LAMA HUBO INAAD JANO GALAYSO

 

Janada waxay ka mid tahay waxyaabaha maqan ee inaga qarsoon misana layna faray inaan iimaan ahaan urumayno.

Nina ma yaqaan janno waxay tahay iyo halka ay ku taal iyo inuu galayo iyo in kale,kaliya waxaa laynoo sheegay inay tahay wax aan wali ili arag oo dhagi maqal isla markaana uusan suuraysan karin qalbi bani adam.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

‎عن أبي هريرة – رضي الله عنه – أن رسول الله – صلى الله عليه وسلم – قال: ((قال الله: أعددت لعبادي الصالحين ما لا عين رأت، ولا أذن سمعت، ولا خطر على قلب بشر))؛ رواه البخاري
“Adoomadayda wanaagsan waxaan udiyaariyay wax ay ili arag,Dhagina maqal,qalbi bani adamna uusan suuraysan karin”

Janada sidaasaa waxaa jumlo ahaan loo sheegay inay gali doonaan geerida ka dib dadka alle rumeeyay ee camalka fiican sameeyay intii ay dunida joogeen.

– ‫إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَانَتْ لَهُمْ جَنَّاتُ الْفِرْدَوْسِ نُزُلًا (107) .‬
‫Kuwa iimaanka laga helay ee camal wanaagsan la yimi janada firdowsa ayaa lagu soo dhoweyn doonaa‬

Sidoo kale waxaa la faray inaysan garantii uqaadan inay janada ku gali doonaan camalkooda fiican.

Ilaahay waxa uu yiri:

‫- قُلْ مَا كُنْتُ بِدْعًا مِنَ الرُّسُلِ وَمَا أَدْرِي مَا يُفْعَلُ بِي وَلا بِكُمْ إِنْ أَتَّبِعُ إِلا مَا يُوحَى إِلَيَّ وَمَا أَنَا إِلا نَذِيرٌ مُبِينٌ (9)‬

‫Waxaad ku tiraahdaa aniga maahi mid ku cusub fariin gudbiyayaasha rabbi mana ogi waxa lagu samayn doono aniga iyo idinkaba,kaliya waxaan raacayaa waxii lay waxyooday,mana ahi aniga wax aan ka ahayn inaad ahay aniga mid figniin cad idiin sida ‬

‫Rasuulka scw wuxuu yiri‬

وعن ابي هريرة رضي الله عنه قال:قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” لَنْ يُدْخِلَ أَحَدَكُمْ عَمَلُهُ الْجَنَّةَ ” قَالُوا : وَلا أَنْتَ يَا رَسُولَ اللَّهِ ؟ قَالَ : ” وَلا أنا , إِلا أَنْ يَتَغَمَّدَنِي اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ وَرَحْمَتِهِ “( حديث مرفوع).

“Axadkiina kuma galayo janada camalkiisa,waxa ay yiraahdeen asxaabtii xitaa adiga rasuulkii alloow,wuxuu yiri:xataa aniga kuma galayo ilaa inuu ilaahay fadligiisa iyo raxmadiisa ii fidiyo mooyee”

Walaal iska daa inaan jano galideed garantii uqaadanee ilaahay baa la kulankiisa maleeya nala yiri.
Waayo ilaahay waxa uu yiri:

” وَاسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى الْخَاشِعِينَ * الَّذِينَ يَظُنُّونَ أَنَّهُمْ مُلَاقُو رَبِّهِمْ وَأَنَّهُمْ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ”

“Kaalmaysta salaadda iyo sabirka waayo waa kuwo ku culus dadka marka laga reebo kuwa khushuucaya,kuwaasoo ah kuwa malaynays in ay rabigood la kulmi doonaan oo ay isaga xagiisa unoqon doonaan”.

Dadkii salafka ahaa sida saxaabada iyo taabiciintu waxay ahaayeen kuwo aad u cabsada oo isu ilaaliya oo aan marnaba isku halaynin camalkooda oo kaliya.

Abuu bakar rc waxaa laga sheegay inuu yiri haddii lay yiraahdo janada gal oo aan lugta hore galiyo aamin kama ahi inuu rabigay igu yiraahdo abuu bakarow ka noqo.

