MUHIIMADDA AKHLAAQDA WANAAGSANU LEEDAHAY.

  Dadku ma arki karaan iimaanka qalbiga kuugu jira,kaliya waxay arki karaan akhlaaqda iyo dhaqanka kaa muuqanaya,taas uun bayna kugu qiimeynayaan. Sidaa darteed buu islaamku xooga u saaray tirtirsiinta akhlaaqda Iyo ku dhaqanka dabeecadda wanaagsan,ilaa uu rasuulkii umaddan loo soo diray yiraahdo kaliya waxaaba la ii soo diray inaan dhameystiro akhlaaqda wanaagsan. Rasuulku scw wuxuu yiri:- ‎وعن أبي هريرة – رضي الله عنه – أنه قال: (إنما بعثت لأتمم مكارم الأخلاق). “Kaliya waxaa la ii soo diray inaan dhameys tiro akhlaaqda wanaagsan”. Haddii ujeedada islaamku u yimid ahayd iimaan iyo…

Read More

ISLAAMKA IYO ILAALINTA NASABKA.

Ugu horeyntii sida la wada og yahay Aadanahu waa noole karaameysan oo uu Alle ka doortay in badan oo ka mid ah uunka uu dunida ku abuuray,wuxuuna u asteeyay inuu hogaamiye iyo masuulba u noqdo inta abuur ee dunida la dulsaaran,oo uu intifaacsado agab iyo noole wixii aysan noloshiisu ka maarmin ama bilaya. Aadanaha sidaasa rabbi wuxuu u sameeyay cagli iyo garaad uu oga sareeyo khalqiga badankii,wuxuuna dul saaray masuuliyad iyo takaaliif loo igmaday oo lagula xisaabtami doono maalin dambe ee uu rabi ka yeelay madal garsoor iyo abaalmarin. Sharciyada…

Read More

RABBI UMA KALA ROONA RAG IYO DUMAR

. Ragga iyo dumarka ma sina marka la leeyahay micnaheedu maahan ragga ayaa dumarka ka fiican,sida dadku qaarkii moodaan,waayo kala fiicnaantu waa hadba sida Alle loogu kala dhow yahay oo loo kala camal iyo cibaado iyo ikhlaas badan yahay ee kuma xirna in rag la ahaado ama dumar la ahaado. Ilaahay wuxuu yiri:- “مَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِنْ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهُ حَيَاةً طَيِّبَةً وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَجْرَهُمْ بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ” “Qofkii sameeya camal wanaagsan rag iyo dumar kuu dooniba ha ahaadee isaga oo mu’min ah waxaan ku nooleyneynaa xayaato…

Read More

ISLAAMKA IYO MUNAASABADAHA.

  Munaasabad waa sanadguuro micno iyo milgo ugu fadhida cidda ay soo martay ama murug iyo xusuus mugdi ah ku leh qolada ay qusayso. In kasta oo inta badan aadanaha ay soo jireen u tahay weyneynta munaasabadaha farxadda xambasrsan misana waxaa jira qaar aan ka tagin oo si murug leh u xusa maalmaha ku madoow noloshooda. Dadka islaamka ah waxay ka mid yihiin umadaha dunida ku nool ee inta badan xusa sanadguurooyinka muhiimka ku ah taariikhdooda ama ha ahaadeen kuwa diini ah ama ha ahaadeen kuwo dunawi ah. In kasta…

Read More

KU DAALIDDA DIINTA YAABISKA AH..

Dabshidkii 1664 qoraagii Faransiiska ahaa ee Jean-Baptiste Poquelin oo ku magac dheeraa naynaasta Molier (1622-1673) wuxuu allifay masraxiyad lagu magacaabo ‘Tartuffe’ oo uu sawir uga bixiyey shakhsiyadda wadaad musuq-maasuq badan oo la yiraahdo ‘Tartuffe’, oo dhan ka muujista in uu yahay qof taqwo iyo cibaado badan, laakiin dhanka kale aysan jirin wax agtiisa xaaraan ka ahi. Horaana loo yiri: “Abeeso dhul u ekaan bay kugu dishaa, wadaadna dad u ekaan.” Masraxiyadda waxaa aad uga carooday dhaqdhaqaaqii loo yaqiin ‘Jansenism’ ee kaniisadda Katooliga oo muddo shan sano ah hor istaagnaa in…

Read More

ISLAAMKA IYO IS-ADDOONSIGA.

