SALAADIHII QALFOOFKA LAGA DHIGAY

 

Erayga salaad marka af-soomaali loo rogo waa duco,sidaas bayna luqad ahaan ku tahay,sharci ahaana waa ereyo iyo ficilo lagu bilaabo weyneyn alle loogana baxo salaama naqsi,marka la joogo manhajka ahlu sunna waljamaaca oo ah kuwa ugu laandheersan kooxaha loo nisbeeyo muslimiinta salaadaha shanta waxay ku tahay rukniga labaad ee tiirarka islaamku ku taagan yahay,waxaa ka horeeya oo kaliya towxiidka ama shahaadateynka oo ah furaha lagu soo galo islaanimada,waana waajib gudashadooda oo aysan u banaaneyn inuu ka tago qof kasta oo qaangaar ah,miyirna qaba iyo haweenka daahirka ka ah dhiiga dhalmada iyo midka caadada ah.

Salaadu waa astaan lagu muujiyo oo u taagan xiriirka ka dhaxeeya qofka iyo rabbi,waxayna ka kooban tahay faatixada iyo hadba suurad ama aayado la raaciyo labada ragcad ee hore iyo faatixada oo kaliya salaad kasta oo laba ragco ka badan ragcadaheeda dambe,waxaana intaas raaca waa ereyo ka tarjumaya weyneynta alle iyo nasahiidiisa iyo ku mahdintiisa iyo baryo iyo dambi dhaaf dalab lagu dhex tooray rukuucyada iyo sujuudaha iyo ataxiyaadyada salaad kasta dhex ceegaaga.

Shaki kuma jiro salaadda intaas matalaysa inay tahay mid qiimo iyo qaayo badan ku leh nafsad kasta oo danaynaysa inay xiriir dhow la yeelato rabiga iyada ku abuuray koonka ay dul saaran tahay,

Salaaddu waa conaction ama xiriir ay sir badan dhex ceegaagto waana kood ama xakama fure laga galo albaabka eebbe iyo xiriirka kala dhaxeeya adoomadiisa,waana marka kaliya ee la sheegay inay si dhab ah rabigood u hor taagan yihiin addoomada tukanaya.

Salaadda sidaas u qiimo badan waxay ahayd inay ahaato mid qiimayn ka mudan aadane kasta oo u hogaansamay allaha abuuray ee baray inay xuskiisa ugu dhowaadaan.

Ilaahay sareeye wuxuu yiri:-

“إِنَّنِي أَنَا اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاعْبُدْنِي وَأَقِمِ الصَّلَاةَ لِذِكْرِي ”

“Aniga Alle ayaan ahay ma jiro Alle aan aniga ahayn ee u oog salaadda xuskayga dartii”.

Waxaa isweydiin mudan salaadda maanta ma loo gutaa xus alle oo dhab ah?!!

Dhab ahaantii salaaddu maanta waxay noqotay mid loo guto naar laga baqayo darteed,culimada dadka wacdisa waxay dadka u sheegaan naarta u diyaarsan qofka salaadda ka taga,waxayna qaarkood ka bilaabaan masas qofka qabriga ku dhex cuna intaan qiyaamaha la gaarin,uma badna intooda badan inay qofka u sheegaan kheyrka iyo wanaaga ay ka heli karaan gudashada salaadda iyo sida ay ruux ahaan u anfacayso qofka.

Taasi waxay keentay inay dad badanu u suuraystaan Alle sidii boqor caraysan oo bani aadam u dabeecad eg oo si khasab ah loogu tukanayo,oo hadaan sidaa loo yeelin cadaab deg deg ah dadka ku guraya.subxaanallaag!!! Ilagay waa ka nasahn yahay suuradda noocaas ah.

Cabsidaas waa midda keentay inay dad badanu xiliga la adimo sidii wax waalan u ekaadaan oo ay si deg deg ah ku xiraan goobaha ganacsiga,wixii howl socotayna laga dhigo mid la dib dhigo iyo mid dhexda looga tago,iyo mid lagu dhibaateeyo dadkii goobta taagnaa ee u yimi in dan loo qumiyo.
Dadka qaar waxaa lagu dhex xiraa ama laga xirtaa albaabkii howsha ka socotay.

