ISLAAMKA IYO HIDAHA IYO DHAQANKA

ISLAAMKA IYO DHAQANKA IYO HIDAHA.

Afar iyo toban qarni ka badan ayaa laga joogaa waqtigii uu Rabi ku soo dajiyay rasuulkiisa Maxamed ah scw kitaabka furqaan oo ahaa midka kala saaray xaqa iyo baadilka isla markaana koobay oo saxay wixii laga khalday kutubtii isaga ka horeysay.
Laga soo bilaabo mudadaas ka badan kun iyo afarta boqol oo sano diinta islaamka waxyaalaha aan isbadalin ee ay la timid waxaa ugu muhiimsanaa,iimaanka iyo akhlaaqda suuban iyo dhaqan galintooda.

Islaamku markaa uu yimid iyo mudadooyinkii ka dambeeyayba marna iskuma dayin oo uma qasdin inuu badalo dadka hidahooda iyo dhaqankooda wixii aan dhibaato iimaan iyo mid akhlaaq daro lahayn,islaamku wuxuu ka aqbalay umadihii uu uu u yimid iyo kuwii uu gaarayba wax kasta oo dhaqan wanaagsan ah oo ay lahaayeen. Gaar ahaan marka uu dhaqankaasi yahay mid aan taabanaynin rumaynta rabiga weyn iyo in kaligii loo gaar yeelo cibaadooyinka,isla markaana uu yahay dhaqankaasi mid suuban oo aan sinaba wax ugu dhimaynin akhlaaqda hagaagsan ee uu ku baaqayay islaamku.

Rasuulku scw markii laga soo saaray maka ee uu yimid madiina wuxuu u yimid umad ka dhaqan duwan reer maka iyo asxaabtiisii muhaajiriinta ahayd,wuxuuna u yimid reer ansaar iyo ahlul kitaab yahuud ah isugu jiray oo dhaqano badan leh,wuxuuna intii ka ajiibtay umadahaas ka reebay wixii iimaan ahaan u dhibaateynaya dhaqamadoodii oo shirki iyo arimo xun ku laban,wuxuuna ka aqbalay oo uu sidoodii ugu daayay wixii dhaqamo fiican ah ama fan iyo suugaan ah ee ay lahaayeen.

Nusuusta ku tusinaysa inuu rasuulka scw u dhaafay reer madiina wixii ay hiddo wanaagsan ama madadaalo lahaayeen aad ayay u badan yihiin,waxaana ka mid ah inuu suugaantoodii fara galinin bal ee uu ku booriyay asxaabtii muhaajiriinta ahayd inay u camiraan reer madiina oo haddii guur dhex maro ay la taban taabiyaan fanka iyo suugaanta iyo heesaha ay reer madiina aad u jeclaayeen.

4868 حدثنا الفضل بن يعقوب حدثنا محمد بن سابق حدثنا إسرائيل عن هشام بن عروة عن أبيه عن عائشة أنها زفت امرأة إلى رجل من الأنصار فقال نبي الله صلى الله عليه وسلم يا عائشة ما كان معكم لهو فإن الأنصار يعجبهم اللهو،وفي رواية :-قوله ( ما كان معكم لهو ) في رواية شريك فقال : فهل بعثتم معها جارية تضرب بالدف وتغني ؟ قلت [ ص: 134 ] : تقول ماذا ؟ قال تقول :
‎أتيناكم أتيناكم فحيانا وحياكم ولولا الذهب الأحم �ر ما حلت بواديكم ولولا الحنطة السمرا �ء ما سمنت عذاريكم
رواه البخاري.

“Caa’isha rc ayaa u dhigaalisay haweeney aroos ah nin ansaarta ka mid ah,rasuulka scw ayaa ku yiri caashaay wax hees ah oo lagu baashaalo maxaad haysaan,waayo qoomkan ansaar ah waa dad aad u jecel heesaha iyo madadaalada,riwaayad kalana waxay ahayd inuu rasuulka scw ku yiri caa’isha:- oo ma la dirteen gabadha gabadh durbaan u tumaysa oo una heesta? Caa’isha waxay tiri oo maxay oran? Kolkaasuu rasuulka scw wuxuu yidhi waxay oran:-waan idiin nimid oon idiin nimid,waan idin salaanay ood na salaanteen,ama (rabi anaga iyo idinkaba ha na baaqi yeelo)haddii uusan dahabka cas ahayn waadiyadiina lama dageen,haddii aysan heedda cagaaran ahayn gabdhihiina cadrooyinka ah ma cayilnaadeen…
Waxay ahayd hees ku caan ah reer ansaar oo ay xiliyada farxadaha iyo aroosyada isku maaweelin jireen.

