GURMASHADA ABAARAHA WAA GUDASHADA WAAJIB DIINI AH.

 

Waxaa soo yeeraysa dhan kasta oo dhulka soomaalida dagto ah dhiilo iyo dhimasho ku socota umadda soomaaliyeed ee ay xoolihii dhaafisay abaarta ku dhufatay,
Xaalku dhayalsi waa ka tagay waxayna umadeenii maanta dhex dabaalanaysaa macluul aadane muto tii ugu darneyd ee abid la xasuusto.

Xaalada noocaan ah waa mid nalagu imtixaanayo hadaynu nahay bani aadam muslim ah oo uu rabi ku beeray damiir damqasho iyo wax tar leh,waa in qof kasta fadhiga ka kacaa oo uu hadba wixii kaga aadan ka gaystaa gurmadka abaartan ajalaysa iminka ubad iyo waayeelba.

Arintan maaha mid dhayalsi mudan waa waajib diini ah oo ciqaab lagu mudan karo hadayan umad ku filan u dhaqaaqin,waayo ilaahay waxa uu dambi culus ka dhigay qofka aan boorinin oon dhiiri galinin in masaakiinta baahan la quudiyo,maxaad moodaa kii awooday haduusan waxba dhiibin.

Ilaahay wuxuu yiri:mar uu ka waramayay mid naarta galaya

{خُذُوهُ فَغُلُّوهُ * ثُمَّ الْجَحِيمَ صَلُّوهُ * ثُمَّ فِي سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَاسْلُكُوهُ * إِنَّهُ كَانَ لا يُؤْمِنُ بِاللَّهِ الْعَظِيمِ * وَلا يَحُضُّ عَلَى طَعَامِ الْمِسْكِينِ} [الحاقة: 30-34].

“Qabta oo xirxira ka dibna jaxiimo galiya,ka dibna isaga oo silsilado naareed oo dhererkoodu yahay todobaatan dhudhun ku xir xiran naarta gunta u dhiga,waayo isagu wuxuu ahaa mid aan Allaha weyn rumaynin,oo aan boorin jirin in masaakiinta cunto la siiyo”

Wuxuu kaloo alle yiri:mar uu ka waramayay kuwa naarta galaya:-

“مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَرَ(42)قَالُوا لَمْ نَكُ مِنَ الْمُصَلِّينَ(43)وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ الْمِسْكِينَ(44)

“Oo maxaa naarta saqara idin galiyay,waxay yiraahdeen maanan tukan jirin oo masaakiintana cunto maanan siin jirin”.

Walaal sida alle noo sheegay dad baa naar ku galaya inay masaakiin cunto ay u awoodaan siini waayeen,ama ay hadaysan awoodin xitaa boorin waayeen oo ay dhiiri galin waayeen in dadka u baahan cunto la siiyo.

Ilaahay wuxuu yiri:-

“{كَلا بَلْ لا تُكْرِمُونَ الْيَتِيمَ * وَلا تَحَاضُّونَ عَلَى طَعَامِ الْمِسْكِينِ} [الفجر: 17-18].

“War bal jooga ee miyaydaan agoonka karaameyneynin oo wax tareynin oo aydaan boorineynin oo dhiiri galinaynin in miskiinka cunto la siiyo”

Wuxuu kaloo rabi yiri:-

{أَرَأَيْتَ الَّذِي يُكَذِّبُ بِالدِّينِ؛ فَذَلِكَ الَّذِي يَدُعُّ الْيَتِيمَ؛ وَلَا يَحُضُّ عَلَى طَعَامِ الْمِسْكِينِ} [الماعون]

“Bal ka waran midka diinka ama qiyaamaha beeninaya,kaasi waa midka agoonka reebaya oon danba ka lahayn,oo sidoo kalana aan boorinaynin in masaakiinta cunto la siiyo”

Rasuulka scw waxaa laga wariyay:-

“وعن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «ثلاثةٌ لا يكلمُهم اللهُ ولا ينظرُ إليهم يومَ القيامةِ ولا يزكيهم ولهم عذابٌ أليمٌ: رجلٌ على فضلِ ماءٍ يمنعُه ابنَ السبيلِ فيقولُ اللهُ له يومَ القيامةِ: اليومَ أمنعُك فضلي كما منعتَ فضلَ ما لم تعملْ يداك…..الحديث» (رواه البخاري ومسلم).

“Xadiis uu abuu hureyra rc rasuulka ka wariyay ayaa rasuulka scw wuxuu yiri seddex qof ilaahay lama hadlo oo ma eego xagooda umana dambi dhaafo,waxayna leeyhiin cadaab xanuun badan-sedexda wuxuu suubanaha ugu hor mariyay-qof biyo baahidiisa ka badan haysta oo inta dheeraadka ah u diidaya dadka u baahan ee safarka ah,ilaahay baa maalinka qiyaame ku oranaya:-maanta ayaan anigana kuu diidayaa fadligayga sidaad adigaba u diiday fadliga biyo aadan gacantaada ku samaynin…”

Rasuulku scw wuxuu ku yiri xadiis uu dabaraani soo saaray:-

«مَا آمَنَ بِي مَنْ بَاتَ شَبْعَانًا وَجَارُهُ جَائِعٌ إِلَى جَنْبِهِ وَهُوَ يَعْلَمُ بِهِ».