  Ugu horayntii waxaa in la ogaado mudan in is addoonsigu uu ahaa mid ka jiray dunida inteeda badan intii uusan islaamku iman ka hor. sida dhabta ahna islaamku ma amrin mana qabo in lays addoonsado, waayo islaamka isaga ma keenin is addoonsida ee wuxuu u yimid ummad addoonsi iyo wax ka daranba ku jirta,wuxuuna ula mucaamilay si xigmad ku dhisan ilaa uu ka takhalusay wax kasta oo xun oo ay dadkii uu u yimid sameyn jireen oo uu addoonsigana ku jiro. Islaamku wuxuu u yimid umad ay addoomadu u…

Read More

ISLAAMKA IYO SIDA UU HAWEENKA U KARAAMEEYAY

. ugu horeyntii waxaa in la ogaado mudan in haweenku ka mid yihiin bani’aadamkaa uu rabbi karaameeyay ee uu ka fadilay abuurka intiisa badan,oo ilaahay sarreeye wuxuu yiri mar uu arintaa ka hadlayay. “وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا.” “Dhab ahaantii waan karaameynay bani,adamka,waxaanan ku xambaarnay berri iyo badba;waxanan ku irsaaqnay waxyaalaha wan wanaagsan,oo waxanan ka fadli badneysiinay in badan oo ka mid ah wixii aan abuurnay”. Rag iyo haween labadaba ilaah baa abuuray uguna talo galay inay ka…

Read More

JACAYLKA AHLUL BEYDKA NABIGA SCW IYO FADLIGOODA

. Ahulul beydka nabiga scw waa xigaalihiisii ay ugu horeeyaan duriyadiisii markay ugu fogtahayna waxaa lagu soo daraa haweenkiisii rabi ha ka raali noqdee. Ahlulbeydka nabiga scw inta laysku wada waafaqsan yahay waa faatima binti rasuul scw iyo saygeedii imaam cali ibnu abii daalib rc iyo duriyadii ay iska dhaleen ee ay ugu horeeyaan xasan iyo xuseen. Ahlul beydnimada intaa muran kuma jiro waayo rasuulka scw ayaa marar badan si cad u cadeeyay oo oga hor qiray asxaabtiisa hortiisa iyo dad kale oon islaamba ahayn sida nasaaradii reer najraan ee…

Read More

WAA MAXAY SHAREECO.?!

Waan hubaa in dad badanu ay ereygaasu maqlaan dhowrkii maalmoodba maalin hadaysan maalin kastaba maqlin,laakiin sidaan isleeyahay waxaa yar inta dhuuxda ee dhab u baarta waxa uu ereygaasu ka dhigan yahay. Ilama aha inaan ka badbadiyay haddaan ku tilmaamo waxa dadku intiisa badan u yaqaanaan shareeco inay tahay xukun kaliya ama haddaan si kale u dhigo “isku xukun diin”.waayo dhawaqyada ugu badan ee dhagaheena ku soo dhaca waxaa ka mid ah:shareecadii baa maqan,shareecada maa laysku xukumo?!!,shareecada maa la dabakho!!!!iyo kuwo kale oo la mid ah!!. Nacam waa dhab oo lama…

Read More

ISLAAMKA IYO QASADKA QISAASTA IYO XUDUUDA

Aslan qasadku islaamku ka leeyahay qisaasta iyo xuduudu waa cadaalad iyo in aadanuhu ku kala nabad galaan,laguna dhowro nafta iyo maalka iyo sharafta dadka. Qasadka qisaasta iyo xuduudu islaamku ka leeyahay maaha in bani aadamka lagu cadibo ee waa in loogu gurmado insaanka,maadaama aysan sharciyadda ciqaabtu qabaneynin cid ka baxsan dulmiilayaasha loogu talo galay ee adyadda ku howlan. Teeda kale In dadka loo kala garqaado dalmbiilayaashana la ciqaabo waxaa ku jirta danta dadka dunida ku nool si ay u helaan nabad ay ku dakayn karaan iyo nolol dulmi ka maran…

Read More

XUKUNKA ALLE !!!!!

