ISLAAMKA IYO DAGAALKA (QAYBTII 2AAD)

ISLAAMKU MA DIIN DAGAAL BAA?!!!
QAYBTII 2AAD.

Waxaan qaybtii koobaad ee qoraalkan ku soo aragnay sida uusan marna suubaaha isugu dayin inuu dacwadiisa xoog ku meel mariyo.

Waxaan soo aragnay sida uu ugu celcelin jiray in waxa uu wado ay tahay talo iyo nasteexo ayan ku khasbanayn in ay qaadato cidii aan doonayn.

Waxaan kale oon soo aragnay aayadihii ilaahay ee ku baaqayay xoriyadda iyo in aan diinkanu jujuub ahayn.

Si kastaba arintu ha ahaatee qureysh waa u cuntami weyday in uu ku dhex sugnaado ruux dadka u sheegaya wax ka duwan wixii ay hore u haysteen.

Waxay isla karantiileen nabi muxamad scw iyo reerkii uu ka dhashay ee ka dhiidhiyay in wiil iyaga ku abtirsada anafo loo gaysto

In kasta oo aysan cuna qabatayntii quraysh ku soo rogtay reer banii haashim daa’imin maadaama lagu guul daraystay dantii laga lahaa ee ahayd dilitaanka nabiga scw
Hadana waxay wadada ufurtay in ay qabiilooyinka kale ee quraysh ay markii ay doonaan gaari karaan go’aan ka dhan ah reerkii ay doonaan.

Inta waxaanu ku dhacayeen rasuulka scw sidoo kale rafaadka lagama dayn intii raacday ee soo dhoweysay rayigiisa.

Waxay noqdeen wax la dilay iyo wax la firxaday diintoodii oo intii ugu badneyd wuxuu kula taliyay suubanaha inay dhulka xabashida uqaxaan maadaama uu halkaas xukumayay boqor kiristaan ah oo caadil ah sida rasuulka scw laga soo xigtay

Kolkii la soo gaaray sanadkii tobnaad ee nabinimada ayaa rasuulka scw waxa ka geeriyooday adeerkiis abuu daalib oo runtii u ahaa garab iyo gaashaan loo gali waayay oo hiil iyo hooba la garab taagnaa suubanaha scw.

Isla sanadkaas ayaa waxaa iyana geeriyootay haweentiisii uu ku tiirsanaa ee talo iyo tirtirsiinba ku sabarsiin jirtay suubanaha mar kasta oo ay taabato tabaaladii uu kala kulmi jiray quraysh.

Intaas ka dib qureysh waxay mar kale ku dhiiratay dhibaataynta rasuulka scw maadaama uu meesha ka baxay nabadoonkii magaca iyo maamuuska lahaa ee had iyo goor ka difaaci jiray gardaradooda.

Si kasta oo ay qureysh u silcisay suubane muxamad scw iyo intii samaha ku raacday misana taasi sabab uma noqon in ay hor joogsadaan diintii iyo dacwadii uu dadka ugu baaqayay. Oo dadka ajiibaya aad bay sare ugu kacayeen wuxuuna qureysh ka soo meersaday halyeeyo muhiim u ahaa sida xamza iyo cumar binu khadaab.

Waxaa kale oo diintiisa qaatay dad badan oo dibada maka ka soo maqlay kuwaasoo ay qabiilooyinka reer madiina ugu muuq dheeraayeen

Muddo ka dib rasuulka waxaa la faray isaga iyo intii raacdayba in ay u hijroodaan magaalada madiina oo uu ka helay miciin badan iyo bulsho u heelan oo ballan ugu qaaday in ay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan.

Haddii uu madiina tagay wuxuu helay duul barakaysan oo intooda badan u darban difaaciisa diintiisana hore u galay intii uusan sooba gaarin

Haddii halkaas lagu soo dhoweeyay waxaa markiiba umuuqatay muhiimadda nabadda leedahay wuxuuna udeg degay diyaarinta dastuur kala haga dadkan soo dhoweeyay ee diintiisa qaatay iyo kuwii la deganaa ee yahuudda ahaa iyo dadka aan diintiisa galin.

Wuxuuna warqad uu kala tashaday dhamaan dadkii madiina daganaa ku diyaariyay dastuur ay qodobadiisa ugu muhiimsan farayeen amaanka iyo nabad kuwada noolaanshaha dadkan kala diinta duwan ee madiina kuwada nool.

Qodobada oo dhamaystirana ciddii carabiga taqaan halkan ayay ka daalacan kartaa.