Cumar ibnu khadaab rc wuxuu ahaa mid isaga cabsada munaafaqnimo oo wuxuu marar badan uyeeray xudeyfa ibnu yamaan rc
Oo ahaa ninka kaliya ee nabiga scw ku siraysan jiray xogta munaafaqiinta oo ku oran jiray xudayfoow ilaahay baan kuugu dhaarshaye miyaan ku jiraa liiska munaafaqiinta,markaas ayuu xudayfa ku oran jiray maya cumaroow kuma jirtid.

Walaalayaal bal eega waa labadii saaxiib ee suubanaha Abuubakar iyo Cumar oo labadooda midna ku kalsoonayn iskuna halaynaynin in ay janada garantii uqaataan.

Asxaabtii nabi muxamad scw waxay ahaayeen kuwo isla yar oo aan inaba isla weyneen.
Waxaa dhacday maalin in rasuulka scw uu uyimi oo uu ku yiri saxaabiga Ubayi ibnu kacab ilaahay baa isoo faray inaan kugu dul akhriyo suuradda lam yakun,abayi wuxuu yiri oo miyuu alle magacayga sheegay,markaadaa rasuulka scw yiri haa,ubayi oohin buu isla rogay waayo waxaa la weynaatay in uu rabiga sare magaciisa sheegay.

قال أنس رضي الله عنه : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لأُبيّ بن كعب : إن الله أمرني أن أقرأ عليك (لَمْ يَكُنِ الَّذِينَ كَفَرُوا) قال : وسماني لك ؟ قال : نعم . قال : فبكى ! رواه البخاري ومسلم .

Cali ibnu abii dhaalib rc ayaa la weydiiyay waxa ay tahay cabsida rabbi,waxa uuna ku mitaalay in ay la mid tahay dhul banaan ah oo qodxo badan lagu daadiyay oo la yiri ruux caga caddaan ah ku soco,qofkaasi suura gal maaha inuu durduriyo waxaa dhab ah inuu taag taagsanayo,sidaasoo kale ayaa loo
Baahan yahay in wadada alle lagu qaado si ka fiirsasho ah oo taxadar iyo tartiib ah.

Walaal waxaa loo baahan yahay inaan dhab u fakarno oo aan wax kasta galantii uqaadanin.

Ma aha arin garta wax inooga tari karta inaan isu qaadano dad wanaagsan oo ay khasab tahay inuu rabbi janadiisa galiyo.

Waayo ilaahay swt waxa uu yiri:-

‎لَّيْسَ بِأَمَانِيِّكُمْ وَلَا أَمَانِيِّ أَهْلِ الْكِتَابِ ۗ مَن يَعْمَلْ سُوءًا يُجْزَ بِهِ وَلَا يَجِدْ لَهُ مِن دُونِ اللَّهِ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا (123)
“Arintu maaha sida aad idinka iyo ahlul kitaabku jeceshihiin ee ay yididiiladiinu tahay,qof alaale iyo qofkii xumaan sameeyaa waa laga jasayn mana heli doono cid ilaahay sokadii xigaale iyo gargaare unoqon karta”

Marka walaal waxaa laynooga baahan yahay inaan rabi ka baqno oo aan dulmiga ka dheeraano.

Waxaa la yaab leh janadii layiri lama hubo inaad camalkiina wanaagsan xitaa ku gali doontaan inaan dulmi iyo dhiig xaaraam ah daadintii ku doonno,
Oo aan qabiil qabiil isu layno ama aan inta aan firqooyin qaybsan noqono oon is gaalaysiino aan birta iska asalno.

Waxaa rasuulka scw noo sheegay xitaa iyada oo jihaad xaq ah lagu jiro qofkii dambi gala inuusan janada galaynin.

