MA RUN BAA IN JINIGU QURAANKU KU GUBTO?!

MAXAA KA JIRA IN JINIGU QURAANKA KU GUBTO?!

Sideedaba qofka muslimka ah waxaa laga rabaa waxyaabaha qeybka ah sida janada naarta malaaigta jinka iyo wixi lamida oo indhaheenna eeyan arag cilmigooda ama akhbaarta kusaabsan in uu oga dambeeyo oo ku gaabsado inta waxyiga lagu sheegay oo kaliya.

Haddaan u nimaadno arrinta jinka kusaabsan waayahan dambe wax badan baa kasoo kordhay oo intaa la isku akhrinayaa, ee waxaasi wax Jira miyaa oo ma diintay kucaddahay mise waa mala awaal?

Ujeedka qoraalkan ma’aha in aan kaga hadlayo waxyaaba badan oo jinka kusaabsan oo bulshada aad uhadal hayso ee waxaan rabaa oo kaliya in aan isdultaago arinka ah maxaa ka jira in jinigu quraanka ku gubto.

Hadaan jawaabta ku soo dhowaado qof kasta oo diinta aqoon u leh ee mowduucan baaris ku sameeya waxaa hadiiba usoo deg degaysa inuusan heli karin daliilo cad cad oo quraanka iyo sunada ah oo sheegaya in quraanku jiniga gubi karo.

Taas badalkeed waxaa buuxa daliilo fara badan oo cadaynaya in jiniga quraan lagu dul akhriyay ama uu dhagaystay isla markaana uusan ku guban,sida ku cad aayado dhowr ah ah oo kitaabka quraanka ku jira.

Ilaahay wuxuu yiri:-

“قُلْ أُوحِيَ إِلَيَّ أَنَّهُ اسْتَمَعَ نَفَرٌ مِّنَ الْجِنِّ فَقَالُوا إِنَّا سَمِعْنَا قُرْآنًا عَجَبًا (1) يَهْدِي إِلَى الرُّشْدِ فَآمَنَّا بِهِ ۖ وَلَن نُّشْرِكَ بِرَبِّنَا أَحَدًا (2) ”
“Waxaad tiraahdaa waxaa la ii waxyooday inay quraanka dhagaysteen koox jini ah oo ay yiraahdeen waxaan maqalnay quraan cajab badan,oo dadka ku hagaya hanuunka,markaasaan rumaynay,mana dhici doonto inaan rabigayo hadda ka dib cid wax ula wadaajino”.

Wuxuu kaloo alle yiri:-

“وَإِذْ صَرَفْنَا إِلَيْكَ نَفَرًا مِّنَ الْجِنِّ يَسْتَمِعُونَ الْقُرْآنَ فَلَمَّا حَضَرُوهُ قَالُوا أَنصِتُوا ۖ فَلَمَّا قُضِيَ وَلَّوْا إِلَىٰ قَوْمِهِم مُّنذِرِينَ (29) قَالُوا يَا قَوْمَنَا إِنَّا سَمِعْنَا كِتَابًا أُنزِلَ مِن بَعْدِ مُوسَىٰ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ يَهْدِي إِلَى الْحَقِّ وَإِلَىٰ طَرِيقٍ مُّسْتَقِيمٍ (30).

“Bal xus waqti aan xagaada u soo duwnay koox jiniga ka mid ah oo quraanka dhagaysanaya,markay soo xaadireen baa qarkood qaarka kale ku yiraahdeen dhagaysta quraanka,goortii ay ka bogteena waxay u laabteen xagii qoomkooda si ay ugu digaan,waxayna yiraahdeen tolkayoow waxaan soo maqalnay kitaab la soo dajiyay nabi muuse ka dib oo rumaynaya kutubtii ka horaysay dadkana ku hagaya xaqa iyo dariiqa toosan”.

Akhristow sidaan arkayno kitaabka ilaahay waxaa ku cad aayado quraan ah oo sheegaya jini quraan dhagaystay oo aan ku gubanin,kolka sidee bay suura gal u tahay inaan rumaysano hadalo aan waxyi ahayn oo inoo sheegaya inuu jinigu quraanku ku gubto?!.

