ISLAAMKU MA AQBALO IN MALAHA LAYSU XUMEEYO.

ISLAAMKA IYO IN MALAHA LAYSU XUMEEYO.

Soomaalidii hore ayaa waxaa laga hayaa muslinow run sheeg oo muslinow run oga qaado.
Waa maah maah ku dhaqankeedu uu inoo dhaami lahaa sida aan dhowaanahan nahay.

Waxaa aad inoogu batay waayadan dambe tuhmo iyo shaki iyo malaha oo laysu xumeeyo, iyada oo aad arkayso in aad loo kala tagay oo qof kasta uu ka shakisan yahay midka kale qolo kasta ay tuhunsan tahay midda kale,

Waxaad arkaysaa in hadalkii laysu badalayo oo qof kasta ama qolo kasta uusan umuuqan karin khayrka qolada kale.

Taasina waxay sahashay inuu xiqdigii ina hareeyo oo aan ugu dambeyn dhiig isaga daadino wax aan deero mid kale ku hardiyin oo gidigood ku dhisan tuhun iyo shaki uu sheydaan dhoodhoobay.

Haddii dhoohanaantu caqligeenu ka dhigtay mid aan dhabta ka tarjumi karin oo aan inaba usoo jeedin istixgalin ilbaxnimo huwan.

Bal ma isweydiinay inay diintu inaga celinayso calanwanlaynta tuhunka iyo malaha xun.

Hadaan mowduuca ku soo dhowaado halkan hoose waxaan ku soo diyaarshay qaar ka mid ah nusuusta diinta ee ka hadlaya arintan iyo halku salafku ka taagnaayeen cudurkan cid kale daayee galaaftay groupyada sheegta inay garwadeen ka yihiin diinta ee saanyaday dadkii iyo dalkii.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيراً مِنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ إِثْمٌ وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا يَغْتَبْ بَعْضُكُمْ بَعْضاً.

“Kuwa iimaanka laga helayoow ka dheeraada in badan malaha xun waayo malaha xun waa dambi ee ha is jaasuusina oo qaarkiin yuusan xaman kuwa kale”

– عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ((إياكم والظنَّ، فإنَّ الظنَّ أكذب الحديث)) [5905] رواه البخاري.

“Abuu hurayra waxaa laga wariyay inuu yiri rasuulka scw wuxuu yiri:- waxaan idiinka digayaa malaha xun waayo malaha xun waa sheeko la dhoodhoobay oo been ah”.

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ : إِيَّاكُمْ وَالظَّنَّ فَإِنَّ الظَّنَّ أَكْذَبُ الْحَدِيثِ وَلَا تَحَسَّسُوا وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا تَحَاسَدُوا وَلَا تَدَابَرُوا وَلَا تَبَاغَضُوا وَكُونُوا عِبَادَ اللَّهِ إِخْوَانًا . رواه البخاري (6064).

“Lafdi kale waxa uu ahaa” ” waxaan idiinka digayaa malaha xun waayo waa sheeko been ah oo la dhoodhoobay,
Ha is xuuraamina oo ha is jaasuusina oo ha isu caroonina oo ha isu dhabar jeedinina ee noqda addoomo alle oo walaalo ah”

– قال عمر بن الخطَّاب رضي الله عنه: (لا يحلُّ لامرئ مسلم يسمع من أخيه كلمة يظنُّ بها سوءًا، وهو يجد لها في شيء من الخير مخرجًا. وقال أيضًا: لا ينتفع بنفسه من لا ينتفع بظنه) (1) .

“Cumar ibnu khadaab rc wuxuu yiri qof muslim ah uma banaana inuu maqlo war malaha u xumaynaya walaalkii kadibna uu ku camal falo isaga oo awooda inuu waxa uu maqlay ku fasirto sida fiican.

Wuxuu kaloo yiri khaliif cumar rc ninka aan malihiisa dadka ku anfacin naftiisa dadka kuma anfaco.

– وقال علي بن أبي طالب رضي الله عنه: (من علم من أخيه مروءة جميلة فلا يسمعنَّ فيه مقالات الرِّجال، ومن حَسُنت علانيته فنحن لسريرته أرجى) (2) .

