AKHRI OO KU DHAQAN.

WALAAL LABA DAQIIQO OO KALIYA I AMAAHI WAKHTIGAADA QIIMAHA LEH ADIGA OO MAHADSAN.

OO AKHRI OO KU DHAQAN QORMADAN AAN DOONAYO INAAN KU SOO GAARSIIYO.

WAA HADDII AAD DOONAYSO ADIGA DANNA AAD U ARAGTO.

WALAAL MEEL KASTOO AAD JOOGTO ILAALI MAGACA IYO SUMCADDA DIINTA ISKAAMKA OO MUUJI WANAAGEEDA IYO AKHLAAQDEEDA.

WALAAL WAJIGA FUR OO MUUJI FARXAD WAAYO BASHAASHNIMADU WAA SADDAQO !!!

WALAAL RASUULKA SCW WUXUU YIRI WANAAGGA SAMAYNTIISA WAXBA HAKA HAGRANINA KOLAY KU TAHAY INAAD DADKA WAJI FURAN KU QAABISHAAN.

WALAAL KU DADAAL DABEECADDA WANAAGSAN SIDA CAFISKA,DULQAADKA,CARO QARINTA,CAAWINTA DADKA,RAXMADDA,HAMBALNIMADA,FURFURNAANTA, DHOOLO CADDAYNTA SADAQADA,RUNTA,ILAALINTA BALLANTA,GUDASHADA AMAANADA IWM.

WALAAL ABUUBAKAR RC WUXUU YIRI GURI KASTA WUXUU LEEYAHAY AASAAS UU KU TAAGAN YAHAY AASAASKA ISLAAMKU KU TAAGAN YAHAY WAA AKHLAAQDA SUUBAN.

NIN GABYAA CARBEED AHNA WAXAA LAGA SHEEGAY INUU YIRI:-UMADI WAXAY BAAQI TAHAY INTA AY AKHLAAQDA WANAAGSAN KU BAAQI TAHAY,HADDAY AKHLAAQDA KA TAGAANA IYAGANA WAY TAGAYAAN.

UGU DAMBEYN WALAAL AAN KU DADAALNO DABEECADDA FIICAN IYO ILAALINTA SUMCADDA IYO SHARAFTA ISLAAMKA MEEL KASTA OON JOOGNO.

OO RUUX WALOWBA OGOW INAAD TAHAY SAFIIRKII DIINTA ISLAAMKA IYO MURAAYADDII LAGA DAAWANAYAY WAXA UU YAHAY ISLAAMKA EE KU DADAAL INAAD FARIIN WANAAGSAN KA GUDBISID DIINTA ISLAAMKA.

ABDULLAHI M HUSSEIN.

“Waxaad fasax uqabtaa inaad sii faafin kartid”

Related posts

Leave a Comment