ISLAAMKU MA CARO AYUU DHIIRI GALIYAY MISE CAFIS?!!

 

Waxaa aad u badan waayadaan dambe inaad aragto dad islaam ah oo waliba ahlu diin ah oo inta badan caraysan oo uu cafiska iyo dulqaadkuba ku yar yahay.

Dhab ahaantii slaamku caro ma faro mana dhiiri galiyo ee waxa carada dadka ku qalqaaliya waa sheydaan doonaya inuu dadka wanaagsan ee ahlu diinka ah ka lumiyo dariiqa toosan ee cafiska iyo caro la’aanta lagu gaaro.

Ilaahay swt wuxuu yiri:-

إِنَّمَا يُرِيدُ الشَّيْطَانُ أَن يُوقِعَ بَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةَ وَالْبَغْضَاءَ فِي الْخَمْرِ وَالْمَيْسِرِ وَيَصُدَّكُمْ عَن ذِكْرِ اللَّهِ وَعَنِ الصَّلَاةِ ۖ فَهَلْ أَنتُم مُّنتَهُونَ.

“Sheydaanku wuxuu doonayaa oo kali ah inuu dhexdiina dhigo cadaawad iyo caro timaadda markaad khamriga cabtaan ood sarkhaantaan ama aad dheeshaan khamaarka ood isku dishaan hantida aad ku kala heshaan khamaarka,oo uu idinka celiyo xuska Alle iyo salaadda ee ma tihiin kuwo ka haraya khamrada iyo khamaarka si uusan sheydaanku oga dhigan waddo uu idinku kala dilo”

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“قال صلى الله عليه وسلم “إن الغضب من الشيطان، وإن الشيطان خلق من النار، وإنما تبرد النار بالماء، فإذا غضب أحدكم فليتوضأ” رواه الإمام أحمد وأبو داود

“Caradu sheydaan bay ka ahaatay,sheydaana dab baa laga abuuray,dabkana biyo ayaa lagu damiyaa ee axadkiin hadduu caroodo ha weysaqaato”.

Ilaahay sarreeye wuu amaanay kuwa carada qariya ee dadka cafiya,oo wuxuu yiri:-

“…وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ ۗ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُحْسِنِينَ ”

“Kuwa caradooda qarinaya ee dadka cafinaya ilaahay waa jecel yahay dadkaas wanaagsan”.

Rasuulka scw waxaa u yimid nin oo yiri ii dardaaran wuxuu yiri ha caroon,marar badan buu ku celceliyay oo uu yiri ii dardaaran rasuulkii Allow,mar kastana rasuulka scw wuxuu oronayay ha caroonin”

Sidoo kale rasuulka scw wuxuu yiri:-

و عن أبي هريرة في قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” من كظم غيظا ، وهو يقدر على إنفاذه ملأه الله أمنا وإيمانا “رواه ابوداود.

“Qofkii qariya caradiisa isaga oo awooda inuu ka dabaaqtamo oo fuliyo Ilaahay baa ka buuxiya Amni iyo iimaan”.

Quraanka waxaa ku badan aayado uu ilaahay rasuulkiisa kaga codsanayo inuu ka jeesto oo cafiyo gaalada iyo munaafaqiinta oo uusan dhibkoodu waxba ka soo qaadin inta ay arintoodu ku eg tahay afka baarkiisa.

“فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَتَوَكَّلْ عَلَى الله ..”
“Ka jeenso xagooda oo Alle talo saaro”
-فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَعِظْهُمْ وَقُل لَّهُمْ فِي أَنفُسِهِمْ قَوْلًا بَلِيغًا”
“Ka jeenso xagooda oo u sheeg mar kasta waano xeel dheer”
-فأعرض عنهم وانتظر إنهم منتظرون ”
“Ka jeenso xagooda oo sugo iyaga waa kuwo loo kaadinayee”
-فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ حَتَّى يَخُوضُوا فِي حَدِيثٍ غَيْرِهِ”
“Ka jeenso xagooda ilaa ay dhex galaan sheeko aan ahayn midda xun ee ay hadda ku jiraan”.

Sidoo kale waxaa quraanka ku badan aayado uu ilaahay rasuulkiisa kaga codsanayo inuu iska cafiyo kuwii ka horjeeday.

“فَاصْفَحْ عَنْهُمْ وَقُلْ سَلَامٌ ۚ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ”
“Iska cafi xagooda oo ku dheh nabad ha idiin sugnaato,dib dambe ayay ka ogaan doonaan jasada ay ka helaan xaqa ay kugu diideen”.

“فَاصْفَحِ الصَّفْحَ الْجَمِيلَ”
“Iska cafi waliba cafis wanaagsan”

Rasuulkeena Muxamad ah scw wuxuu ahaa mid dhab uqaatay tarbiyadaa xagga rabi oga imanaysay oo wuxuu ahaa mid cafis badan oon una caroon kuwa ka horjeeday inta ay arintooda ku koobnayd adyad afka ah ilaahayna waa ku amaanay taas oo wuxuu yiri:-

“فبِمَا رَحْمَةٍ مِنَ اللَّهِ لِنْتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنْتَ فَظّاً غَلِيظَ الْقَلْبِ لَانْفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ..”

“Raxmad xagga Alle kaaga timid darteed ayaad ugu jilicsanaatay hadaad ahaan lahayd mid dabeecad adag oo qalbi adag way kaa kala yaaci lahaayeen ee iska cafi oo u damb dhaaf dalab arimahana kala tasho oo hadaad go’aan gaartana rabi talo saaro..”

Rasuulka scw Isagoo awood leh oo jooga magaalada madiina ayay yahuuddu ku oran jireen mowd ha kugu dago intay iska dhigaan sidii wax salaama,rasulka scw inta maqlo ayuu
وعليكم.
Ku gaabsan jiray,ilaa ay maalin maqashay caa’isha rc iyaga oo sidaa ku habaaraya rasuulka scw,oo ay markaa u dhaadhaamisay habaar kooda la mid ah iyo lacnad,laakiin rasuulka scw caa,isha ayuu ku ku yiri caashaay dhimri oo tartiib anigaaba u jawaabay ee adiga dhimri oo dulqaad muuji,waayo dhimrintu wax kasta oo la galiyo way wanaajisaa wax kasta oo dhimrinta laga saarana way xumaadaan.

Ugu dambeyntii walaal waxaa inoo muhiim ah inaan mar kasta daraaseyno sida aysan diintanadu marna u doonaynin carada iyo sida ay u danaynayso cafinta iyo dulqaadka,si ay diinteenu u noqoto mid mar kasta dadka ku soo jiidata wanaaga iyo wax cafinta.

Arintaasna waa mid kutusinaysa sida islaamku ugu ween tahay cara qarinta iyo cafinta dadka.

Related posts

Leave a Comment