ISLAAMKA IYO QASADKA QISAASTA IYO XUDUUDA

Aslan qasadku islaamku ka leeyahay qisaasta iyo xuduudu waa cadaalad iyo in aadanuhu ku kala nabad galaan,laguna dhowro nafta iyo maalka iyo sharafta dadka.
Qasadka qisaasta iyo xuduudu islaamku ka leeyahay maaha in bani aadamka lagu cadibo ee waa in loogu gurmado insaanka,maadaama aysan sharciyadda ciqaabtu qabaneynin cid ka baxsan dulmiilayaasha loogu talo galay ee adyadda ku howlan.
Teeda kale In dadka loo kala garqaado dalmbiilayaashana la ciqaabo waxaa ku jirta danta dadka dunida ku nool si ay u helaan nabad ay ku dakayn karaan iyo nolol dulmi ka maran oo ay ku naaloon karaan.

Ilaahay sareeye wuxuu yiri:-
‎”وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ”
“Qisaasta waa noloshiina kuwa caqliga lahow waxaadna mudan tihiin inaad dhowrsataan”.

Wuxuu kaloo Alle yiri:-

“وَكَتَبْنَا عَلَيْهِمْ فِيهَا أَنَّ النَّفْسَ بِالنَّفْسِ وَالْعَيْنَ بِالْعَيْنِ وَالأَنفَ بِالأَنفِ وَالأُذُنَ بِالأُذُنِ وَالسِّنَ بِالسِّنِّ وَالْجُرُوحَ قِصَاصٌ فَمَن تَصَدَّقَ بِهِ فَهُوَ كَفَّارَةٌ لَّهُ وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَا أنزَلَ اللّهُ فَأُوْلَـئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ”

“Waxaan ku waajibinay dushooda in naf loo dilo naf,oo il loo rido il;oo san loo jaro san,oo dhag loo jaro dhag, oo ilig loo rido ilig,dhaawacyadana la simo,qofkiise sadaqaysta oo iska cafiya kii anafada u geystay waxay u tahay dambi dhaaf,ciddaan ku xukumin wixii Alle soo dajiyay oo cadaalad ah kuwaasi waa daalimiin”

Qisaastu waa garsoor ku fadhiya in qof kasta oo ku xad gudba qof kale oo dila ama xubnaha jirkiisa dhibaato u gaysta in looga aaro oo intii uu ugaystay oo kale loo gaysto,haduusan dhibanuhu cafin ama shafashafo iyo xoolo badal ah ku doorsan dhibaatadii loo gaystay.

Xuduuduna waa ciqaab sharci ah oo ka ratibmaysa dhibaato uu qof u gaysto qof kale maalkiisa sida inuu ka dhaco ama ka xado meel lagu xifdiyay,ama inuu sharaf dhaawaco oo uu la yimaado galmo aan sharciyeysneyn,ama inuu maandooriye isticmaalo oo uu sidaa khalkhal ku galiyo amniga naftiisa iyo ka dadka kale,iwm.

Qisaasta waxaa ka furan inuu qofkii lahaa cafiyi karo ama badal maal qaadan karo,oo waliba ilaahay sareeye waa bogaadiyay cafinta oo wuxuu yiri:-

‎…فَمَنْ عُفِيَ لَهُ مِنْ أَخِيهِ شَيْءٌ فَاتِّبَاعٌ بِالْمَعْرُوفِ وَأَدَاء إِلَيْهِ بِإِحْسَانٍ ذَلِكَ تَخْفِيفٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَرَحْمَةٌ فَمَنِ اعْتَدَى بَعْدَ ذَلِكَ فَلَهُ عَذَابٌ أَلِيمٌ ﴿178﴾
“Qofkii loo cafiyo xaga walaalkii wax ka mid ah dulmigii uu gaystay waa wanaag la raacay,waxaana ka ratibmaya inuu isna wanaag ku gudo,arinkaasna waa fududeyn xagga rabigiin idiinka timid,qofkiise xadgudba intaa ka dib wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan”

Dhanka xuduuda ka ratibmaysa xoolo la dhacay wuxuu Alle ka yiri:-

‎“وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُواْ أَيْدِيَهُمَا جَزَاء بِمَا كَسَبَا نَكَالاً مِّنَ اللّهِ وَاللّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ”
“Ninkii iyo naagtii tuugada ahaa gacmahooda jara si looga gooyo dambigii ay galeen iyadoo ay taasina tahay ciqaab xagga rabi oga timid ilaahayna waa mid tiisa uun ay socoto oo fal suuban”.

Fulinta xadka gacan goynta waxaa ku xeeran shuruudo badan oo adag oo ay ugu horeyso in horta waxa laxaday gaaraan laba garaam oo dahab ah qiimo u dhigma ama ka badan,lagana xaday goob lagu xafiday,xooluhuna uusan qofku waxba ku lahayn,inuu qofku yahay qaangaar aan maskaxda ka jiraneyn,inaysan qofku haysanin xaalad adag oo gaajo geeri sababi karta ah iwm.