Waxaad kale ood arkaysaa dad uu waqtiga ugu galay meelo aan salaad munaasib ku ahayn sida jid dhexdii iyo goobo laga dukaamaysto ama garoomo diyaarado laga raaco oo ay dhici karto inaan loo samayn meelo lagu tukado,oo salaadii ku dhex oogaya goobahaas oo sababta mararka qaar jid gooyo ama hakin isu socod iyo howl carqaladayn iwm,gaar ahaan haddii uusan qofku ku noolayn dhul muslimiintu gaar u leeyihiin ama ku badan yihiin.

Salaadda sidaas halhaleelka ah lagu tukado waa mid inta badan seegta dantii laga lahaa salaadaha,isla markaasna aan helin ruuxdii ay xaqa u lahayd,lagana helin nacfigii loogu talo galay inuu ka helo adoonkan baahida u qabay xiriirka dhow ee rabiga ruuxdiisa leh.

Salaadda ruuxdeedu waa khusuuc taasna uma sahlana qof khasban oo baqdin darteed u cibaadeysanaya isaga oo qalbigiisa ku maqan yahay qorshe adduun oo khasab lagaga soo kaxeeyay.

Ilaahay wuxuu yiri:-
“‏ { قَدْ اَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ هُمْ فِي صَلَاتِهِمْ خَاشِعُونَ”

“Waxaa liibaanay kuwa iimaanka laga helay ee salaadooda dhexdeeeda ku kushuuca”

Wuxuu kaloo alle yiri:-

“ألم يأن للذين آمنوا أن تخشع قلوبهم لذكر الله”

“Miyaysan ku dhowaan kuwa alle rumeeyay inay quluubtooda ku khushuucdo waqtiga ay xuska alle ku jiraan”

Cabdullaahi ibnu mascuud wuxuu oran jiray waxaan isu dardaarmi jirnay aayadan marka aan salaadda tukanayno inaga oo og in loo jeedo khushuuca salaadda”.

Rasuulku scw wuxuu yiri:

“وعن عائشة رضي الله عنها انها قالت:قال رصول الله صلي الله عليه وسلم:- أميطي عنا قرامَك، فإن تصاويره لم تزل تعرضُ لي في صلاتي.”

“Caa’isha rc waxay tiri rasuulka scw ayaa igu yiri iga leexi daahaadaan waayo sawiradiisa ayaa la ii soo bandhigayaa mar kasta oon salaadda galo”.

“وعن عمر ـ رضي اللّه عنه ـ انه راي رجلاً يعبث في صلاته‏.‏ فقال‏:‏ لو خشع قلب هذا لخشعت جوارحه”

“Cumar rc waxaa laga wariyay inuu arkay nin salaadiisa ku dhex dhaq dhaqaaqaya,markaasuu yiri hadii uu kan qalbigiisa khushuuci lahaa xubnihiisana way khushuuci lahaayeen”

“وكان النبي صلى الله عليه وسلم يقول في حال ركوعه‏:‏ ‏(‏اللهم لك ركعت، وبك امنت، ولك اسلمت‏.‏ خشع لك سمعي وبصري ومُخِّي وعقلي وعصبي‏)‏ رواه مسلم في صحيحه‏.

“Rasuulku scw wuxuu oran jiray marka uu rukuucsan yahay,ilaahoow adaan kuu rukuucay oo adaan ku rumeeyay oon kuu hogaansamay,waxaa kuu khushuucay maqalkayga iyo aragayga iyo maskaxdayda iyo qalbigayga iyo xubnahayga”

Culimada islaamka barkood waxay qabaan in khushuuca salaadda dhexdeeda uu waajib yahay oo la’aantiina aysan salaadda micno yeelanaynin amaba burayso.

Sidaa darteed baad waxaad arkaysaa in marka horeba lala diriray oo ay diintu diiday wax kasta oo khushuuca salaadda wax u dhimaya,sida in la diiday inuu qofka soo aado salaadda ama galo isaga oo deg degsan ama mashquul ku ah arimo adduun sida inuu cunto cunayo ama ka fakarayo howl qabyo ka ah.