‎بسم الله الرحمن الرحيم
‎هذا كتاب من محمد النبي (رسول الله) بين المؤمنين والمسلمين من قريشوأهل يثرب ومن اتبعهم فلحق بهم وجاهد معهم.
‎* إنهم أمة واحدة من دون الناس.
‎* المهاجرون من قريش على ربعتهم يتعاقلون بينهم وهم يفدون عانيها بالمعروف والقسط بين المؤمنين.
‎* وبنو عوف على ربعتهم يتعاقلون معاقلهم الأولى، وكل طائفة تفدى عانيها بالمعروف والقسط بين المؤمنين.
‎* وبنو الحارث (من الخزرج) على ربعتهم يتعاقلون معاقلهم الأولى، وكل طائفة تفدى عانيها بالمعروف والقسط بين المؤمنين.
‎* وبنو ساعدة على ربعتهم يتعاقلون معاقلهم الأولى، وكل طائفة تفدى عانيها بالمعروف والقسط بين المؤمنين.
‎* وبنو جشم على ربعتهم يتعاقلون معاقلهم الأولى، وكل طائفة تفدى عانيها بالمعروف والقسط بين المؤمنين.
‎* وبنو النجار على ربعتهم يتعاقلون معاقلهم الأولى، وكل طائفة تفدى عانيها بالمعروف والقسط بين المؤمنين.
‎* وبنو عمرو بن عوف على ربعتهم يتعاقلون معاقلهم الأولى، وكل طائفة تفدى عانيها بالمعروف والقسط بين المؤمنين.
‎* وبنو النبيت على ربعتهم يتعاقلون معاقلهم الأولى، وكل طائفة تفدى عانيها بالمعروف والقسط بين المؤمنين.
‎* وبني الأوس على ربعتهم يتعاقلون معاقلهم الأولى، وكل طائفة تفدى عانيها بالمعروف والقسط بين المؤمنين.
‎* وأن المؤمنين لا يتركون مفرحاً بينهم أن يعطوه بالمعروف في فداء أو عقل.
‎* وأن لا يخالف مؤمن مولى مؤمن دونه.
‎* وأن المؤمنين المتقين أيديهم على كل من بغى منهم أو ابتغى دسيعة ظلم أو إثماً أو عدواناً أو فساداً بين المؤمنين، وأن أيديهم عليه جميعاً ولو كان ولد أحدهم.
‎* ولا يقتل مؤمن مؤمناً في كافر ولا ينصر كافراً على مؤمن.
‎* وأن ذمة الله واحدة يجير عليهم أدناهم، وأن المؤمنين بعضهم موالي بعض دون الناس.
‎* وأنه من تبعنا من يهود فإن له النصر والأسوة غير مظلومين ولا متناصر عليهم.
‎* وأن سلم المؤمنين واحدة لا يسالم مؤمن دون مؤمن في قتال في سبيل الله إلا على سواء وعدل بينهم.
‎* وأن كل غازية غزت معنا يعقب بعضهم بعضاً.
‎* وأن المؤمنين يبئ بعضهم عن بعض بما نال دماؤهم في سبيل الله.
‎* وأن المؤمنين المتقين على أحسن هدى وأقومه.
‎* وأنه لا يجير مشرك مالاً لقريش ولا نفساً ولا يحول دونه على مؤمن.
‎* وأنه من اعتبط مؤمناً قتلاًَ عن بينة فإنه قود به إلا أن يرضى ولى المقتول (بالعقل)، وأن المؤمنين عليه كافة لا يحل لهم إلا قيام عليه.
‎* وأنه لا يحل لمؤمن أقر بما في هذه الصحيفة وآمن بالله واليوم الآخر أن ينصر محدثاً أو يؤويه، وأنه من نصره أو أراه فإن عليه لعنة الله وغضبه يوم القيامة ولا يؤخذ منه صرف ولا عدل.
‎* وأنكم مهما اختلفتم فيه من شيء فإن مرده إلى الله وإلى محمد.
‎* وأن اليهود ينفقون مع المؤمنين ما داموا محاربين.
‎* وأن يهود بني عوف أمة مع المؤمنين لليهود دينهم وللمسلمين دينهم مواليهم وأنفسهم إلا من ظلم أو أثم فإنه لا يوتغ إلا نفسه وأهل بيته.
‎* وأن ليهود بني النجار مثل ما ليهود بني عوف.
‎* وأن ليهود بن الحارث مثل ما ليهود بني عوف.
‎* وأن ليهود بني ساعدة مثل ما ليهود بني عوف.
‎* وأن ليهود بني جشم مثل ما ليهود بني عوف.
‎* وأن ليهود بني الأوس مثل ليهود بني عوف.
‎* وأن ليهود بني ثعلبة مثل ما ليهود بني عوف إلا من ظلم وأثم فإنه لا يوتغ إلا نفسه وأهل بيته.
‎* وأن جفته بطن من ثعلبة كأنفسهم.
‎* وأن لبنى الشطبية مثل ما ليهود بني عوف وأن البر دون الإثم.
‎* وأن موالى ثعلبة كأنفسهم.
‎* وأن بطانة يهود كأنفسهم.
‎* وأنه لا يخرج منهم أحد إلا بإذن محمد.
‎* وأنه لا ينحجز على ثأر جرح، وأنه من فتك فبنفسه وأهل بيته إلا من ظلم وأن الله على أبر هذا.
‎* وأن على اليهود نفقتهم وعلى المسلمين نفقتهم، وأن بينهم النصر على من حارب أهل هذه الصحيفة، وأن بينهم النصح والنصيحة والبر دون الإثم.
‎* وأنه لا يأثم أمره بحليفه وأن النصر للمظلوم.
‎* وأن اليهود ينفقون مع المؤمنين ما داموا محاربين.
‎* وأن يثرب حرام جوفها لأهل هذه الصحيفة.
‎* وأن الجار كالنفس غير مضار ولا آثم.
‎* وأن لا تجار حرمة إلا بإذن أهلها.
‎* وأنه ما كان بين أهل هذه الصحيفة من حدث أو اشتجار يخاف فساده فإن مرده إلى الله وإلى محمد رسول الله، وأن الله على أتقى ما في هذه الصحيفة وأبره.
‎* وأن لا تجار قريش ولا من نصرها.
‎* وأن بينهم النصر على من دهم يثرب.
‎* وإذا دعوا إلى صلح يصالحونه ويلبسونه فإنهم يصالحونه ويلبسونه، وأنهم إذا دعوا إلى مثل ذلك فإنه لهم على المؤمنين إلا من حارب في الدين.
‎* على كل أناس حصتهم من جانبهم الذي قبلهم.
‎* وأن يهود الأوس مواليهم وأنفسهم لأهل هذه الصحيفة مع البر المحض من أهل هذه الصحيفة، وأن البر دون الإثم لا يكسب كاسب إلا على نفسه وأن الله على أصدق ما في هذه الصحيفة وأبره.
‎* وأنه لا يحول هذا الكتاب دون ظالم أو آثم، وأنه من خرج آمن ومن قعد آمن بالمدينة إلا من ظلم أو آثم، وأن الله جار لمن بر واتقى، ومحمد رسول الله.