Sidoo kale rasuulka scw wuxuu aqbalay oo fiirsaday cayaar dhaqameed qalama rogad ah oo ay xabashida hiddo iyo dhaqan u lahayd iyada oo ay waliba caa’isha la daawanaysay masaajidka hortiisa.

وعن عروة عن عائشة قالت : وكان يوم عيد يلعب السودان بالدرق والحراب ، فقال النبي ( صلى الله عليه وسلم ) : تشتهين تنظرين ؟ فقلت : نعم ، فأقامني وراءه ، خدي على خده ، وهو يقول : دونكم يا بني أرفدة ، حتى مللت ، قال : حسبك ؟ قلت : نعم ، فقال : فاذهبي. متفق عليه.

“Caa,isha waxay tiri maalin ciid ah ayay xabashida madoow ku cayaarayeen warmo iyo gaashaamo,iyaga oo durbaana tumanaya,kolkaasuu rasuulka scw ii yeeray oo igu yiri ma jeceshahay inaad daawato, kolkaasaan ku iri haa,kolkaas ayuu rasuulka scw i mariyay gadaashiisa oo aan halkaa ka daawanayay iyada oo uu dhabankaygu dhabankiisu saaran yahay isaga oo aad ula haysta cayaarta oo kolba oranaya waad haysaane halkaa ka sii wada reer banii arfidoow,waxaan daawanayay ilaa aan daalo ayay tiri caa’isha,kolkaasuu igu yiri rasuulka scw intaa ma kugu filan tahay,kolkaasaan iri haa,kolkaasuu yiri marka iska tag”.

Sidaa si la mid ah suubanaha scw wuxuu fasaxay daawo dhaqameedyada iyo tufta ay dadku isku daweyn jireen haddii aysan tuftaasu ahayn mid iimaanka islaanimada wax u dhimaysa ama dhibaato gaarsiinaysa bani aadamka.

أخرج مسلم في صحيحه (2200) عَنْ عَوْفِ بْنِ مَالِكٍ الْأَشْجَعِيِّ، قَالَ: كُنَّا نَرْقِي فِي الْجَاهِلِيَّةِ فَقُلْنَا يَا رَسُولَ اللهِ كَيْفَ تَرَى فِي ذَلِكَ فَقَالَ: «اعْرِضُوا عَلَيَّ رُقَاكُمْ، لَا بَأْسَ بِالرُّقَى مَا لَمْ يَكُنْ فِيهِ شِرْكٌ» .

“Saxaabiga cowf ibnu maalik waxa uu yiri:-waxaanu ahayn kuwo tuf dhaqameed leh waqtigii jaahiliga,kolkaasaan rasuulka scw ku niri sideed u aragtaa arinkaas? Rasuulka scw wuxuu yiri bal ii soo bandhiga tuf dhaqameedkiinu,sideedaba dhibaato ma lahan tuftu haddii waxa laysku tufayo uusan shirki ku jirin”.

Arimahan oo dhan iyo kuwo ka badanba waxay daliil u yihiin in uusan islaamku marna u qasdin suulinta wixii hiddo iyo dhaqan wanaagsan oo ay dadku haysteen,sidoo kalana uusan u qasdin inuu meesha ka saaro fanka iyo suugaanta iyo cayaar dhaqameedyadu ay umaduhu isku madadaaliyaan waqtiyada farxada iyo feestooyinka.

Hadaad u kuur gasho ku dhowaad labada bilyan ee qof ee muslimiinta daafaha dunida ku kala nool waxaad ogaanaysaa in aysan jirin qolo qolo kale la dhaqan iyo dhar xirasho ah,ama la hiddo iyo dhaqan ah,taasina waxay daliil cad u tahay inuusan islaamku marna la diririn dhaqamada kala duwan ee ay dadku haysteen.
Halka aad taa badalkeed arkayso in muslimiinta oo dhan ka midaysan yihiin iimaanka iyo sida loo guto cibaadooyinka iyo cuntooyinka xalaasha ah iyo kuwa xaaraamta ah iyo munaasabadaha diinta ku tacaluqa intooda badan.

Related posts

Leave a Comment