Rasuulku scw wuxuu yiri:-

“لا صلاة بحضرة الطعام، ولا هو يدافعه الأخبثان.” رواه مسلم.

“Salaad uma sugnaan qof cunto loo keenay cunaya ama isaga oo isku celcelinaya saxaro iyo kaadi”.

Wuxuu kale oo uu yiri suubanaha scw :-

“إذا وضع عشاء أحدكم وأقيمت الصلاة فابدءوا بالعشاء ولا يعجل حتى يفرغ منه”.متفق عليه.

“Haddii midkiin casho loo keeno iyada oo salaadiina la aqimay,marka hore ku bilaaba cashada oo yuusan dagdagin ilaa uu cuntada ka dhamaysto”.

Sidoo kale waxa uu rasuulka scw yiri:-

“45) عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( إِذَا ثُوِّبَ لِلصَّلَاةِ ( يعني : أقيمت ) ، فَلَا تَأْتُوهَا وَأَنْتُمْ تَسْعَوْنَ ، وَأْتُوهَا وَعَلَيْكُمْ السَّكِينَةُ ، فَمَا أَدْرَكْتُمْ فَصَلُّوا ، وَمَا فَاتَكُمْ فَأَتِمُّوا ؛ فَإِنَّ أَحَدَكُمْ إِذَا كَانَ يَعْمِدُ إِلَى الصَّلَاةِ ، فَهُوَ فِي صَلَاةٍ ) رواه مسلم.

“Abuu hureyra rc waxaa laga wariyay inuu yiri:-rasuulka scw wuxuu yiri:-haddii salaadda la aqimo ha imaanina idinka oo dagdagaya,ee imaada idinka oo xasiloon oo wixii aad haleeshaan tukada wixii idin dhaafana gadaal ka dhamaystira,waayo axadkiin hadiiba uu salaad u qasdo wuxuu la mid yahay inuu salaadiiba ku jiro”.

Isla xadiis kaa la mid ah ayaa wuxuu ahaa:-

“عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ( إِذَا سَمِعْتُمْ الْإِقَامَةَ ، فَامْشُوا إِلَى الصَّلَاةِ ، وَعَلَيْكُمْ بِالسَّكِينَةِ وَالْوَقَارِ ، وَلَا تُسْرِعُوا ، فَمَا أَدْرَكْتُمْ ، فَصَلُّوا ، وَمَا فَاتَكُمْ فَأَتِمُّوا ) متفق غليه.

“Abuu hureyra wuxuu yiri:rasuulka scw ayaa yiri:-haddii aad aqimaadda salaadda maqashaan aada oo u socda idinka oo xasilooni iyo daganaan ku dheehan,oo ha dagdagina,wixii aad jamaacada ku haleeshaan tukada wixii idinka tagayna gadaal ka dhamaystira”.

Walaal muhiimadda salaadda waa khusushuuca iyo inaad xiriirka rabbi ku hesho goob ku haboon iyo xilli ku haboon oo aad u soo diyaar garowday,haddii aad doonayso in aad salaadahaada jamaaco ku tukato waa inaad ku talo gashaa oo aad xili hore shaqooyinkaada soo idleysataa waqti horena timaaddaa masaajidka adiga oon karkabo qabin,haddiise aad ka fursan waydo mashquul iyo howl waa inaad sugtaa inta aad ka dhamaysanayso mashquulkaada oo aad ka tagayso goob munaasab kuu ah inaad rabbi kula xariirto adiga oo aan is dhibaynin dadkana dhibaynin,waayo alle maaha mid aan ku sugi karin adiga,oo dhibkaaga doonaya,salaadana adigaa dheef ku qaba ee Alle swt dheef kuma qabo.
Oo ilaahay waxa uu yiri:-

“مَا يَفْعَلُ اللَّهُ بِعَذَابِكُمْ إِنْ شَكَرْتُمْ وَآمَنْتُمْ وَكَانَ اللَّهُ شَاكِرًا عَلِيمًا”