Cali ibnu abii daalib rc wuxuu yiri nin kasta walaalkii ku yaqaana dhaqan suuban yuusan dhagaysan dadka kale xumaha ay ka sheegayaan,waayo ninka waxa ka muuqda ay wanaagsan yihiin waxa uqarsoon ayaa ka mudan in khayr loogu sii rajeeyo.

– وعن سعيد بن المسيَّب قال: (كتب إليَّ بعض إخواني من أصحاب رسول الله: أن ضع أمر أخيك على أحسنه، ما لم يأتك ما يغلبك، ولا تظنَّن بكلمة خرجت من امرئ مسلم شرًّا، وأنت تجد لها في الخير محملًا) (4).

Saciid ibnu musayb wuxuu yiri:- mid walaaladay ka mid ah ayaa warqad iiga keenay qaar asxaabtii rasuulka ka mid ah, warqadaas waxaa ku yaalay,
Daji walaalkaa xaaladihiisa midda ugu wanaagsan’ hadaysan wax kaa qaalib noqda xagiisa kaaga imaan,
Waligaana ha ku malayn kalmad qof muslim ah ka soo baxday shar inta aad uleexin kartid xagga khayrka”.

– وقال المهلب: (قد أوجب الله تعالى أن يكون ظنُّ المؤمن بالمؤمن حسنًا أبدًا، إذ يقول: لَوْلا إِذْ سَمِعْتُمُوهُ ظَنَّ الْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بِأَنفُسِهِمْ خَيْرًا وَقَالُوا هَذَا إِفْكٌ مُّبِينٌ [النور: 12]، .

“Imaam muhlab wuxuu yiri ilaahay waxa uu waajib ka dhigay in qofka mu’minka ah uu mu’minka kale khayr ku maleeyo waligii waayo waxa uu yiri” markii ay been abuurka maqleen maxay mu’miniinta rag iyo dumar ay naftooda khayr isugu malayn waayeen oo ay u oran waayeen waxani waa been abuur cad”

– وروى معمر عن إسماعيل بن أمية قال: (ثلاث لا يعجزن ابن آدم، الطِّيرة، وسوء الظَّن والحسد. قال: فينجيك من سوء الظَّن أن لا تتكلم به، وينجيك من الحسد أن لا تبغي أخاك سوءًا، وينجيك من الطِّيرة أن لا تعمل بها) (6) .

Macmar waxa uu ismaaciil bin umaya ka wariyay inuu yiri.
Bani adamku seddex kama caajiso waa baasaysiga iyo xasadka iyo malaha xun
Xasadku waxaad kaga badbaadi kartaa inaadan walaalkaa wax yeello la doonin.
Malaha xunna waxaad kaga badbaadi kartaa inaadan sheeg sheegin.
Baasaysiga waxaad kaga badbaadi kartaa inadan waxba ka soo qaadin.

– وقال قتادة: (إنَّ الظَّن اثنانi: ظنٌّ يُنْجِي، وظنٌّ يُرْدِي) (7).
“Imaan qataadda wuxuu yiri malahu waa laba:-
Mid wanaagsan oo ku badbaadiya iyo mid xun oo naarta kugu arooriya.

Walaalayaal sida aan arkayno diinteenu waa is hortaagtay inaan malo xun isku malayno oo aan is tuhuno.
Marka waxaa haboon inaan noqono kuwo diintooda ku dhaqma oo arimahaas ka dheeraada.

Sidiisaba malaha xun iyo shakiga waa khatar kufri lala meel dhigay oo ilaahay marar badan waxa uu ka cabiray gaalada kuwo shaki dartii xaqa ku beeniyay”
Oo wuxuu yiri:-

– وَحِيلَ بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ مَا يَشْتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشْيَاعِهِمْ مِنْ قَبْلُ إِنَّهُمْ كَانُوا فِي شَكٍّ مُرِيبٍ (54).

Waxaa la kala teeday gaaladii iyo wixii ay jeclaayeen oo aduunyo ah sidiiba dhiggood lagu falay iyaga hortood waayo iyagu waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki daran.

Related posts

Leave a Comment