وعن ابي هريرة رضي الله عنه قال:خرجنا مع رسول الله – صلى الله عليه وسلم – عام خيبر . فلم نغنم ذهبا ولا ورقا ، إلا الأموال ؛ الثياب والمتاع . قال : فأهدى رفاعة بن زيد لرسول الله – صلى الله عليه وسلم – غلاما أسود ، يقال له مدعم ، [ ص: 197 ] فوجه رسول الله – صلى الله عليه وسلم – إلى وادي القرى . حتى إذا كنا بوادي القرى ، بينما مدعم يحط رحل رسول الله – صلى الله عليه وسلم – ، إذ جاءه سهم عائر . فأصابه فقتله فقال الناس : هنيئا له الجنة . فقال رسول الله – صلى الله عليه وسلم – : ” كلا ، والذي نفسي بيده ، إن الشملة التي أخذ يوم خيبر من المغانم لم تصبها المقاسم ، لتشتعل عليه نارا ، قال فلما سمع الناس ذلك ، جاء رجل بشراك أو شراكين إلى رسول الله – صلى الله عليه وسلم – ” . فقال رسول الله – صلى الله عليه وسلم – ” شراك أو شراكان من نار ” .

Abuu hureyra rc wuxuu yiri waxaan duullaan uraacnay sanadkii khaybara rasuulka scw ma aanan helin qaniimo dahab iyo kacag ah marka laga soo tago waxoogaa dhar iyo maacuun ah oo ay gaaladii ka carartay.

Nin rufaaca binu zayd la oran jiray ayaa rasuulka scw usoo hadiyeeyay addoon uu lahaa si uu ugu khidmeeyo suubanaha.

Addoonku wuxuu ahaa wiil madow oo mudcim la oran jiray.

Goortaan soo gaarnay waadiga quraa la yiraahdo ayaa wiilkii addoonka ahaa ee mudcim waxaa haleelay leeb la soo ganay isaga oo haya hogaanka hashii rasuulka scw wuuna dhintay.

Markaasay asxaabtii yiraahdeen hambalyo ha u sugnaato janaduu galay!!!!
Kolkaasaa rasuulka scw yiri:maya allaha ay naftayda gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye maradii uu xaday maalinkii khaybar ayaa naarta kulahuraysa.

Markii ay dadkii warkaa maqleen ayay bilaabeen inay soo celiyaan waxyaabo ay yaraysanayeen oo ay iska qaateen.

Nin baa soo celiyay kabo suunkood markaasaa rasuulka scw yiri waa laba kab suunkood oo haddii aad qaadan lahayd aad naarta ku gali lahayd.

Walaal bal u fiirso iyada oo jihaad xaq ah oo rasuulkana goob joog ka yahay lagu jiro haddii ninkii calal xaday naar lagu huriyay !!!!maxaad u malaynaysaa midka isaga oo ku jira jihaad uusan hubin xaqnimadiisa ku daadiya dhiig islaam ama ku dhibaateeya oo ku bur buriya hanti muslimiin?!!!!.

Arinku waa khatar waxana haboon inaad feejignaan yeelayo intaad nooshahay oo aadan ku kadsoomin wax aad iska dhaadhicisay ama lagaa dhaadhiciyay oo hadhow ay suura gal tahay inaad ka shalaydo.

Ilaahay wuxuu yiri mar uu ka waramayay dad xaq isa siiyay oo iska dhaadhiciyay inay ahlu janno yihiin.

– ‫وَلَوْ أَنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا وَمِثْلَهُ مَعَهُ لَافْتَدَوْا بِهِ مِن سُوءِ الْعَذَابِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۚ وَبَدَا لَهُم مِّنَ اللَّهِ مَا لَمْ يَكُونُوا يَحْتَسِبُونَ (47) ‬

“Haddii kuwa dulmiga falay la siin lahaa waxa arlada dusheeda ah oo dhan iyo in la mid ah oo lagu daray si ay isaga furtaan cadaabka daran ee maalinka qiyaame waxba uma tartern.
Waxaana ilaahay xagiisa oga muuqan doona wax ayan kuba xisaabtamaynin”

Ugu dambayntii walaalayaal waxaa nala gudboon in aan ilaahay ka cabsano arimahana ufiirsano si aynaan ugu khamaarin mustaqbalkeena midka u mudan ee ah waxa aan filanayno geerida ka dib.

Related posts

Leave a Comment