TAARIIKH NOLOLEEDKII SAXAABIGA CADIYI IBNU XAATIM RC.

Cadyi binu xaatim wuxuu ahaa sayidkii reer banuu dhayi wuxuuna xukunka ka dhaxlay aabihii xaatim ibnu cabdullaahi.

Reerku waxaa dagaan u ahaa waqooyiga fog ee jasiiradda carabta halka imika loo yaqaan xaa’il ee ka tirsan boqortooyada sacuudi caraabiya,

Reer banuu dhayi waxay ahaayeen qabiil carbeed oo xiligaa aaminsanaa diinta masiixiyada,waxay xulafo la ahaayeen imbaraadooriyadii weyneyd ee rooma oo ilaalo iyo gacanba siin jirtay qabiilada carbeed ee ku teedsan jasiirada carabta.

Cadyi wuxuu ahaa mid aad u neceb nabiga scw oo waqtiyadii uu soo daahiray rasuulka ilaa iyo intii uu madiina saldhigtayba wuxuu ku hayay il nacab isaga oo u baqayay saldanadiisa,maadaama ay carab badan oo la jiiraan ahayd reer dhayi ay u kala tartamayeen rumaynta rasuulka scw iyo ku biirida xayndaabka muslimiinta.

Cadiyi waxaa u muuqatay khatar ku soo fool leh saldanadiisa,wuxuuna durba bilaabay inuu ku fekero abaabul ciidan iyo inuu kaalmo u dirsado imaraadooriyadii rooma si uu uga hortago fiditaankii islaamka iyo muslimiinta oo marakan si xowli ah ugu soo lugo fidsatay carabtii ologiisa ahayd.

Cadyi wuxuu dhowr jeer safar taageero weydiisasho ah isaga daba laabtay imbaraadooriyadii rooma si ay taageero rag iyo saanad ahba ugu soo saacidaan saldanadiisa lagu soo dhowaaday ee u muuqatay marakan mid naf la caari ah.

Rasuulka scw wuxuu ka war hayay dhaqdhaqaaqa dhiilada xambaarsan ee uu cadyi binu xaatim ka wado waqooyiga jasiirada carabta,wuxuu markiiba ku saaray ciidan uu hogaaminayo cali binu abii daalib si ay u kala eryaan ciidamada uu dumay cadyi ee taageerada ka dhowraayay rooma.

Kolkiiba si fudud ayay ciidimadii muslimiinta ku qabsadeen dhulkii saldanada dhayi ee uu ka ariminayay cadyi binu xaatim oo dadkiisiina waxaa laga dhigay wax firxaday iyo wax la soo qafaashay.

Cadyi wuxuu qaar ka mid ah reerihiisii iyo caruurtiisii ula cararay carigii shaam oo ay markaa ka ariminaysay boqortooyadii rooma.

Dadkii gacanta lagu soo dhigay ee la keenay magaalada madiina waxaa ka mid ahayd cadyi walaashii safaana.

Rasuulka scw kolkii uu subixii soo booqday maxaabiistii iyo dadkii la soo qafaashay ayay safaana la hadashay rasuulka scw kana codsatay inuu sii daayo oo galadaysto una diro rooma iyo halka reerkeedu u qaxeen,taas oo uu suubanuhu ka aqbalay,wuxuuna geeyay guri ay ku sugto inta laga helayo safar shaam ku socdo oo uu ku sii daro.

Maalmo yar ka dib ayaa rasuulka scw loo sheegay safar aamin ah oo ku sii jeeda shaam oo madiina ku sugan,safarkii ayuuna safaana ku sii daray rasuulka scw intuu siiyay sahay ku filan iyo arrad-tir.

Safaana goortii ay cid gashay ee ay la kulantay walaalkeed cadyi binu xaatim waxay kula dhacday caradii ay u qabtay ee ahayd inuu ehelkiisiina kaxaystay iyadiina cidlo oga dhaqaaqay ilaa la qafaashay.
Wuxuuse ugu cudur daartay inuusan kas oga tagin ee lagu simi waayay uuna ahaa mid ka baxsanayay jab kadis ah oo isaga xitaa lagu qaban gaaray.

Safaana waxay guda gashay inay walaalkeed cadyi oga sheekayso akhlaaqdii wacneyd iyo naxariistii ay ku soo aragtay rasuulka scw,waxayna ku dhiiri galisay inuu booqdo madiina,una tago rasuulka scw,waxayna ka raariday Maxamad scw inuusan ahayn nin laga baqo oo laga cararo,waxay wax badan ku cel celisay dabeecadaha cajabta badan ee ay ku soo aragtay nabi Muxamad scw iyo muslimiintii madiina kula nooleyd ilaa ay ugu dambeyn ku qancisay walaalkeed cadyi inuu u baqoolo dhankaa iyo madiino.

Maalmo yar ka dib kolkii ay safaana la talisay cadyi ibnu xaatim wuxuu faraskiisa u heenseystay dhankaa iyo madiina,wuxuuna soo galay goor galab ah iyada oo uu rasuulka scw ku jiro masaajidka,haddii uu weydiiyay dadkii halka uu nabiga scw joogo misna loo sheegay ee loogu geeyay masaajidka ayuu qacdii hore ee ay isa salaameenba gartay inuusan rasuulku scw lahayn calaamadihii lagu yaqaanay nimanka boqorada ah.

