AHMIYADU WAA IS-FAHAMKA.

Waxaa badan inaan aragno ama maqalno doodo diimeed oo inta badan u dhaxeeya dadka aqoonta u leh diint islaamka,doodahaas oo noqon kara kuwa caam ah ama kuwo khaas ah,oo uu qof kasta aragtidiisa u keenayo daliil quraan ama xadiis ah oo uu isleeyahay ku xooji fahamkaaga.

Inta badan ma dhacdo inay isu garaabaan dhinacyada isaga soo horjeeda aragtiyada diimaysan,mana dhacdo inay isugu cudur daaraan kala duwanaanta,tiiyoo ay taa badalkeed doortaan inay khilaafkooda ka dhigaan mid ictiqaadi ah oo markuu ugu yar yahay sababa is tuhun iyo is eedeyn,kolkuu weynaadana isu badala isgoyn iyo kala tag,haduusan marka dambana sababin is dil iyo dagaalo lagu hoobto.

Waxaa taa ka sii daran khilaafkan diimeed ee ka bilowda,laba sheekh ama laba koox oo kala raacsan laba caalim ama ka badan oo ku taga laba mad-hab diimeed ama ka badan uu kolka dambe galaafto ummado dhan oo ku qaybsamay khilaafyada ka dhasha aragtiyadaas layska horkeenay ee lagu soo kala qanciyay.

Khilaafkan loo qasday ee dadku abuuraan malahan meel uu ku hakado ama ku dhamaado wuxuuna hoos u dagi karaa hadba inta la doono ee ay dadku socodsiin karaan.

Sababta laysla yaqaan ee bacrimisa khilaafka ayaa sida badan lagu sar gooyaa arimo la xariira dabeecadaha basharka oo ah mid loogu dow galay anaaniyo iyo u xaglinta xooga wadata ee ku aadan meel marinta ra’yigiisa.

Inta badan aadanaha aan xagga garaadka ka hormarin ma kala saari karaan khilaafka adyadda wata iyo kala duwanaanta laysugu garaabi karo.waana khilaafkaas midka inta badan sababa shaqaaqooyinka aan la mahdinin ee ku dambeeya cadaawad iyo dagaallo aan waxba laysula harin.

Diinta islaamka oo ah diin mar kasta u janjeerta nabadda iyo wadajirka marna kama aysan ilduufin baraarujinta iyo daweynta khilaafaadka ku dambeeya gacan ka hadalka,waxayna si soo noqnoqosho ahi oga digtaa kala qaybsanaanta dadka heli kara wax uun si u wada midayn kara.

Tasaalaha ay had iyo goor diintu siiso muslimiinta tacaaliimteeda rumeysan waxaa ugu badan ta ay ka bixiso umadihii iyaga ka horeeyay ee loogu deeqay diimo iyo hadyi ay ogaal ugu midaysan yihiin,asii waxaan deero mid kale ku hardiyin ku dagaalamay dabeeto birta iska aslay.

Ilaahay wuxuu yiri:-
“وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ تَفَرَّقُوا وَاخْتَلَفُوا مِن بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْبَيِّنَاتُ ۚ وَأُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ ”
“Ha noqonina sida kuwii kala tagay ee iskhilaafay ka dib intii ay u timid oy heleen xujooyinka cadcad ee xaga rabi oga yimid,kuwaa sidaa yeelay waxay leeyihiin cadaab daran”.

Wuxuu kale oo Alle yiri:-
“وَمَا تَفَرَّقُوا إِلَّا مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِنْ رَبِّكَ إِلَى أَجَلٍ مُسَمًّى لَقُضِيَ بَيْنَهُمْ وَإِنَّ الَّذِينَ أُورِثُوا الْكِتَابَ مِنْ بَعْدِهِمْ لَفِي شَكٍّ مِنْهُ مُرِيبٍ”
“Ma ayan kala tagin illaa intii cilmiga u yimid ka dib,gardaro iyo xadgudub dhexdooda ah darteed,hadaysan jiri lahayn waqti alle u gooyay in iyaga ilala xisaabtami doono waaba la kala xukmin lahaa dhexdooda,kuwase iyaga dabadood dhaxlay kitaabka waxay xaqa ka qabaan shaki daran”.

