ISLAAMKU MA AQBALO IN MALAHA LAYSU XUMEEYO.

ISLAAMKA IYO IN MALAHA LAYSU XUMEEYO. Soomaalidii hore ayaa waxaa laga hayaa muslinow run sheeg oo muslinow run oga qaado. Waa maah maah ku dhaqankeedu uu inoo dhaami lahaa sida aan dhowaanahan nahay. Waxaa aad inoogu batay waayadan dambe tuhmo iyo shaki iyo malaha oo laysu xumeeyo, iyada oo aad arkayso in aad loo kala tagay oo qof kasta uu ka shakisan yahay midka kale qolo kasta ay tuhunsan tahay midda kale, Waxaad arkaysaa in hadalkii laysu badalayo oo qof kasta ama qolo kasta uusan umuuqan karin khayrka qolada kale.…

Read More

UMMAD MUCJISO JECEL

UMADDII MUCJISADA IYO KARAAMADA. Ilaahay Ayaa Mahad leh Nabad galyo iyo Naxariis nebi Maxamad (s.c.w)korkiisa ha ahaato. Intaas kadib waxan rabaa inan si kooban oga hadlo nuxurka uu xambaarsan tahay cinwaanka sare ku xusan. Intaanse gudaha u galin mawduuca aan ku horeeyo su,aal kugu aadan adiga akhristaha ah. Waatee ummadda mucjisada iyo karaamada?. Waa dhici kartaa inaad fahmi weydo su,ashaas Madaxa daalin karta amaba aad ka bixiso jawaab ka gadisan midda aan soo wado, hadaanse aashay hadlo aan iftiinsho siday aniga ila tahay. Umadda mucjisada iyo karaamada maahan hal umad…

Read More

ISLAAMKA IYO DAGAALKA (QAYBTII 2AAD)

ISLAAMKU MA DIIN DAGAAL BAA?!!! QAYBTII 2AAD. Waxaan qaybtii koobaad ee qoraalkan ku soo aragnay sida uusan marna suubaaha isugu dayin inuu dacwadiisa xoog ku meel mariyo. Waxaan soo aragnay sida uu ugu celcelin jiray in waxa uu wado ay tahay talo iyo nasteexo ayan ku khasbanayn in ay qaadato cidii aan doonayn. Waxaan kale oon soo aragnay aayadihii ilaahay ee ku baaqayay xoriyadda iyo in aan diinkanu jujuub ahayn. Si kastaba arintu ha ahaatee qureysh waa u cuntami weyday in uu ku dhex sugnaado ruux dadka u sheegaya wax…

Read More

ISLAAMKA IYO DAGAALKA (QAYBTII 1 AAD)

ISLAAMKU MA DIIN DAGAAL BAA?!!!. Suasha inaan is weydiiyo waxa igu kalifay ka dib markaan arkay duulaanka dacaayada ah ee ay reer galbeedku ku soo qaadeen diinta islaamka,iyaga oo adeegsanaya taariikhyo khaldan iyo dad jaahiliin ah ficilkooda. Waxaa bereyahan aad ubadatay barnaamijyo Ay baahinayaan warbaahinta reer galbeedka iyo doodo iyo nadwooyin ay ka samaynayaan diinta islaamka. Inta badan doodahaas uma dhacaan si cadaalad ah waana doodo aad markiiba ka dhadhansan karto marin habaabin iyo nacayb gaamuray iyo suurad xumayn loo qasday oo lagu xardhay aftahanimo afmishaaraysan oo lagu kutubinayo marqaatiyo…

Read More

ISLAAMKA MUXUU KA YIRI KHILAAFKA.

ISLAAMKA IYO KHILAAFKA 1-KUWA DIINKOODII KU QAYBSAMAY EE NOQDAY KOOXO ISKA HORJEEDA ADIGA WAXBA KAAMA GALIN ARINKOODA ILAAHAY BAY UTAAL MARKAA KA DIBNA ISAGAA OGA WARAMI DOONA WIXII AY SAMAYN JIREEN. 2-HA KA MID NOQONINA KUWA DIINKOODII KU QAYBSAMAY EE KOOXO IS DIIDAN NOQDAY XISBI KASTA OO KUWAAS KA MID AHNA WIXII AY LA AHAATAY UUN BUU KU FARAXSAN YAHAY. Khilaafka iyo kala qoqobka wuxuu ka mid yahay dhibaatootinka ugu daran ee aadanaha soo food saara. Islaamku waa uu ka digay khilaafka waxa uuna ku tilmaamay SHAR الخلاف شر. Khilaaf…

Read More

TALO WADAAG (GABAY)

Waa gabay uu tiriyay abwaan cabdullahi maxamed xiliyadii kacdoonadii ka bilowday tuunisiya ay hareeyeen wadamo badan oo carbeed. Tagta daayoo timadada qabsada oo talo wadaag yeesha. Waxaa tagay horaa looga yiri tiigsimaad malehe. Tubta toosan wada qaada oo yaan lakala tagine. Toobiga aad heysaan ku soco malin baad tagine. Halkii loogu tala galay kufura geedigaa taxane. Isku tiirsanaan baa tayo leh taa hala ogaado. Iska tuura heeryada qabiil iyo tu diin qaybsan. Toosane islaamkaa kaliyo magac ku taageera. Tafaraaquq diineed kataga taa allaa yiriye. Tumaatida dhexdeeniyo wixii hore inoo tiicshay.…

