YAAN LAGU XADGUDBIN XORIYADA RABI DADKA SIIYAY

 

Umadda nabigii loo soo diray scw ayaa lagu yiri gaarsiin kaliya ayaa korkaaga ah ee u dig oo u bishaaree cidii ku aqbashana waa hagaag ciddii ku diidana adiga xil kaama saarna.

“فَإِنْ أَعْرَضُوا فَمَا أَرْسَلْنَاكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظًا إِنْ عَلَيْكَ إِلَّا الْبَلَاغُ ”

“Hadii ay ku diidaan adiga kuuma aanan soo dirin inaad waardiye ka qabato kaliya howshaada waa gaarsiin oo kaliya.

Waxaa la yaab leh dadka diintii ku soo daray oo isu xilsaaray shaqo ka baxsan tii nebi muxamad scw loo soo diray,ee dadka daba galaya ama khasab iyo handadaad ula taagan ciddii khilaafta iyaga sida ay wax u arkaan.

Iyagoo og in Ilaahay iyaga ku yiri:-

“يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا عَلَيْكُمْ أَنفُسَكُمْ لَا يَضُرُّكُمْ مَنْ ضَلَّ إِذَا اهْتَدَيْتُمْ إِلَى اللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ”

“Kuwa iimaanka laga helayow waxaa laydiin diray naftiina oo kaliya idinma dhibayo kii luma hadaad idinku hanuunsan tihiin,xaga Alle ayaa la idiin wada celinayaa dhamaantiin markaasuu idiinka warami doonaa wixii aad soo samayn jirteen”.

Dadku wax baa isaga khaldan,diintiina si fiican uguma ayan duxin inta badan,waxay in door ah garan kari waayeen munkarka gacan ku suulinta u baahan inuu yahay midka ka gudbaya qofkii sameeyay ee ay dhici karto inuu dhibaateeyo dad kale,kaasi afka waa looga digi hadii uu ku joogsan waayana dowlad iyo cid awoodda ayaa qaban,haddii dowlad la waayo ama cid awoodana qalbiga ayaa laga nici.

“عن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول : ( من رأى منكم منكرا فليغيره بيده ، فإن لم يستطع فبلسانه ، فإن لم يستطع فبقلبه ، وذلك أضعف الإيمان ) رواه مسلم .”

Dambi uu qofka naftiisa ka galayo maaha munkar gacan ku suulin oga baahan cid kasta,khaasatan marka uu yahay mid tacsiir ama xuduud ay ka ratibmayso waa shaqo dowlad kaliya utaal.

In qof waliba yiraahdo dambi iyo munkar baan gacan ku suulinayaa waa jariimo iyo bidco aan sheeko iyo shaahid islaamka runta ah looga maqal.

Ilaahayna cid uma dirsan in ay dadka u soo khasbaan ama dambi ruux naftiisa uun ku eg xoog looga reebo,halkaa nasteexo uun baa ka furan.

“لاَ إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَد تَّبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ ”

“Diintu khasab maaha waayo hanuunka iyo baadidu way kala cad yihiin”

“وَقُلِ الْحَقُّ مِنْ رَبِّكُمْ فَمَنْ شَاءَ فَلْيُؤْمِنْ وَمَنْ شَاءَ فَلْيَكْفُرْ ”
“Waxaad ku tiraahdaa xaqu xaga rabigaa ayuu ka sugnaaday ee kii doona ha rumeeyo kii doonana ha diido..”

“نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَن يَخَافُ وَعِيد”

“Waan ognahay waxa ay oranayaan adiguna ma tihid mid khasbaya iyaga ee quraanka ku waani ciddii uu goodiga alle cabsi galinayo”.

Rabiga dadka xoriyad u siiyay inaan diin iyo caqiido lagu khasbi karin naga yeeli maayo inaan wax ka sokeeyana aan dadka ku khasabno ee inta ilaahay ka yaabno dadka xoriyada eebe siiyay yeynaan ka qaadin,wixii nasteexo iyo waano ahse waa noo furan tahay.

Related posts

Leave a Comment