Aayadahan iyo kuwo badan oo la micno ahiba waxay ka digaan kala aragti duwanaanta bani,aadamka ka dhaxeeya in loo rogo khilaaf iyo kala tag,waayo Alle wuxuu yiri:-

“وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً ۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ (118) إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَ ۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُمْ ۗ ”
“Haddii alle dooni dadka oo dhami mid ayuu ka dhigi lahaa,kamase suulayaan dadku inay yihiin kuwo aragti ahaan is garab marsan ilaa in uu Alle u naxariistay mooyee,sidaas baana loo abuuray oo loogu talo galay”.

Khilaafka noocaan ah ee ay aayaddu sheegtay waa mid dabiici ah oo fahamka iyo kala duwanaanta khuseeya,lamana doonayo kala aragti duwanaanta noocan oo kale ah in lagu kala tago oo laysku colaadiyo.bal ee kala aragti duwanaanta sida wax loo kala fahmo ku salaysan waa mid la doonayo in laysugu dulqaato natiijada cidda saxana rabbi uun loo daayo.

Ilaahay wuxuu yiri mar uu sidaa ina hoga tusaaleynayay:-
“قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا ”
“Mid kasta oo idinka mid ahi ha u cml falo sida ay la tahay ee uu u fahmay toosnaanta,rabigiin uun baa og midka dariiqa toosan haya”.

Waa wax dhici kara in iyada oo asal laga midaysan yahay uu tafaasiishu ninba si u fahmo oo lafdiga nas yaal uu ninba si u qaato,sida qoladii uu nabiga scw ku yiri meel aan banuu qureyda ahayn casarka ha ku tukanina,oo intay sii socdeen uu casarkii dhexda ugu galay oo ay qaar tukadeen iyaga oo dardaarankii nabiga scw u fahmay in ujeedadu ahayd dheereeya oo xili hore gaara halkaa,halka ay qolo kalana salaadii u dib dhigteen inay ku tukadaan goobta uu nabiga scw kula dardaarmay,kolkii ay rasuulka scw isula tageena cidna kuma uusan canaanan fahamkooda”.

Ibnu qayim al jowsi AUN mar uu arintan faallo ka bixinayay waxa uu kitaabkiisa ku magacaaban
اعلام الموقعين عن رب العالمين
Ku xusay in dadku yihiin qayb lafdiga dul kulaasha iyo kuwo qasadka naska laga leeyahay baarta, oo wuxuu garab siiyay kuwa micnaha iyo ujeedada dhuuxa,wuxuuna yiri:-
“وَالْأَلْفاظ لَيْسَت تَعَبدِيَّة، والْعارف يقول ماذا أَراد؟ واللَفْظيُّ يقول ماذا قال؟”. ومعنى هذه العبارة أن هناك صنفين من الناس: صنف يسأل (ماذا قال؟)، وصنف يسأل (ماذا أراد؟).
“Sideedaba lafdi la dul taagnaado maaha ujeedo lagu cibaadaysto,qofka garashada fog waa midka yiraahda waa maxay ujeedadu.,halka uu qofka qaab dhigaalka uun qiimeeya yiraahdo muxuu yiri nasku”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-
“( مَنْ يُرِدِ اللَّهُ بِهِ خَيْرًا يُفَقِّهْهُ فِي الدِّينِ )”
“Qofkii ilaahay khayr la doono diinta ayuu fahamsiiyaa”
Lama oran diinta ayuu baraa,
Mar kalana suubanaha scw wuxuu ugu duceeyay cabdullaahi binu cabaas:-
“اللهم فقهه في الدين وعلمه التاويل”
“Ilaahow diinta fahamsii oo ujeedadana bar”.

Si kasta oo loo tirtirsiiyay in ahmiyaddu fahamka yahay misana Taasi kama dhigna in la dhaliilay erayo dul hogashadu,waayo waxaa dhici karta in kuwa dul dagan ereyada ay dhowreen ay goor dambe ka dhaxlaan kuwo dhuuxa oo uu macnahu dhaco kana soo dhalaaliya erayadii ilaashanaa faham dhaama mid hore loo haystay ama ujeeddo dhadhan leh oo lagu dhuroobo.

Rasuulka scw waxaa ka sugnaaday inuu yiri:-
“فرب مبلغ أوعى من سامع”!
“Badanaa mid gudbinaya erayadii uu xifdiyay inuu ka maqlo mid ka weeleyn og oo ujeedada fahmi og”.