Waxaa dhici karta in dadka qaar is yiraahdaan ama loogu sheekeeyo jiniga quraanka ku gubanaya waa kuwa gaalada ah ama shayaadiinta ah,taasna wax daliil ah looma hayo,waayo jiniga quraanka dhagaystay intii aysan soo islaamin ka hor waxay ahaayeen gaalo sida aayadaha quraanka ku cad,

” وَأَنَّا لَمَسْنَا السَّمَاءَ فَوَجَدْنَاهَا مُلِئَتْ حَرَسًا شَدِيدًا وَشُهُبًا (8) وَأَنَّا كُنَّا نَقْعُدُ مِنْهَا مَقَاعِدَ لِلسَّمْعِ فَمَنْ يَسْتَمِعِ الْآنَ يَجِدْ لَهُ شِهَابًا رَصَدًا (9)”
“Waxaan isku daynay inaan u dhowaano samada mise waxaan ogaanay inay tahay mid laga soo buuxiyay ilaalo iyo dhambaaburo lagu gubto,hore ayaa waxaan u ahayn kuwo samada ku leh meelo ay fariistaan oo ay wax ka soo dhagaystaan laakiin ninkii isku daya hadda inuu samada wax ka soo dhagaysto wuxuu soo helayaa dhambaaburo dab ah oo u diyaarsan”

Sida aayadahan iyo kuwo kalaba cadeeyeen jinka looma kala saarin shayaadiin iyo jin caadi ah oo ay suura gal tahay inay qaarkood quraanka ku gubtaan kuwo kalana aysan ku guban,bal waxay aayado kale tilmaameen in kuwa isku dayi jiray inay khabarka samada soo helaan ay ahaayeen shayaadiin lagu soo rido rasaas dhambaaburo ah oo ay ku gubtaan.

“إِنَّا زَيَّنَّا السَّمَاءَ الدُّنْيَا بِزِينَةٍ الْكَوَاكِبِ (6) وَحِفْظًا مِنْ كُلِّ شَيْطَانٍ مَارِدٍ (7) لَا يَسَّمَّعُونَ إِلَى الْمَلَإِ الْأَعْلَى وَيُقْذَفُونَ مِنْ كُلِّ جَانِبٍ (8) دُحُورًا وَلَهُمْ عَذَابٌ وَاصِبٌ (9) إِلَّا مَنْ خَطِفَ الْخَطْفَةَ فَأَتْبَعَهُ شِهَابٌ ثَاقِبٌ (10)
“Waxaan ku qurxinay samadan dhow xidigo,si aan oga ilaalino sheydaan kasta oo madax adag,ma soo dhagaysan karaan sheekada ka socota duulasha sare,waxaana dhinac kasta lagaga soo ganayaa dhambaaburo lagu ceyrinayo,aakhirana waxay leeyihiin cadaab weyn,waxase dhacda mid mid soo dafa kalmado oo la soo raacsiiyo madaafiic gubta”.

Waxaa jira axaadiis badan oo aayadahan sharaxday iyo kuwo kale oo sidooda oga hadla jiniga iyo shayaadiinta mana jiro mid kaliya oo lagu sheegay in jinka iyo shayaadiintu ay quraanka ku gubtaan,axaadiistaas oo dhan waxay isku raaceen in jinka isku dayi jiray inay khabarka samada soo helaan,laakiin markii dambe loo diiday oo samadiina laga buuxiyay hub lagu soo rido markay isku dayaan inay war ka soo qaadaan samada. Kolkaa miyaan lays weydiin karin maxaa jiniga iyo shayaadiinta quraan loogu soo akhrin waayay markay samada tagaan si ay u gubtaan halka imika lagu soo ridayo dhambaaburo iyo madaafiic gubaysa?!!

Isku soo wada duub oo waxaa cadaan ah sida ay culimo badan oo xiliyo kala duwan noolaa warka u dhigeen inuusan jirin daliil kaliya oo saxiix ah oo cadaynaya in jinigu quraanka ku gubto.

Aslan quraanku waa hadyi iyo hanuun uu alle ugu talo galay inuu ku hoga tusaaleeyo khalqigiisa mukalafka ah si ay isaga oo kaliya u rumeeyaan una caabudaan,mana aha mid loogu talo galay in lagu gubo jini iyo cid kale toona.

Akhristow waxaa wax lala yaabo ah sida ay maalmahaan dambe u noqotay mashaqada la xariirta jiniga iyo duulalka qarsoon mid laga badbadiyay oo dadkiina lagu riday rucbi iyo argagax iyada oo la daliishanayo sheeko baraleey aan sal lahayn oo aan diinka allana looga soo helayn daliilo sugan oo saxiix ah.

Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in quraanku dawo yahay oo si muuqatana loo arkay dad bukay oo lagu akhriyay oo caafimaaday,arintaasna waa qayb ka id ah mucjisadiisa iyo asraarta ku qarsoon iyo sida uu u yahay energi sare oo wax lagu daweyn karo,laakin taasi kama dhigna in jiniga lagu gubi karo.

Waxaa kale oo xusid mudan in adkaarta iyo quraankuba yihiin xirsi xir uu qofka muslimka ah kaga gaashaaman karo sharta ka soo fulaysa makhluuqaadka oo dhan oo ay ka mid yihiin jiniga iyo insigaba,laakiin taasi kama dhigna in ay quraanka ku guban karaan jini iyo insi iyo cid kalaba,waayo daliil looma hayo.

Waadna mahadsan tihiin.

Related posts

Leave a Comment