“Wallaahi inuusan i rumaynin nin isagoo dharagsan bari galaya iyada oo uu dariska ku dhagan gaajaysan yahay isaga oo waliba xog ogaal u ah”.

Dhanka kale walaalayaal ilaahay fadli ween iyo darajo sare ayuu u ballan qaaday dadka masaakiinta quudiya oo kuwa jilicsan u gargaara,agoontana u kaalmeeya.

Oo ilaahay isaga oo dadkaas wanaagsan qaadaa dhigaya waxa uu yiri:-

“وَيُطْعِمُونَ الطَّعَامَ عَلَى حُبِّهِ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا؛ إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ اللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنْكُمْ جَزَاءً وَلَا شُكُورًا”

“Waxay cunto siinayaan iyaga oo jecel miskiinka iyo agoonka iyo maxbuuska,oo waxay oranayaan kaliya waxaan idiin quudinaynaa dar alle oo idinka dooni mayno abaal iyo mahad celin”

Wuxuu kale oo Alle yiri:-

“فَلَا اقْتَحَمَ الْعَقَبَةَ * وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْعَقَبَةُ * فَكُّ رَقَبَةٍ * أَوْ إِطْعَامٌ فِي يَوْمٍ ذِي مَسْغَبَةٍ * يَتِيمًا ذَا مَقْرَبَةٍ * أَوْ مِسْكِينًا ذَا مَتْرَبَةٍ * ”

“Oo dadku dhibka daran ee qiyaamaha sugaya may ka gudbaan,oo maxaad ka og tahay sida caqabaadaas looga gudbo,waa iyada oo qoor la xoreeyo,ama cunto la bixiyo maalin ay gaajo daran jirto,cuntadaas oo la siinaayo agoon qaraabo ah,ama miskiin dhul yaal ah”.

Rasuulka scw waxa uu yiri isaga oo tilmaamaya fadliga ay leedahay quudinta dadka dhibaataysan.

“أَحَبُّ الأَعْمَالِ إِلَى اللَّهِ سُرُورٌ تُدْخِلُهُ عَلَى مُسْلِمٍ ، أَوْ تَكْشِفُ عَنْهُ كُرْبَةً ، أَوْ تَطْرُدُ عَنْهُ جُوعًا ، أَوْ تَقْضِي عَنْهُ دَيْنًا» (صحيح الجامع).

“Camal la qabto alle waxa uu ugu jecel yahay,in aad ka farxiso qof muslim ah ama aad kurbo ka feydo,ama aad gaajo ka quudiso ama aad dayn ka gudo”

Wuxuu kaloo suubanuhu yiri:-

«خِيَارُكُمْ مَنْ أَطْعَمَ الطَّعَامَ» (رواه أحمد).

“Waxaa idiinku akhiyaarsan kuwa cuntada ku quudiya masaakiinta”

Xadiisul qudsi oo rasuulka scw rabi kaga waramayay maalinka qiyaame inuu oran doono ayaa waxaa ka mid ahaa:-

“… يَا ابْنَ آدَمَ اسْتَطْعَمْتُكَ فَلَمْ تُطْعِمْنِي قَالَ يَا رَبِّ وَكَيْفَ أُطْعِمُكَ وَأَنْتَ رَبُّ الْعَالَمِينَ قَالَ أَمَا عَلِمْتَ أَنَّهُ اسْتَطْعَمَكَ عَبْدِي فُلَانٌ فَلَمْ تُطْعِمْهُ أَمَا عَلِمْتَ أَنَّكَ لَوْ أَطْعَمْتَهُ لَوَجَدْتَ ذَلِكَ عِنْدِي»؟(رواه مسلم).

“Ibna aadanow waan kaa quudin dalbay imana aadan quudin,markaasuu oranayaa oo rabiyow sideen kuu quudiyaa adiga oo ah rabigii caalamka,markaasaa Alle oranayaa waxaa kaa quudin dalbay adoonkayga hebel ah oo ma aadan quudinin,hadaad quudin laheed agtiisa ayaad iga heli lahayd.

Dhab ahaantii lama soo koobi karo nusuusta ku saabsan u gargaaridda dadka liita ee u dhimanaya gaajada iyo oonka,waxaase haboon inaan fahamno inay ka mid tahay waxyaabaha ay diinteena u qasdiday oo hadaan kaalmada ka tagnana aan cuqubo ku mudanayno,hadaan kuweena liito u kaalmeynana aan helayno liibaan adduun iyo mid aakhiro.

Related posts

Leave a Comment