Markii uu nabiga scw iyo muslimiintii raacdayba madiino ku xasileen oo ay dhiseen nidaam iyo dowlad ay ku naaloodeen iyaga iyo intii madiina kula nooleydba ayaa qureysh waxaa u muuqatay in ay iyaga qatar ku tahay isbahaysiga uu suubanaha hor kacayo ee madiina ka yagleelmay.

Waxayna bilaabeen dhaqdhaqaaq malatari iyo mid siyaasadeed oo damacoodu yahay in ay ku horjoogsadaan isballaarinta muxamad scw iyo intii raacday.

Waxayna markiiba handadaad u direen odayadii qabiilooyinka aws iyo khasraj waxay kale oo ku baaqeen dagaal rixim goys ah hadii aysan reer madiina iska soo saarin muxamad scw iyo inta raacsan ee rugta ka dhigtay halkaas.

Quyeysh waxay gashay qabanqaabo dagaal waxayna hub iyo saanad udoonteen shaam iyo degaanadii roomaanku xukumi jireen

Rasuulku scw wuxuu isha ku hayay abaabulka dagaal iyo qabanqaabada qureysh waddo hase ahaatee tilaabo dagaal ma qaadi karin waayo waxaa wali dul saarnaa amarkii eebbe ee ahaa gacmihina laaba oo salaadda ooga.

‎كُفُّوا أَيْدِيَكُمْ وَأَقِيمُوا الصَّلاةَ .

Waxayse rasuulka scw iyo intii raacdayba rajaynayeen in ay maalin uun la gaari doono ay ka gadoodaan gardarada quraysh oo ay guulana ka heli doonaan go’aan ay isku difaacaan.

Waxayna sidaasi dhabowday markii alle usoo dajiyay aayadan iyo aayado kale oo lagu farayay jihaadka difaaca ah ee naftooda iyo maalkooda iyo diintooda.

‎ – أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ (39)
Waxaa la faray kuwan lala dirirayo ee la dulmiyay in ay is difaacaan ilaahayna waa karaa inuu u gargaaro.

