ISLAAMKA IYO IS KALLIFKA

 

Walaal waa inoo muhiim inaan ogaanaa inuusan ilaahay marna inagu kallifin waxaan tabartayo aheen.

Ilaahay wuxuu yiri:-

لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۚ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ ۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِن نَّسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَا إِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهُ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِ ۖ وَاعْفُ عَنَّا وَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا ۚ أَنتَ مَوْلَانَا فَانصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ (286)

“Ilaahay nafna kuma kallifo waxaan taagteeda ahayn,naf kasta wixii aykasbatay oo khayr ahayay leedahay,waxaana loo raacanayaa wixii ay kasbatay oo shar ah,rabiyagow ha noo qabanin haddii aan ilowno ama gafno,rabigayoow hanagu xambaarin dhibaato sidii aad ugu xambaartay kuwii inaga horeeyay,rabiyagoow ha nagu xambaarin waxaan itaalkayo ahayn,oo na cafi oo noo dambi dhaaf,adigaa xigaalo noo ah,noogana gargaar kuwa ku diiday”

Rasuulka scw waxaa la faray inuu dadka u sheego inuusan ahayn isaga mid is kallifaya.

قُلْ مَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُتَكَلِّفِينَ (86)

“Waxaad ku tiraahdaa:-maahi mid ajar idinku weydiisanaya risaalada aan idin soo gaarsiiyay,mani ahi anigu mid is kallifaya”

Walaal sideedaba ilaahay wuxuu inaga reebay inaan isku kallifno waxaan awoodayo ahayn xitaa cibaadada iyo khayrka waxaa nala faray inaan kala nimaadno intaan karno marka waajibaadka fudud laga reebo.

Ilaahay wuxuu yiri:-

(فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ )

“Ilaahay ka cabsada intaad awooddaan”

Rasuulku scw waxa uu yiri:

وعَنْ عَائِشَةَ زَوْجِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ , أَنَّهَا سَمِعَتْ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ , يَقُولُ : ” اكْلَفُوا مِنَ الأَعْمَالِ مَا تُطِيقُونَ , فَإِنَّ اللَّهَ عَزَّ وَجَلَّ لا يَمَلُّ حَتَّى تَمَلُّوا , وَإِنَّ أَحَبَّ الأَعْمَالِ إِلَى اللَّهِ أَدْوَمُهَا , وَإِنْ قَلَّتْ ”

“Caa’isha alla ha ka raali noqdee waxay rasuulka scw ka warisay inuu yiri:-isku kalifa acmaasha wixii aad awoodaan oo kaliya,waayo ilaahay ma daalo ee idinka uun baa daalaya,sideedana camalka alla agtiisa looga jacayl badan yahay waa midka joogtada loo sameeyo haba yaraadee hadduu doono”

Walaal isku kallifka arimo aadam awoodin waxay kuu keenayaan dhibaato,sidoo kale waxaa dhici karta inaad bulshada ku dhibaatayso wax aan markii horeba laguugu kallifin.

Rasuulka scw wuxuu ahaa mid aad umadiisa khayrka ula jecel oo aad ugu hamiya marka ay ka gabood falaan tumaynta iyo caabudidda alle,sidaasoo ay tahay ilaahay waa ka reebay inuu naftiisa ku dhibo arimahaas.

Ilaahay waxa uu yiri:-

لَعَلَّكَ بَاخِعٌ نَّفْسَكَ أَلَّا يَكُونُوا مُؤْمِنِينَ (3)

“Ma waxaad naftaada ku dhibaataynaysaa inay dadku mu’miniin noqon waayeen”

Waxaa lagu yiri suubanaha ha isku dhibin oo naftaada ha ku halligin hami in sy dadku alle rumayn waayeen,waayo adiga hanuunka ma lihid ee gaarsiin oo kaliya ayaad leedahay”

Wuxuu kaloo alle yiri:

