Hambalyo ku socota soomaalidii kirishtaanka kasoo laabatay ee diintooda islaamka dib ugu soo laabtay.

Waxay halkaan ugu hambalyeynaynayaan bahda ISKAASHIGA KHAYRKA ee UHIILI DIINTAADA ISLAAMKA iyo muujinta sumcada saxda ah ee islaamka walaasheena Hodan Subayr Aadam ee mudda laba sanna diinta kirishtaanka lagu qalday oo maantana dib xaqa ugu soo laabatay waxaan sidoo kale aan u hambalyeynaynaa walaalkeena Xaayow geedi ee isagana ka soo laabtay maanta diinta kirishtaanka, Allah waxa uu hanuuniyaa cidda uu doono, Waxaana soomalida kale ee weli masixiiga ah ugu baaqaynaa “Inay diintooda usoo laabtaan” Allah waa dambi dhaafe naxriiste, Allah waxaa uu jecelyahay qofkii utowbad keena, Ka faa’idayso inta ay…

Read More

Ciise masiix waxma badbaadin karaaa?

CIISE MASIIX WAX MA BADBAADIN KARAA? ————————————- Published by: Mahdi Mohamed Ahmed. ……….. Sida aynu dhammaanteen wada ognahay inuu Nebi Ciise c.s yahay bashar ay hooyo Maryama dhashay, oo la mid ahaa dadka caadiga ah balse uu Allah s.w.t ku karaameeyay mucjizooyin lala soo diray si ay qoomkiisa ugu qancaan inuu yahay rasuul Allah xagiisa uga yimid si uu uga badbaadiyo waddada naarta uguna hago waddada hanuunka iyo janno lagu waaro. Muddo dheer dabadeed ay dad badani ka weecdeen waddadii xaqa aheyd oo ay isagu caabudeen kuna tilmaameen inuu yahay…

Read More

NACAYBKA WAA NATIIJO FAL LIITA OO LAGU NABAY ISLAAMKA.

  waxaan darsi kan ka horeeyay ku qaadaa dhigay hadda ka hor sida nusuusta diinta oga horjeeddo nacaybka dhaqanka u noqday qaar muslimiinta ka mid ah iyaga oo ku andacoonaya in nacaybka daran ee ay uqaadaan wixii si uun oga aragti duwanaada ay tahay qayb iimaanka ka mid ah oo uu ilaahayna farayo sidaas. Waxaan soo aragnay nusuustii diinta ee beenineysay aragtidaas lagu kadsoonay. Qormdan oo dabataal tii ka horeysay waxay diirada saaraysaa fahamka khaldan ee laga qaatay nusuusta diinta ee loo daliishado nacaybka. Sida aayada suuratu mumtaxina ku jirta…

Read More

QISADII DILKII CUMAR IBNU KHADAAB OO KOOBAN.

  Dowladdii islaamka ee cumar binu khadaab rc waxay markaa ahayd dowladda labaad ee caalamka ugu xoog weyn waayo waxaa dhulkeeda ku soo biiray dhulkii ay ka ariminaysay boqortooyadii furus oo dhan. Kadib kolkii uu cumar u itaal sheegtay. Cumar waxa uu ka digi jiray in dadka la qabsaday ee furus racyadooda ay soo galaan caasimadda muslimiinta ee madiina isaga oo ka cabsi qabay in dadkan boqortooyadii muddo karka ah lahaa ay khal khal galin karaan caasimadda muslimiinta haddii ay ku soo bataan. In kasta oo cumar ku guulaystay in…

Read More