Intaa wixii ka dambeysay muslimiinta waxay bilaabeen dhaqdhaqaaq difaac oo ay kaga hor tagayaan gardarada iyo kibirka qureysh oo intay guryahoodii ka soo saareen misana kaga daba yimid gayigii ay uqaxeen.

Markii ugu horeysay ayaa muslimiin uu rasuulka hor kacayay oo isku dayay in ay leexsadaan sahay iyo saanad dagaal oo qureysh usocotay waxay ceelka badar isku heleen ciidankii qureysh ee awalba diyaarsanaa asii markii ay maqleen jidgooyada loo dhigay sahaydii ay sugayeen soo deg degay.

Halkaasna waxaa ka dhacay dagaalkii taariikhda galay ee badar ee ahaa kii ugu horeeyay ee ay ku kulmaan muslimiinta iyo gaaladii qureysh
Kaasoo ay guusha ku raacday muslimiinta kibirkii qureyshna baday guul daro ku keentay in ay dib uliqaan hankii ay ka qabeen in ay suubanaha iyo inta raacday madiina ku soo baabi’iyaan.

Intaa wixii ka dambeeyay waxaa iska soo daba dagayay aayadaha dagaalka tirtirsiinaya ee muslimiinta ku boorinayay in ay is difaacaan kuna jihaadaan cid kasta oo doonta in ay dhulka ku jiiddo kuwa xambaarsan kalmadaha eebbe .

Qureysh intaa kuma harin ee waxay muddo ka dib soo qaaday dagaalkii uxud oo in kasta oo uu qasaaraha xagooda ubadnaa ay misana kala laabteen wax uun ugu muuqday guul ay isku qanciyeen.

Intaas wixii ka dambeeyay waxay wali baritaarayeen isku day kasta oo usaamaxaya inay soo dumiyaan dowladda muslimiinta madiina oga yagleelan.

Waxay lug iyo farasba ufuuleen isku duwidda gaashaan buur adag oo la gasha dagaal kama dambays ah oo lagu soo af jarato maxamad scw iyo inta raacsan.

Waxayna taasi usuurowday dagaalkii axzaab ee ay isbahaysi la yeesheen yahuudda iyo carabtii reer baadiyaha ahayd ee duleedka madiina ku noolayd

In kasta oo uu isbahaysigaasi ahaa taariikhdii ugu darneyd ee soo marta reer madiina misana rabbi waa ka badbaadshay oo wuxuu muslimiinta nasri oga dhigay in ay kala shakiyaan qureysh iyo yahuuddii ballanta oga baxday muslimiinta. Oo markii dambe sawabsaday ballan ka baxoodii oo eeday gardaroodii.

Qureyshna waxay ku laanteen guryahoodii iyagoon guul gaarin
Muslimiintiina waxaa eebbe ka badbaadiyay dagaal lagu cirib tiri rabay.

Haddii ay qureyshi guul darooyin isdaba joog ah kala kulantay kibirkii ay ku doonaysay inay kaga takhalusto muslimiinta waxa marakan umuuqday bal in ay marakan fursad siiso nabadda ay muslimiintu doonayeen ee ay ayadu diidaneyd

Waxaa muddo ka dib axzaab la kala saxiixday heshiiskii xudeybiya oo in kasta oo qodobada lagu heshiiyay u muuqdeen kuwo muslimiinta ku dulman yihiin hadana ay muslimiinta ka heleen macaash weyn oo ahaa mid lagu aqbalayay fariimahooda diimeed oo waxaa islaamka aad ugu soo qulqulay dad iyo qabaa’il badan oo awal ay qureysh handadaysay.

Arintu sidaas ayay ku socotay ilaa ay qureysh iyada si iskeed ah uburisay heshiiskii xudeybiya lix sano ka bacdi kaas oo sawabay dagaalo dib usoo cusboonaaday oo aakhirkii lagu jabiyay qureysh muslimiintiina usuura galiyay in ay gacanta ku dhigaan caasimaddii qureysh ee maka al mukarama.

Hase yeeshee rasuulka scw kama uusan aargudan qureysh oo markii uu qabsaday wuxuu yiri iska taga waxaad tihiin kuwo la furtaye

‎اذهبوا فانتم الطلقاء

Walaalayaal sida aan arkayno qof kasta oo caqligiisa cadaalada amaahiya waxa uu arki karaa sida uusan islaamku u ahayn diin dagaal ee uu uyahay diin nabad iyo raxmad taasoo mar kasta ku dadaasha in ay dadku nabad ku wada noolaadaan.

