Ciise masiix waxma badbaadin karaaa?

CIISE MASIIX WAX MA BADBAADIN KARAA?
————————————-
Published by: Mahdi Mohamed Ahmed.
………..
Sida aynu dhammaanteen wada ognahay inuu Nebi Ciise c.s yahay bashar ay hooyo Maryama dhashay, oo la mid ahaa dadka caadiga ah balse uu Allah s.w.t ku karaameeyay mucjizooyin lala soo diray si ay qoomkiisa ugu qancaan inuu yahay rasuul Allah xagiisa uga yimid si uu uga badbaadiyo waddada naarta uguna hago waddada hanuunka iyo janno lagu waaro.
Muddo dheer dabadeed ay dad badani ka weecdeen waddadii xaqa aheyd oo ay isagu caabudeen kuna tilmaameen inuu yahay ilaah wax badbaadin kara!.
Haddaba: Aniga oo ka soo qaadan doono qolada Christian-ka la baxday buugooda Bible-a dhoowr aayadood oo liddi ku ah sheegashadooda ayaan jeclahay inaan ku soo koobo qormadan:
Sida ku cad Bible-ka buuga Mataayoos:
Sheeko kooban oo dhex martay nebi ciise iyo nin ugu yimid inuu weydiiyo sida uu jannada ku heli karo:

Matayos 19:16-22Somali Bible (SOM)
(Nin Dhallinyar Oo Hodan Ah Baa Doonayay Nolosha Weligeed Ah)

16 Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo? 17 Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr. 18 Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin. 19 Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay. 20 Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman? 21 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac. 22 Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh……..

Isla buugga Matayos waxaa ku cad in qeynuunka oo la dhowraa ay tahay dariiqa lagu badbaadi karo jannadana lagu muteysan karo,
Matayos 5:19-20Somali Bible (SOM)
19 Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada. 20 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada)……
…..
Sidoo kale mar ay u timid naag dooneysay in labadeeda wiil uu jannada u geeyo ciise masiix aan eegno iyada iyo ciise masiix qisada dhex martay:

Matayos 20:20-25Somali Bible (SOM)
20 Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday. 21 Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan. 22 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. 23 Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey.)))).
………………
AWOOD LA’AANTA CIISE MASIIX!

Buuga Bible-ka wuxuu meelo badan ku caddeeyay inuusan Ciise masiix c.s waxba awood u laheyn uu janno ku geliyo ama naar ku geliyo, xukunna xaq uma lahan ilaahey swt unbaa wax kala xukmin doona maalinta yowmil qiyaame:
Sida ku cad buuga Yooxanaa.
Yooxanaa 5:19Somali Bible (SOM)
(Ciise Wuxuu Caddeeyey Inuu Aabbihiis Isku Halleeyo)
19 Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa)………..sidoo kale isla yoxanaa.

Yooxanaa 5:30Somali Bible (SOM)

Maragga Ciise Loo Furo
30 Waxba keli ahaantayda ma samayn karo. Sidaan wax u maqlo ayaan u xukumaa, xukunkayguna waa xaq, waayo, doonistayda ma doono, waxaanse doonaa doonista kii i soo diray…)))… haddana isla buuga Yoxannaa.

Yooxanaa 8:16Somali Bible (SOM)

16 Haddaan xukumo, xukunkaygu waa run, waayo, anigu keligay ma ihi, laakiin waa aniga iyo Aabbahaygii i soo diray))….
Nebi Ciise .c.s awood uma laheyn inuu wixii uu doono sameeyo….balse aan eegno isla Yoxanaa:

Yooxanaa 6:38Somali Bible (SOM)
38 Waayo, waxaan samada uga soo degay ma aha inaan doonistayda yeelo, laakiinse inaan yeelo doonista kii i soo diray.)))

Nebi Ciise c.s xataa awood uma laheyn uu naftiisa ku quudiyo..
Yooxanaa 4:33-34Somali Bible (SOM)

33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno? 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo.))

#sidoo kale

Luukos 24:41-43Somali Bible (SOM)

41 Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan? 42 Kolkaasay waxay siiyeen in kalluun duban ah. 43 Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay!)))…
……..
Dhammaad..
Haddaba walaalka Soomaaliyeedow ka feker aayahaaga dambe, Nebi Ciise c.s cidna waxba uma tari karo ee intaad fursadda heysato ka fa’ideyso, kana towbad keen shirkiga aad ilaahey swt u sameysay’.
F.G;
Fadlan la wadaaga asxaabtiina.

Related posts

2 Thoughts to “Ciise masiix waxma badbaadin karaaa?”

  1. Waa qoraal muhiim ah runti ciise masiix kaliya waxa uu ahaay rasuul reer banii israa’iil badina ilaahbaa iska leh.

  2. Your comment is awaiting moderation.

    Terrific posts. With thanks.
    http://talahicc.com/
    northwestpharmacy
    canada pharmaceuticals online
    prescription drugs online without doctor
    canadian pharmacies

Leave a Comment