HORTA XUKUNKA ALLE WAA MAXAY?! Waxaa aad u badan inaan maqalno dad badan oo waqti kasta ku baaqaya in dalka lagu xukumo diinta islaamka,waxaa kale oo iyana badan qof kastana mar ama ka badan dhagahiisa ku soo dhacday,dad oranaya waxa ay dhibaatooyinka inoogu dhacayaan waa inaga oo ka tagnay xukunkii Alle iyo shareecadiisa.tiiyoo in badan oo dadkaas ka mid ahi haddii fasira la yiraahdo xukunka Alle ee aad doonaysaan ama shareecada maqan ee aad sheegaysaan waxa ay tahay aysan fasiri karin. Xukunka Alle waa cadaalad wax kale maaha,haday dadku xukunka…

Read More

AHMIYADU WAA IS-FAHAMKA.

Waxaa badan inaan aragno ama maqalno doodo diimeed oo inta badan u dhaxeeya dadka aqoonta u leh diint islaamka,doodahaas oo noqon kara kuwa caam ah ama kuwo khaas ah,oo uu qof kasta aragtidiisa u keenayo daliil quraan ama xadiis ah oo uu isleeyahay ku xooji fahamkaaga. Inta badan ma dhacdo inay isu garaabaan dhinacyada isaga soo horjeeda aragtiyada diimaysan,mana dhacdo inay isugu cudur daaraan kala duwanaanta,tiiyoo ay taa badalkeed doortaan inay khilaafkooda ka dhigaan mid ictiqaadi ah oo markuu ugu yar yahay sababa is tuhun iyo is eedeyn,kolkuu weynaadana isu…

Read More

ISLAAMKA IYO KU TALAXTAGIDDA DIINTA.

Diinta islaamku waa diin fudud oo samaaxad badan waana diin dhimrinta iyo dhexdhexaadnimada taageerta,waxayna ka digtaa mar kasta ka badbadinta,quluwiga iyo xagjirnimada. Ilaahay swt waxa uu yiri : وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا [ البقرة: 143] “Sidaas baanu idinkaga dhignay ummad dhex-dhexaad ah” فَاسْتَقِمْ كَمَا أُمِرْتَ وَمَن تَابَ مَعَكَ وَلاَ تَطْغَوْاْ إِنَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ [ هود: 112]. “Utoosnow sidii lagu faray adiga iyo kuwa islaamka usoo noqday ee kula jira,hana xadgudbina waayo alle waa mid waxa aad samaynaysaan ujeeda” يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لاَ تَغْلُواْ فِي دِينِكُمْ وَلاَ تَقُولُواْ عَلَى اللّهِ…

Read More

ISLAAMKA IYO USLUUBTA WAANINTA IYO WAX U SHEEGGA DADKA.

  Ambiyada iyo ergooyinka alle usoo dhiibay fariintiisIii maadaama ay arin muhiim ah gudbinayeen waxa alle la soo diray usluub ay ahayd in ay dadka wax ugu sheegaan. Waxaa ugu horeysa daganaan iyo in aysan dadka didinin. Ilaahay wuxuu ku yiri qaar rushiisa ka mid ah ﴿اذْهَبَا إِلَى فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَى (43) فَقُولَا لَهُ قَوْلاً لَيِّناً لَعَلَّهُ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَى (44)﴾. “Fircoon aada waa uu xad gudbaye oo kula hadla hadal jilicsan waxa dhici karta inuu waansamo ama uu alle ka yaabo eh” Lama oran ku soo qayliya,lama oran soo…

Read More

XAQA IYO BAADILKA KEE BAA DADKA HANDADA?!

Maxay tahay farqiga idiin dhaxayn kara adiga iyo ahlul baadilka marka aad cabsi darteed la soo itaagto inaad handado fikir kaaga ka duwan?!! Ogow hadduu fikirkaaga xaq yahay uma baahna inaad ku garab istaagto handadaad ee waxaa kugu filan inaad xujo cad ku bayaamiso bareerahaaga,waayo xaqu xujo ayuu ku sugnaadaa ee laguma meel mariyo xoog!!! Ilaahay wuxuu yiri:- “بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ وَلَكُمُ الْوَيْلُ مِمَّا تَصِفُونَ ” “Waxaan ku ganaynaa oon ka horgeyneynaa xaqa baadilka markaas ayuu maskaxda ka abbaarayaa oo uu burburinayaa,idinkuna waxaad…

Read More

HAN SARE IYO HIMILO SAN.

