajin baa u furan rabina waa mid lagarab taagan dambi dhaaf iyo naxariis.

Waadna mahadsan tihiin,wixii aan saxay waa waafajin alle wixii aan khaldayna naftayda iyo sheydaan ayaa iigu wacan,rabina saamaxaad ayaan weydiisanayaa;wabillaahi towfiiq.

Related posts

Leave a Comment