Dhanka xuduuda ka ratibmayso gogol dhaafka iyo galmada aan sharciga ku fadhiyin wuxuu Alle ka yiri:-

‎”الزَّانِيَةُ وَالزَّانِي فَاجْلِدُوا كُلَّ وَاحِدٍ مِنْهُمَا مِئَةَ جَلْدَةٍ وَلَا تَأْخُذْكُمْ بِهِمَا رَأْفَةٌ فِي دِينِ اللَّهِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآَخِرِ وَلْيَشْهَدْ عَذَابَهُمَا طَائِفَةٌ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ”

“Naagta iyo ninka sineysta mid kasta ku dhufta boqol jeedal,oo yeysan idiin qabanin inaad oga turaysaan diinka Alle haddii aad tihiin kuwo Alle iyo maalinka qiyaame rumeysan,oo waliba ha xaadireen goobta lagu ciqaabo qayb mu’miniinta ka mid ahi”.

Sinada iyo galmada aan sharciga waafaqsaneyn waa dambi weyn oo laga galayo sharafta qofka iyo mujtamaca iyo waliba taranka,maadaama ay kulansatay waxyeelooyin caqligu garan karo oo aan la soo koobi karin,markay ugu yar tahayna waa cadaalad daro iyo khayaano laga galay qofka guursanaya qof galmo sharci daro ah hore ula wadaagay qof kale.

Dambiyada xadka waajibinaya oo aan ahayn labadan aan tusaalaha u soo qaatay oo kaliya maaha kuwo la ogol yahay in lagu fududaado oo waxaa mid kasta la dul dhigay shuruudo adag oo naadir ka dhigaya fulinteeda,waxayna diinta islaamku amartay in shubhada ugu yar lagu buriyo fulinta xudduuda.

Rasuulka scw wuxuu yiri:

‎روى ابن ماجه عن أبي هريرة أن النبيَّ ـ صلّى الله عليه وسلّم ـ قال : ” “ادفَعوا الحدود ما وجدْتم لها مدفعًا

“Celiya xuduuda oo ha ku fududaanina fulinteeda inta aad u helaysaan wax aad ku celisaan.

‎وروى الترمذي عن عائشة أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” ادرَؤُوا الحدود عن المسلمين ما استطعتم، فإن كان له مَخرج فخلُّوا سبيلَه، فإن الإمام إن يُخطئ في العفو خير من أن يُخطئ في العقوبة “،

“Ka celiya muslimiinta fulinta xuduudda intaad awoodaan,hadii qofka lagu fulinayo yeesho wax uun marmarsiinyo ah iska daaya,waayo in imaamku cafin ku gafo ayaa u dhaanta intii uu ciqaab ku gafi lahaa”.

Waxaa kale oo asxaabtii nabi muxamad scw ka sugnaatay inayba mararka qaar joojin jireen fulunta xuduuda.

Waxaa dhacday waqtigii cumar ibnu khadaab rc Abaar baahsan oo sanado socotay,sanadahaa ay socotay abaarta wuxuu cumar faray goboladii muslimiinta oo dhan inaan wax gacan goyn ah la sameyn oo tuugada si kale loo ciqaabo,maadaama lagu jiray xaalad keeni karta inay tuugada badato oo ay dad badani duruuf ku xambaarto tuuganimada”.sanado abaareedkaas waxaa loo yaqaanay caamu ramaada.

Sidoo kale waxaa dhacday in khulafadii cumar iyo cusmaan waqtiyadoodii ay dambiyo xuduud waajibinayay ku badaleen tacsiir-yacni xabsi ama in siyaalo kale oon xad oofin ahayn loo ciqaabo.iyagoo dadkaas cudurdaaro u sameeyay.

‎وقد أخرج البيهقي وعبد الرزاق عن عمر أنه عزَّر رجلاً زنى في الشام وادّعى الجهل بتحريم الزنى ، وكذا روى عنه وعن عثمان أنهما عزَّرا جارية زَنَتْ وهي أعجميّة وادّعت أنها لم تعلم التحريم .

“Imaamyada bayhaqi iyo cabdirisaaq waxay soo saareen,in nin sinaystay uu cumar tacsiiray oo uusan xadka ka oofin wuxuuna ugu cudurdaaray jahli iyo inuusan ogayn in ay sinadu xaaraan tahay,sidoo kale cusmaan waxa uu xadkii sinada tacsiir ama ganaax ugu badalay gabar sinaysatay,wuxuuna ugu cudur daaray inay ahayd cajamiyad aan wax badan kala socon xaaraanimada sida.

Isku soo wada duuboo arimahaas oo dhan iyo kuwo kale oo badan waxay daliil u yihiin sida islaamku u ilaaliyay xuquuqda aadanaha xitaa haddii uu yahay dambiile galay dambiyo xuduud waajibinayay inaan lagu dagdagin fulinta oo aad laysaga hubiyo;mar kastana cudurdaar loo baar baaro ka baaqsiga fulinta xuduuda,waayo ujeedada xuduuda iyo qisaasta loo keenay ayaaba ahayd in umaddu ku kala badbaado ee maahayn ujeedadu in laga dhigto astaan lagu faano.

Fiiro gaar ah:- xuduudda iyo qisaasta maaha wax ay fulinteedu leeyihiin shacabka ee waxaa fulin karta oo kaliya dowlad si buuxda oga talisa goobta ay ka fulinayso oo leh hay,ado garsoor iyo qaadiyo aqoon buuxda u leh diinta iyo axkaamta sharciga.

Related posts

Leave a Comment