NACAYBKA WAA NATIIJO FAL LIITA OO LAGU NABAY ISLAAMKA.

 

waxaan darsi kan ka horeeyay ku qaadaa dhigay hadda ka hor sida nusuusta diinta oga horjeeddo nacaybka dhaqanka u noqday qaar muslimiinta ka mid ah iyaga oo ku andacoonaya in nacaybka daran ee ay uqaadaan wixii si uun oga aragti duwanaada ay tahay qayb iimaanka ka mid ah oo uu ilaahayna farayo sidaas.

Waxaan soo aragnay nusuustii diinta ee beenineysay aragtidaas lagu kadsoonay.

Qormdan oo dabataal tii ka horeysay waxay diirada saaraysaa fahamka khaldan ee laga qaatay nusuusta diinta ee loo daliishado nacaybka.

Sida aayada suuratu mumtaxina ku jirta ee oranaysa :-

-” ‫لَّا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ” اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءَهُمْ أَوْ أَبْنَاءَهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ ۚ …الخ”. ‬

“Ma helaysid qoom alle iyo maalinka qiyaame rumaysan oo jecel dad alle iyo rasuulkiisa la diriraya haday doonaan dadkaas haba ahaadeen aabayaashood ama caruurtooda ama qaraabadooda….ilaa aakhirka aayadda”.

Sida culimada badankoodu qireen aayadan iyo aayadaha la mid ah waa aayado ku soo dagay xaalad dagaal oo rasuulka scw iyo intii raacday la baacsanayay mana aha aayado laga fahmi karo nacayb joogto ah oo la fal gali kara xaalad kasta.

Sideedana culimada dajisa qawaacidda fahamka diinta waxay qarireen qodob oranaya.

” الحكم يدور مع العلة عذما ووجوداً”

Naska ama xukunka laga qaadanayo wuxuu la meeraystaa helidda hadba ciladdii keentay la helyaa ama la waayaaba”.

Inay arintu sidaa tahay oo la kala qaadayo xiriirka ku wajahan gaalada xiliyada nabadda iyo dagaalka waxaa u daliil ah aayado badan oo ku soo laban laabma kuwan sida khaldan loo fahmay.

Waayo alle wuxuu yiri:-

– ‫ لا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَلَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ …الخ. ‬

‫Ilaahay idinkama reebin gaalada kuwa aan idinla diriraynin oo aan guryihiina idinka saaraynin inaad u samafashaan oo cadaalad usamaysaan‬

‫Suura gal maaha nin aad nacayb umuujisay inaad usamo fashay‬

‫Sidoo gale suura gal maaha nin aad salaanta ka qaadi weyday ood colaad umuujisay inaad usamo fashay‬

‫Gaal aan dagaal kugula jirin oo intuu kuugu hambal yeeyay sanadka cusub aad ka aamustay uma aadan samo falin‬

‫Samo fal aad kala masuugtay waji furan iyo muujin bashaashnimo iyo salaan qaadid samafal jira maaha‬

‫Ma inaad u caraysan tahay ayaa sama fal ah‬
‫Ma in aad salaanta ka qaadi weydo ayaa samafal ah‬

‫Ma inaad hambalyadiisa ka jawaabin ayaa samo fal ah‬
‫Bal maxaad ku fasiri lahayd sama falka aayadda kuu sheegtay ‬

‫Waxaa la yiri waayeel waa kuma waa inaga oon isyeel yeelin‬

‫Waxaa kale oo la yiraahdaa beeni haday fakato run ma gaarto‬

‫Waxan shaki ku jirin in diinta islaamku tahay diin samafal oo cadaalad iyo wanaag uhaysa midka diidan iyada asii aan dadkeeda la dagaalsanayn. ‬

‫Waxay na faraysaa in ciddii nala dirirta oo kaliya aan iska celino inaga oo aan ku xadgudbeyn‬.

“وَقَاتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَكُمْ وَلَا تَعْتَدُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْمُعْتَدِينَ ”

“Kula dirira jidka Alle oo iska celiya kuwa idinla diriraya oo kaliya hana xadgudbina waayo Alle ma jecla kuwa xad gudbaya”

Sidoo kale haday gaalada ka dheeraadaan la dagaalanka muslimiinta sidaa si la mid ah muslimiintu waxaa la faray inay ka dheeraadaan la dagaalankooda oo aysan iyaga dagaalka ku bilaabin.

فَإِنِ اعْتَزَلُوكُمْ فَلَمْ يُقَاتِلُوكُمْ وَأَلْقَوْا إِلَيْكُمُ السَّلَمَ فَمَا جَعَلَ اللَّهُ لَكُمْ عَلَيْهِمْ سَبِيلًا (90)

“Haddii ay ka dheeraadaan ladagaalankiina oo aysan iyagu dagaal idinku bilaabin ilaahay idiinma yeelin jid aad kula dirirtaan.