Rasuulku scw wuu u sara kacay misna si wacan u soo dhoweeyay cadyi binu xaatim,wuxuuna u soo kaxeeyay xagii gurigiisa,irida masaajidka ayay rasuulka scw ku joojisay haweeney duq ah oo cabaar danaheeda ula taagneyd,xaatim wuxuu markana laaxiday inaysan sifada noocan ah ahayn tii lagu yaqaanay boqorada iyo suldaanada.

Rasuulka scw wuxuu cadyi la yimid gurigiisii,wuxuuna udhigay barkintii fadhiga ee uu madaxda ku soori jiray,taas oo uu cadyi ku fariistay,wuxuuna markaan yaqiinsaday inuu rasuulka scw ka dheer yahay calaamadihii lagu yaqiinay boqorada la dabayaaco ee qasriyada dagan.

Rasuulku scw si dagan oo ixtiraam ku dheehan ayuu ula sheekeystay cadyi,wuxuuna oga waramay diintii uu haystay ee rukuusiyada oo ahayd firqo ka falaagiwday masiixiyada kuse caqiido dhow,wuxuu kaloo oga waramay waxa uu cadyi ku khilaafay diintiisa ee uusan saani ugu dhaqmin,taas oo markiiba cadyi gartay inuu Muxamad scw yahay rasuul waayo cid kale oo qaybkaa oga warami kartay ma jirin oo aan rasuul ahayn.

Rasuulku scw wuxuu cadyi ku yiri:-cadyiyow waxaad tahay nin wax garad ah oo caqli badan,sawabta kaa horjoogta inaad islaamto oo alle u hogaansanto wax kale maaha ee waa waxa nooga kaa muuqda ee faqriga ah,wallaahi waxaa la gaari doonaa xilli intay muslimiintu xoolaha ka bataan la waayo cid sako qaadata,waxaa kaloo islaanimada kaa horjooga waa inaad aragto cadowyo waaweyn oo na handadaya wallaahi waxaa na loo furi doonaa dhulalka furus ee kisra xukumo oo waan ka adkaan doonaa,waxaa kale oo kuu muuqda amni darada aan ku sugannahay wallaahi waxaa dhici doonta in haweenta ka soo safarta qaadisiya ay si nabad galyo ah ku iman doonto halkan oo kolka ay gudato danteedana ay si nabad galyo ah ku laaban doonto degaankeeda iyada oon waxba ka cabsanaynin,

Intaa ka dib rasuulka scw wuxuu ka codsaday cadyi inuu islaamo,sidii buuna yeelay oo uu ku islaamay cadyi binu xaatim alla ha ka raalli noqdee.

Cadyi wuu islaamay wayna wanaagsanaatay islaanimadiisii wuxuuna kala qayb galay rasuulka scw iyo muslimiintaba halgankii diinta lagu fidinayay laguna difaacayay kalmada Alle.

Cadyi wuxuu ahaa mid muddo dheer nool oo axaadiis dowr ahna ka wariyay nabiga scw,wuxuuna oran jiray seddex arimood oo uu rasuulka scw ii sii sheegay laba ka mid ah waan arkay oo kala ah in muslimiinta loo furay guryihii furus ee kisra xukumayay oo anigaaba ka mid ahaa askartii furatay isla markaana uu indhihiisa ku arkay haweeney kaligeed qaadisiya ka timid ee misana laabatay iyada oon inaba cabsi qabin,midda sedexaad ee ah in la weyn doono cid sako qaadata iyana waan sugayaa ayuu oran jiray.

Arintaasina waxay dhacday -in kasta oo uusan xiligaa cadyi nooleyn- waqtigii cumar binu cabdulcasiis alla ha u nacariistee oo ahaa taabici soo celiyay cadaaladii islaamka dulmigii reer banuu umayana wax badan ka qabtay ilaa loo aqoonsaday khaliifkii shanaad ee muslimiinta marka laga soo tago khulafadii afarta ahayd ee rasuulka scw ka dambaysay.

Cadyi ibnu xaatim alla ha ka raali noqdee wuxuu ahaa geesi deeqsi ah oo ka tilmaaman carab dhexdeeda waqtigii jaahiliga iyo waqtigii islaamkaba,wuxuuna geesinimada iyo deeqsinimadaba ka dhaxlay aabihii xaatim binu cabdillahi,waxayna carabtu oran jireen:-
“شابَهَ حاتِماً عَدِيٌّ في الكَرَمْ *** ومَن يُشابِهْ أبَهُ فما ظلَمْ”
“Xaatim waxaa xaga deeqsinimada ka shabahay cadyi..ninkii aabihii wax ka shabahayna ma leexanin”.

Cadiyi binu xaatim alla ha ka raali noqdee wuxuu ku geeriyooday magaalada kuufa sanadii 66aad ama 69aad ee hijriyada isaga oo ah mid sharaf badan oo la karaameeyo,waxaana siirooyinku xusaan inay muslimiintu u ciseyn jireen cadyi sidii nin madax ah.

Related posts

Leave a Comment