Sida la yiri qof kasta oo wax xifdiya faqiih maahan ,waayo waxaan aragnaa caruur yaryar oo quraanka qeybsan ,qaarkoodna kuba dari kara xifdinta matniyada axaadiis dowr ah,sidaana kuma noqon karaan faham sidayaal lkn waxa banaan in lagu sheego cilmi sidayaal.

Waxaa kaloo la yiraa qofka cilmi u xifdiya hab dhaca uu ku soo gaaray wuxuu la mid yahay weel nadiif ah oo kaydiyay wixii lagu shubay oo kaliya,sidaa ayuuna mahad ku mudan karaa waayo Rasuulka scw wuxuu yiri:-
“” نَضَّرَ اللَّهُ عَبْداً سَمِعَ مَقَالَتِي فَوَعَاهَا وَ بَلَّغَهَا مَنْ لَمْ يَسْمَعْهَا ، فَرُبَّ حَامِلِ فِقْهٍ إِلَى مَنْ هُوَ أَفْقَهُ ، وَ رُبَّ حَامِلِ فِقْهٍ إِلَى غَيْرِ فَقِيهٍ”
“Ilaahay ha nuuriyo Addoon maqlay oraahdayda oo sideeda ku dhowray ka dibna gaarsiiyay mid aan maqlin,waxaa badan mid faham xambaara oo gaarsiiya mid isaga ka sii fahmid og,sidoo kale waxaa badan mid faham xambaara oo gaarsiiya mid aan waba ka fahmi karin”.

Si taa la mid ah waxaa dhici karta in mararka qaar dad gaar ah wax loo birbiriyo oo daaha gadaashiisa arimo muhiim ah laga tusiyo,halka qaarka kalana aysan ku eedeysneyn garashadaa ay ka gaabiyeen,

Tusaale ahaan nabi daa,uud iyo nabi suleymaan cs oo ahaa laba nabi oo is dhalay ayaa arin gar ahayd uu midkood Alle garansiiyay halka kan kalana aan lagu dhaliilin ka gaabinta”.
“وَدَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ إِذْ يَحْكُمَانِ فِي الْحَرْثِ إِذْ نَفَشَتْ فِيهِ غَنَمُ الْقَوْمِ وَكُنَّا لِحُكْمِهِمْ شَاهِدِينَ (78) فَفَهَّمْنَاهَا سُلَيْمَانَ ۚ وَكُلًّا آتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا ۚ ..”.
“Bal xus waqti ay daa,uud iyo suleymaan kala xukumayeen qoladii beertu ariga ka daaqay,oo waxaanu ahayn kuwo goobta gargoyntooda xaadir ku ah,oo markaa waxaan suleymaan fahamsiinay xalkii tiiyoo mid kasta oo labadaa nebi ka mid ah aan siinay xukun iyo cilmi”

Qisaduna waxay ahayd:- in nabi daa’uud cs oo u fadhiya u kala garqaadida dadka ay u soo galeen qolo dacwo u qabta duul uu arigoodu beer ka daaqay,kadibna uu nabi daa,uud ku xukumay in qolada beerta laga daaqay la siiyo ariga;halka qolada ariga lehna uu u xukumay beerta la daaqay,kolkaa baa nabi suleymaan cs yiri:- hadaan xukumi lahaa aniga sidaa ma yeleen,markaasaa nabi daa,uud cs yiri oo sideed yeeli lahayd hadaad xukunto;dabeeto nabi suleymaan cs ayaa yiri: qolada ariga leh ayaan ku xukumi lahaa inay beerta arigoodu daaqay ay dib u beeraan ilaa ay ka noqonayso siday ahayd markii arigu daaqayay,qolada beerta lehna ariga ayaan ku sii baxnaanin lahaa inta ay beertu ka baxayso,kolka beerta sideedii lagu soo celiyo ayaan ku wareejin lahaa qolada ariga leh arigooda kuwa beerta lehna beertooda;gartaas ayuuna nabi daa,uud inta u guuxay iyadii xukumay”.

Ugu dambeyntii waxaa muhiim ah in goor walba la garto ujeedada fahamka nusuusta diinta iyo aragtiyada laga kala qaatay dabeetana laysugu cudurdaaro kala duwanaanta,si loo helo umad nabad iyo isxaqdhowr kuwada nool oo wada dhowrata maslaxada ka wada dhaxeysa iyo arimaha dhaxalgalka ah ee ay goor iyo ayaanba ka midaysan yihiin.

Related posts

Leave a Comment