Waxaa sugan in uu suubanahu si dagan ula hadli jiray gaalada,gaar ahaan ahlul kitaabka’waxaa sugan inuu karaameyn jiray oo uu soo dhoweyn jiray marti galina usamayn jiray waftiyadooda,
waxaa kaloo sugan in uu masaajidka ka siiyay goob ay ku tukadaan nasaaradii reer najaraan.

‎فقال ابن كثير في تفسيره: قال ابن إسحاق: وحدثني محمد بن جعفر بن الزبير، قال: قدموا على رسول الله صلى الله عليه وسلم المدينة فدخلوا عليه مسجده حين صلى العصر، عليهم ثياب الحبرات: جبب وأردية في جمال رجال بني الحارث بن كعب، قال: يقول بعض من رآهم من أصحاب النبي صلى الله عليه وسلم: ما رأينا بعدهم وفداً مثلهم، وقد حانت صلاتهم، فقاموا في مسجد رسول الله صلى الله عليه وسلم يصلون، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: دعوهم، فصلوا إلى المشرق. انتهى.

‎قال ابن القيم في (أحكام أهل الذمة): قد صح (!!) عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه أنزل وفد نصارى نجران في مسجده وحانت صلاتهم فصلوا فيه، وذلك عام الوفود. انتهى… وذكر هذه القصة أيضاً في (زاد المعاد) فقال المحقق: رجاله ثقات.

Sidoo kale waxaa la sheegaa in cumar ibnu khadaab uu ka aqbalay baadarigii weynaa ee qudus in uu ugu tago kaniisad uu ku marti sooray goortii uu qabsaday qudus.

Wuxuuna la saxiixday heshiis nabad galin oo kiristaanka usaamaxayay inay helaan xoriyad nololeed iyo mid diimeed oo aan lagu faragalin karin arimahooda diinta oo aan kaniisadahooda iyo macatabyada dulsuran aan la jajabin karin,meelaha ay wax ku caabudaana aan masaajido loo rogi karin.

Waxaa kale oo ay taariikhdu xustaa in intii uu seydinaa cumar kula shirayay masiixiyiinta kaniisadda gudaheeda la gaaray waqtigii salaadda casar kadibna uu cumar weydiistay baadarigii in uu siiyo meel uu ku tukado.

Kolkii uu baadarigii u ogolaaday in uu ku dhex tukan karo kaniisadda gudaheeda ayaa cumar yiri waxaan ka baqayaa hadaan kaniisada ku tukado in muslimiinta iga dambaysa ay intay idinku qabsadaan kadibna kaniisada masjid urogaan sidaa darteed si ayan taasi udhicin waxaan ku tukanayaa dibadda.

Sidii uu cumar ka baqayay halkii uu ku tukaday ee kaniisada banaankeeda ahayd ayay muslimiintii waqti ka dib ka dhiseen masaajidka ilaa iminka loo yaqaan masjid cumar.

وفي كتب التاريخ لما فتح الخليفة عمر بن الخطاب مدينة القدس سنة (15هـ – 636م)، ودخل كنيسة القيامة، حان وقت صلاة العصر فدعاه أسقف الكنيسة إلى الصلاة فيها!! لكن عمر بن الخطاب رفض أن يصلي بداخلها خشية أن يحذو المسلمون حذوه.. وربما ادى ذلك إلى تحويل الكنيسة الى مسجد، وفي ذلك اعتداء على المسيحيين، فصلى عمر رضي الله عنه خارجها في مكان مجاور للكنيسة، حتى بُني هناك مسجد سمى بمسجد عمر بن الخطاب.

وكانت العهدة العُمرية التاريخية الشهيرة في ذلك الوقت التي قطعها الخليفة عمر للبطريرك صفرونيوس عند فتح بيت المقدس:العهدة العُمرية«بسم الله الرحمن الرحيم هذا ما أعطى عبدالله عمر أمير المؤمنين أهل إيلياء (القدس) من الامان اعطاهم امانا لانفسهم واموالهم ولكنائسهم وصلبانهم وسقيمها وبريئها وسائر ملتها انه لا تُسكن كنائسهم ولا تُهدم ولا يُنتقص منها ولا من حيزها ولا من صليبهم، ولا شيء من اموالهم ولا يكرهون على دينهم ولا يُضار احد منهم ولا يسكن بإيلياء معهم احد من اليهود..» وذلك بناء على طلب بطريرك القدس صفرونيوس.وفي لقاء

Ugu dambayntii walaalayaal waxaa haboon in diinta islaamka loo soo celiyo samaaxaddii iyo naxariistii ay ku bilaabatay ee ahayd tan ay ku dhaqmayeen ee laga dhaxlay salafkii umadda intii la miciin bidi lahaa xagjirnimo iyo nacayb aan sumcadda islaamka waxba ku soo kordhineyn wax ay u dhimaan mooyee.

Related posts

Leave a Comment