DIINTA DADKU U DARSADO WAA AKHLAAQDA

Qaran burburka iyo qaab darada soomaalida ku dhacday maaha mid diin ay ka tageen oga timid,waayo soomaalida waxay ka mid tahay umadaha ugu diin raacidda badan dunida,hadana tafaaruq iyo nidaam soo celin la’aan iyo faqri iyo colaad iyo abaar baa tunka loo suray muddo rubuc qarni ka badan. Kaliya micnaha diin ka taggu waxa uu soomaalida ku rumoobi karaa haddii loo jeedo diinta ay ka tageen midda akhlaaqda iyo dhaqanka suuban oo lafteeda diin ah. Waayo akhlaaqdu waa ta ugu muhiimsan qofka diinkiisa,sida dhowridda nafta,dhowridda maalka,dhowridda caqliga,dhowridda ballanta,cadaaladda,cafiska,isu tanasulka,istixgalinta,ilaalinta amaanada,caro…

Read More