Waxaan shaki ku jirin qof kasta siduu yahay inuu isaga iska dhigay!!! Adigu wax kale ma tihid waxaad uun tahay fikirkaada!!!!! Ficilkaada inta badan wuxuu ka tarjumayaa waxa aad aaminsan tahay ama aad ka fekeraysid. Ilaahay sareeye waa wanaagsan yahay waxaan wanaag ahayna looma nisbeeyo,wuxuuna mar kasta la jiraa wanaagga!!! ‎: “{وَلِلّهِ الْمَثَلُ الأَعْلَىَ} “Ilaahay Matal sare ayuu leeyahay” Xadiisul qudsi ayaa ahaa: ‎يا عبادي ! إنما هي أعمالكم أحصيها لكم . ثم أوفيكمقا إياها . فمن وجد خيرا فليحمد الله . ومن وجد غير ذلك فلا يلومن إلا نفسه…

Read More

CAMIRIDDA CAQLIGA WAA U CALAAMAD ISLAAMKU

  Ilaahay markii uu aadanaha dunida ku abuuray iskama uusan keenin ee wuxuu ku abuuray borogaram ku haga sida ay unoolaanayaan,waxaana bani aadamka taa ku wehliya makhluuqaadka kale oo dhan oo iyagana leh qaab waafajin alle ah oo ay usamaysan yihiin. Ilaahay wuxuu yiri:- ‎”قَالَ رَبُّنَا الَّذِي أَعْطَىٰ كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَىٰ” “Rabigayo waa midka wax kasta siiyay abuurkiisa misana ku hagay noloshiisa”. Bani aadamka iyo jiniga waxay dheer yihiin khalqiga intiisa kale caqli iyo takaaliif la saaray,halka uu bani aadamku dheer yahay jiniga masuuliyad dunida iyo maamulkeeda laga…

Read More

GARASHADA SUNNADA NOLOSHA KU GADAAMAN CIDNA GAAR UMA LEH.

  Dunidan aan ku noolnahay maaha mid ay sunankeedu ama qawiiniinteedu heshiis gooni ah la galeen bashar gaar ah oo bani’aadamka ka mid ah,ee waa mid uu Allihii samaystay ugu talo galay sunan iyo qawaaniin caam ah oo umadda oo dhan ka dhaxeeysa,wuxuuna rabi ku dhex qariyay sirta nolosha,isla markaana wuxuu aadanaha oo dhan siiyay agabka fahamkii lagula tacaali lahaa,mid garta oo wax uun guul ah ka soo hoya iyo mid garab mara oo ay gaajo ku dubataba!!!. Ilaahay sarreeye wuxuu yiri:- – قَدْ جَاءَكُم بَصَائِرُ مِن رَّبِّكُمْ ۖ فَمَنْ…

Read More

ISLAAMKU MA CARO AYUU DHIIRI GALIYAY MISE CAFIS?!!

  Waxaa aad u badan waayadaan dambe inaad aragto dad islaam ah oo waliba ahlu diin ah oo inta badan caraysan oo uu cafiska iyo dulqaadkuba ku yar yahay. Dhab ahaantii slaamku caro ma faro mana dhiiri galiyo ee waxa carada dadka ku qalqaaliya waa sheydaan doonaya inuu dadka wanaagsan ee ahlu diinka ah ka lumiyo dariiqa toosan ee cafiska iyo caro la’aanta lagu gaaro. Ilaahay swt wuxuu yiri:- إِنَّمَا يُرِيدُ الشَّيْطَانُ أَن يُوقِعَ بَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةَ وَالْبَغْضَاءَ فِي الْخَمْرِ وَالْمَيْسِرِ وَيَصُدَّكُمْ عَن ذِكْرِ اللَّهِ وَعَنِ الصَّلَاةِ ۖ فَهَلْ أَنتُم مُّنتَهُونَ.…

Read More

WAXTARKA TASBIIXDA

WAXTARKA TASBIIXDA OO LA LAASIMO LEEDAHAY. Way dhici kartaa in aysan dad badanu ku baraarugsanayn faa,iidada ay nolosha hadda iyo geerida ka diba u leedahay tasbiixda iyo ceeb ka hufidda rabiga sameeyay dunida iyo inta dulsaaran. Waxaanse shaki ku jirin in inta iimaanka lihi ay og yihiin arintaas,waayo way arkayaan sida uu Alle ugu soo celceliyo mar kasta quraanka dhexdiisa arintaas,waxay kaloo arkayaan sida uu rasuulka scw xilli kasta ugula dardaarmay umaddiisa inay tasbiixda badiyaan. Ilaahay sareeye ayaa wuxuu marar badan rasuulkiisa kula dardaarmay inuu tasbiixsado oo uu rabi xuso…

Read More