“Ilaahay waxba ku fali maayo cadaabkiina haddii ku shukrisaan oo aad rumaysaan waayo alle waa mid mahdinta badan aqbala oo cilmi badan”

Sideedaba ilaahay wuu fududeeyay diinka oo adoomadiisa marna dhib lama doonin oo xitaa xiliyada safarka ilaahay waxa uu u fasaxay adoonkiisa inuu salaadaha soo yareeyo oo uu si jamac ahna u tukan karo,waxaa kale oo sugan in iyada oon safar lagu jirin salaadaha la jamcin karo iyada oon la gaabinaynin.

“و عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: جمع رسول الله صلى الله عليه وسلم بين الظهر والعصر والمغرب والعشاء بالمدينة في غير خوف ولا مطر في حديث وكيع. قال: قلت لابن عباس: لم فعل ذلك؟ قال: كي لا يحرج أمته، وفي حديث أبي معاوية قيل لابن عباس: ما أراد إلى ذلك؟ قال: أراد أن لا يحرج أمته.رواه مسلم.

“Ibnu cabaas rc waxaa laga wariyay inuu yiri:-rasuulka scw wuxuu jamciyay duhur iyo casar iyo maqrib iyo cishe isaga oon safar ahayn cabsi iyo roobna aysan jirin,wakiic oo ruwaada xadiiska ka mid ah ayaa ku yiri ibnu cabaas oo muxuu sidaa u yeelay rasuulka,ibnu cabaasna wuxuu yiri wuxuu doonayay inaysan umadiisa dhibaatoon,lafdi kale oo xadiiska abii mucaawiye ahna wuxuu ahaa in ibnu cabaas lagu yiri oo muxuu rasuulka sidaa u suubiyay? Ibnu cabaasna wuxuu ku jawaabay inaysan ummadiisa dhibaatoon darteed buu rasuulka scw sidaa u yeelay”.

Walaalayaal Waxaan marar badan maqalnaa dad maraykan iyo yurub ama meelo kale jooga oo shaqooyinkoodii isaga daayay in loo diiday salaadda inay tukadaan iyo culimo bogaadinaysa arintaas,dhab ahaantii aniga aragtidayda waxay iila muuqataa isku adkayn diin ama in dadkaasi diinkii fududaa lagu adkeeyay,waayo ilaahay wuxuu yiri:-

“هُوَ اجْتَبَاكُمْ وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ ”

“Ilaahay isagaa idin doortay,diinkana dhibaato idin kagama uusan dhigin”

Waxaan kaloon arkaynaa axaadiista saxiixa ah ee uu rasuulka scw ku baneeyay in iyada oon wax dhibaato ahi jirin mararka qaarkood la jamcin karo salaadaha faralka ah,maxaad moodda qofka ay dhibaatadii laga fududeeyay haysato,dhab ahaantii waxaa wax lala yaabo ah in culimada qaar iyaga oo og axaadiistan dhibka ka fududaynaysa qofka muslimka ah ee waayay waqti uu ku tukado salaad waqtigeeda joogto inay ku dhiiri galiyaan inuu shaqada ka tago badalkii ay u sheegi lagaayeen inuu rukhso u haysto inuu salaadihiisa jamcin karo marka uu shaqada ka baxo ee uu gurigiisa tago,taas oo muslimiin badan ku keenta inay diinta cusleystaan amaba ay dhici karto in qaar iimaan yar kaba baxaan diinta,ilaahay ma qadaree.

Walaal waxaa haboon inaan ku baraarugno culimo iyo caamaba in ilaahay diinka inoo fududeeyay oo salaadana inaga doonayo inaan ku gudano khushuuc iyo goor iyo goob ku haboon,sidaa darteed waa inaan ka daynaa salaadeena inay noqoto mid ruuxdii laga qaaday oo bilaa khushuuc ah taas oo ka dhigan qalfoof maran oo magac u yaal ah.
Waadna mahadsan tihiin,wabillaahi towfiiq.
Cabdullahi M Hussein.

Related posts

Leave a Comment