أَفَمَن زُيِّنَ لَهُ سُوءُ عَمَلِهِ فَرَآهُ حَسَنًا ۖ فَإِنَّ اللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَاءُ وَيَهْدِي مَن يَشَاءُ ۖ فَلَا تَذْهَبْ نَفْسُكَ عَلَيْهِمْ حَسَرَاتٍ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ بِمَا يَصْنَعُونَ (8)

“Ma waxaad umurugaysan tahay dad inta camalkooda xumaantiisa loo qurxiyay u arkaya mid hagaagsan,ilaahay qofkuu doona isagaa lumiya kuu doonana hanuuniya,ee adigu naftaada murug ha ku dilin,ilaahay waa og yahay waxa ay samaynayaane”.

Mar kalana rasuulka scw waaba lagu canaantay hamiga iyo murugta oo ka mutay inuu dadka la jeclaa hanuunka.

Ilaahay waxa uu yiri:-

وَإِن كَانَ كَبُرَ عَلَيْكَ إِعْرَاضُهُمْ فَإِنِ اسْتَطَعْتَ أَن تَبْتَغِيَ نَفَقًا فِي الْأَرْضِ أَوْ سُلَّمًا فِي السَّمَاءِ فَتَأْتِيَهُم بِآيَةٍ ۚ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَجَمَعَهُمْ عَلَى الْهُدَىٰ ۚ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْجَاهِلِينَ (35)

“Haday kula weynaatay jeensiga ay xaqa ka jeesteen,bal waa kaasee haddii aad karto dhulka duleesho,ama samada sallaan ku fuul si aad dadkan aayad ugu keento,war hadduu alle dooni dadkoo dhan hanuunka ayuu ku kulmin lahaa ee adiga haka mid noqonin kuwa jaahiliinta ah”

Walaal sida aan arkayno islaamkanagu waa mid ka dheer iskallif iyo isku adkayn rasuulka scw wuxuu ahaa mid ku sifoobay talada alle oo haddii laba daran la dooransiiyo wuxuu ahaa mid mar kasta qaata teeda fudud,wuxuu kaloo ahaa mid ummaddiisa fara fududeynta kana reeba kallifka iyo mashaqada.

Xitaa wuxuu diiday rasuulka fulinta sharadka ama nadarka rabbi looga galo silcinta nafta.

عن أنس- رضي الله عنه-: أن النبي صلى الله عليه وسلم رأى شيخا يهادى بين ابنيه، قال: «ما بال هذا؟» ، قالوا: نذر أن يمشي. قال: «إن الله- عن تعذيب هذا نفسه- لغني» ، وأمره أن يركب).

“Xadiis uu anas rc warinayo ayaa wuxuu ahaa inuu rasuulka scw arkay oday waayeel ah oo ay garab galayaan laba wiil oo uu dhalay si uu ulugeeyo,markaasuu rasuulka scw yiri:-oo kana muxuu ahaa?!,waxaa lagu yiri:-wuxuu nadar ku galay inuu lugeeyo,rasuulka scw wuxuu yiri:-ilaahay waa mid ka deeqtoon cadaabidda uu midkan naftiisa cadaabayo,wuxuunasuubanaha faray inuu gaadiid fuulo”

Walaalayaal waxaa habboon inaan fahamno maqsad diinteena aa ah fidudeynta ka fog is kallifka iyo isku dhibaataynta waxaadan itaal uhaynin.

Ilaahay waxa uuyiri:

(يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ)….

“Ilaahay fudeyd buu idinla doodayaa ee culays idinla dooni maayo”

Mar kalana wuxuu alle yiri:-

( وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ )…

“Ilaahay diinta dhib idinkagama dhigin”.

Ugu dambayntii walaalayaal waxa inala gudboon inaan ugu dhaqano diinteena fudud sida ay alle iyo rasuulkiisa inaga doonayaan,kana dheeraano inaan diinta ku dhibno nafteena iyo nafta dadka kale.

Related posts

Leave a Comment