Kaliya dagaalka ay dad badani ku kadsoomaan waa difaac sida aayadaha munasalka ah ku cad iyo cid kasta oo ukuur gasha taariikhdii suubanaha iyo saxaabadii la noolayd waxay si sahal ah u ogaan kartaa in fariinta islaamka ay mar kasta u janjeertay dhinaca nabadda.

‎وَقَاتِلُواْ فِي سَبِيلِ اللّهِ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَكُمْ وَلاَ تَعْتَدُواْ إِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبِّ الْمُعْتَدِينَ (190) وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ ثَقِفْتُمُوهُمْ واخرجوهم من حيث اخرجوكم.

Kula dirira jidka alle kuwa idinla diriraya oo kaliya hana xadgudbina waayo alle ma jecla kuwa xad gudbaya
Ku dila kuwaas idinla diriraya goob kastood ka heshaan oo ka saara halkii ay idinka soo saareen

Waxaa kale oo muslimiinta la faray kuwa la diriraya kolay ku tahay haday dagaalka joojiyaan oo ay nabad soo bandhigaan in laga aqbalayo nabadda oo dagaalka laga joojinayo.

‎ – وَإِن جَنَحُوا لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (61)

Haday nabad soo bandhigaan ka aqbal oo allana talo saaro waayo waa mid maqla oo cilmi badane.

Waxa kale oo uu alle yiri

‎وَلَوْ شَاءَ اللهُ لَسَلَّطَهُمْ عَلَيْكُمْ فَلَقَاتَلُوْكُمْ فَإِنِ اعْتَزَلُوْكُمْ فَلَمْ يُقَاتِلُوْكُمْ وَأَلْقَوْا إِلَيْكُمُ السَّلَمَ فَمَا جَعَلَ اللهُ لَكُمْ عَلَيْهِمْ سَبِيْلاً. (سورة النساء أية 90).

Haddii alle doono gaalada wuu idinku salladi lahaa markaasay idinla diriri lahaayeen ee haddii ay idinka dheeraadaan oo aysan idinla diririn oo ay nabad idiinku baaqaan markaas alle idiinma yeelin jid aad kula dirirtaan.

Ugu dambayntii walaalayaal waxaa nala gudboon inaan difaacno muhimaddii uu islaamka uyimi ee ahayd nabadda iyo naxariista si ayan gaalada iyo inta u heelan ugu guulaysan gulufka dagaalka maskaxaysan ee ay caalamku kaga raaridayaan in diinta islaamku tahay diin dagaal iyo rabsho utaagan.

Abdullahi M Hussein.

Related posts

One Thought to “ISLAAMKA IYO DAGAALKA (QAYBTII 2AAD)”

  1. Bentyl Store propecia 0 5 Cialis Brand Name Pills To Buy Viagra Besoin Ordonnance Doxycycline Generic Safe Medications Online Ricetta Cialis Order Accutane Online Discount Fildena Pharmacie Ligne Vente Cialis Buy Cheap Xenical Pills Progesterone Cheap On Line Store Venta De Viagra Internet Where To Order Deltasone Amoxicillin Side Effect Spasm Francia Kamagra In Linea Buy Generic Cialis Online Cialis Sin Disfuncion Erectil Order Viagra Online How To Buy Inderal Robaxin 500 Onlike No Prescription Finpecia Tabletten Prozac Online Cs Antabuse Sales Canadian Macrobid Low Price Prozac Free Trial Levitra Generique En Officine Priligy Online Uk Clomid Generic Propecia En Espana Online Finasteride Versus Propecia Online Pharmacy Kamagra Cephalexin Dosage Cat Feline Order Now Doryx In Internet Levitra 5mg Tablets Potenzmittel Viagra Ebay Effets Secondaire Cialis Prozac Price Where To Buy Doryx Direct Pharmacy Cheapeast Can I Buy Allegra D Online Where Can I Buy Accutane Acheter Vrai Viagra En Ligne En Antibes Sinus Pain From Taking Amoxicillin Antabuse Order Online Propiedades Del Propecia Cialis For Sale Cheap Where To Order Antabuse Amoxicillin Adult Dose For Cat Nite Levitra Opiniones viagra cialis Otitis Media And Cephalexin Cephalexin Monohydrate Shelf Life Priligy Price Amoxicillin Clavulanate Assium Sale Fedex Provera Low Price Buy Nolvadex Online Pharmacy Purchase Generic Cialis Shipped Ups Dutasteride Free Doctor Consultation Cheap Cialis Fast Ship Cnaadian Viagra Buy Azithromycin Zithromax Best Cialis Online Cialis Professional Vs. Super Active

Leave a Comment