Read More

XORIYADDA IYO DIINTA

Xornimadu waa hibo biyo kama dhibcaan ah oo rabbi ugu deeqay aadanaha,ciddii isku dayda inay ka qaadana waa daalimiin laf cad toobin ku haya. Xoriyadda rabbi siiyay aadanihiisa waa mid xeeldheer oo uu fahmi karo kaliya qofka ku tadabura aayadaha uu rabbi kula hadlayo kuwa aan rumaynin isaga. amaba rumaysan isaga laakiin aan raacin diimahiisa ama rususha uu soo diray. ‎ – قال تعالى : وَقُلِ الْحَقُّ مِنْ رَبِّكُمْ فَمَنْ شَاءَ فَلْيُؤْمِنْ وَمَنْ شَاءَ فَلْيَكْفُرْ إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلظَّالِمِينَ نَارًا….. “Xaqa wuxuu ka yimi xagga rabbihiin ninkii doonana ha rumeeyo kii…

Read More

FARRIINTA SANADKA 2017

Farriinta Sannadka 01.01.2017 Dhug u yeesha dhibaatooyinka yaryar ee isbiirsada! Faylasuufkii, qoraagii iyo cabqarigii ee u dhashay waddanka Ruushka Leo Tolstoy waxaa laga hayaa xikmad uu inagu tusaaleynayey mushkiladaha bulsho ee isbiirsada. Tijaabo iyo u kuur galid dheer ka dib waxa uu ogaadey in dadku si degdeg ah uga falceliyaan mushkiladaha waaweyn ee muuqda, sida daadka oo kalana dadka u wada gaara laakiin ayan u dhug yeelan mushkiladaha yaryar ee gala dhuuxa tiir dhexaadka bulshada ka dibna dumiya. Isaga oo tijaabinaya doonayana dadka inuu tuso ayuu tuubo (rubuneeto) biya yar…

Read More

CULIMADU AMBIYO MAAHA!!!!

HA URAACIN CULIMADA SI INDHO LA’AAN AH. Waa shaki la’aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu ixtiraamo taas sida diintaba tirtirsiisay, Laakiin isla marka layslo ogolaado taas ayaa misana waxaa mudan in laysla qiro inaysan sidii ambiyadii macsuumiin la ilaaliyay aysan ahayn . Culimadu Waa bashar iyo bani aadam kula mid ah oo uu khalad iyo sawaab ka dhici karo. Waxa kale oo iyana in la ogaado mudan in maalin kaliya aan ilaahay adoomadiisa amrin in ay culimadooda si indho la,aan…

Read More

LAMA HUBO INAAD JANO GALAYSO

  Janada waxay ka mid tahay waxyaabaha maqan ee inaga qarsoon misana layna faray inaan iimaan ahaan urumayno. Nina ma yaqaan janno waxay tahay iyo halka ay ku taal iyo inuu galayo iyo in kale,kaliya waxaa laynoo sheegay inay tahay wax aan wali ili arag oo dhagi maqal isla markaana uusan suuraysan karin qalbi bani adam. Rasuulka scw wuxuu yiri:- ‎عن أبي هريرة – رضي الله عنه – أن رسول الله – صلى الله عليه وسلم – قال: ((قال الله: أعددت لعبادي الصالحين ما لا عين رأت، ولا أذن سمعت،…

Read More

ISLAAMKA IYO CARADA

XUMAANTA CARADA,IYO WANAAGGA MARKA LA QARIYO. Caradu waa dabci rabi ku beeray noolaha,waxaase lagu adoonsaday kuwa masuuliyadda dunida qaaday oo aadanaha ah in ay xakameeyaan oo hantaan caradooda, Rasuulku scw wuxuu yiri:- عن أبي الدرداء رضي الله عنه قال :”قلت يا رسول الله دلني على عمل يدخلني الجنة” قال: “لا تغضب” (البخاري 6116 صحيح الجامع 7374 الفتح 4/465) . “Abuu dardaa rc wuxuu yiri:rasuulka scw ayaan ku iri i tus camal janada i galiya,markaasuu igu yiri ha carooon” Wuxuu kale oo rasuulku scw yiri:- وعن ابن حكيم عن أبيه عن…

Read More

ISLAAMKA YO CAFISKA

CAFIS JANNO KU BADALO. ﴿ وَسَارِعُوا إِلَى مَغْفِرَةٍ مِنْ رَبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ * الَّذِينَ يُنْفِقُونَ فِي السَّرَّاءِ وَالضَّرَّاءِ وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُحْسِنِينَ ﴾ [آل عمران: 133، 134]. “Udadaga dambi dhaaf rabigiin xagiisa ka ahaatay iyo janno uu ballaceedu la mid yahay ballaca cirarka iyo dhulka oo laysku daray ,janadaas oo loo diyaariyay kuwa dhowrsada. Kuwaas oo ah kuwa xoolahooda bixinaya marka ay dheefta haystaan iyo marka ay dhibban yihiinba. Sidoo kale kuwaasi waa kuwa caradooda qarinaya ee dadka iska cafinaya ilaahayna waa…

Read More

SIRTU WAA AKHLAAQDA SUUBAN

Hadaynu muslim nahay aynu ku darno cibaadada aan dar alle u guduno akhlaaqda wanaagsan,weyba tahay cibaadee,isku day inaad dabeecadaada dadka u wanaajiso sida inaad caadaysato,cafiska,dulqaadka,ixtiraamka,hadal samida,waji furnaanta,caawinta dadka,iwm. waayo akhlaaqda wanaagsan waxay ka dhigan tahay salaad iyo soon joogto ah,waxaana ku jira ajar weyn oon la malaysan karin. Rasuulka scw wuxuu yiri: وعن عىشة-ض- قالت: سمعت رسول الله -صلى الله عليه وسلم- يقول: “إن المؤمن ليدرك بحسن خلقه درجة الصائم القائم”رواه ابو داود. وصححه الألباني. “Qofka mu’minka ah waxa uu dabeecad wanaagiisa ku gaari karaa darajada nin waqti kasta sooman…

Read More