HADALKA DHAADHEER IYO HADYIGA ISLAAMKA

 

Qaylada iyo hadalka oo kor loo qaado waa qaynuun xumo aan uqalmin qof reer magaal ah.

Diinta islaamku waa diin aad utaageerta wanaaga iyo ilbaxnimada iyo in dadku is tixgaliyaan,
Sidaa darteed ayay iska diiday in dadku codka kor isugu qaadaan oo ay isku qayliyaan markay hadlayaan.

Ilaahay isaga oo arintaas ka hadlaya wuxuu yiri:-

‫وَاقْصِدْ فِي مَشْيِكَ وَاغْضُضْ مِنْ صَوْتِكَ إِنَّ أَنْكَرَ الأَصْوَاتِ لَصَوْتُ الْحَمِيرِ (19) ‬
‫”Dhexdhexayso socodka codkaagana hoos udhig cod la dhibsado waxaa ugu daran midka dameeraha”‬

‫Wuxuu kaloo alle yiri:/‬

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَرْفَعُوا أَصْوَاتَكُمْ فَوْقَ صَوْتِ النَّبِيِّ وَلا تَجْهَرُوا لَهُ بِالْقَوْلِ كَجَهْرِ بَعْضِكُمْ لِبَعْضٍ أَنْ تَحْبَطَ أَعْمَالُكُمْ وَأَنْتُمْ لا تَشْعُرُونَ ))[ الحجرات:2]

“Kuwa iimaanka laga helayow codkiina ha ka saramarinina codka nabiga hadalkana kor ha ugu qaadina sida aad idinka kor isugu qaadaan oo kale si uusan camalkiina uburin idinka oon ogayn”

Waxa la sheegaa aayadan in ay ku soo dagtay dad reer baadiye ah oo nabiga scw markay uyimaadaan ugu dhaqaawi jiray si aan maamuus lahayn waxayna ka soo qaylin jireen meel shishe iyaga oo leh aaway muxamad!!!!!noo soo bax maxamadoow iwm!!!!

Ilaahay isaga oo arintaas ka waramaya ayuu aayad kale ku yiri:

إِنَّ الَّذِينَ يُنَادُونَكَ مِن وَرَاءِ الحُجُرَاتِ أَكثَرُهُم لَا يَعقِلُونَ * وَلَو أَنَّهُم صَبَرُوا حَتَّى تَخرُجَ إِلَيهِم لَكَانَ خَيرًا لَهُم وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ .

“Kuwa kaaga soo dhawaaqaya guryaha gadaashooda intooda badan waa kuwo aan waxba garanaynin bal haday sugi lahaayeen ilaa aad oga soo baxayso khayr bay u ahaan lahayd”

Sidoo kale rasuulka scw waxaa ka sugnaaday axaadiis fara badan oo ku tusinaysa in aysan qayladu ahayn usluubta qofka muslimka ah.
“قد روى الترمذي في جامعه عن عَبْدِ اللَّهِ الْجَدَلِيَّ يَقُولُ سَأَلْتُ عَائِشَةَ عَنْ خُلُقِ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَتْ لَمْ يَكُنْ فَاحِشًا وَلَا مُتَفَحِّشًا وَلَا صَخَّابًا فِي الْأَسْوَاقِ وَلَا يَجْزِي بِالسَّيِّئَةِ السَّيِّئَةَ وَلَكِنْ يَعْفُو وَيَصْفَحُ قَالَ أَبُو عِيسَى هَذَا حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ ”

“Tirmadi waxaa laga wariyay in cabdullahi aljadali uu yiri: caa’isha ayaan weydiiyay dabeecadihii rasuulka scw waxa ayna tiri:- rasuulka scw ma ahayn mid wax fadeexeeya oo hadal xun, sidoo kalana ma ahayn mid suuqyada ku qayliya,mana ahayn mid xumaan ku guda xumaan ,lkn wuu ahaa mid cafiya oo iska saamaxa”

“وروى مسلم في صحيحه عَنْ عَبْدِ اللَّهِ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى
اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ لِيَلِيَنِّي مِنْكُمْ أُولُو الْأَحْلَامِ وَالنُّهَى ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ وَلَا تَخْتَلِفُوا فَتَخْتَلِفَ قُلُوبُكُمْ وَإِيَّاكُمْ وَهَيْشَاتِ الْأَسْوَاقِ ”

“Muslim waxa uu ka wariyay Abdullahi Inuu nabiga scw yiri:ha isoo xigsadeen kuwa xilkaska ah iyo wax garadka ka dibna kuwa xiga ka dibna kuwa xiga,oo ha is khilaafina si ayan quluubtiinu isu khilaafin,waxaan idiinka digayaa yabqanka suuqa”

Waxaa kaloo sugan athar oranaysa in uu nabi muxamad scw ahaa mid aan hadalkiisu dhaafin hadba qofka uu la hadlayo ilaa ay saxaabada qaarkood tilmaameen in marka uu suubanaha la hadlayo ninka midig ka xiga uusan maqli jirin midka bidixda ka xiga
Wuxuu ahaa mid codkiisa ku kooba qofka uu la hadlayo oo kaliya.

Walaalayaal sidaa aan arkayno qaylada ama hadalka oo kor loo qaadaa islaamku waxa uu ka dhigay shey karaahiyo ah oo aan ku haboonayn dhaqanka dadka.

Wax kale iska daaye islaamku xuska alle iyo digriga oo ah waxa uu alle ugu jecel yahay waxa dunida guudkeeda saaran ayuu xitaa u diiday in codka sare loogu dhigo.

{ وَاذْكُر رَّبَّكَ فِي نَفْسِكَ تَضَرُّعا وَخِيفَةً وَدُونَ الْجَهْرِ مِنَ الْقَوْلِ بِالْغُدُوِّ وَالآصَالِ }،
“Ka xus rabigaa naftaada dhexdeeda adiga oo isu dulaynaya cabsina ku dheehan oo aan codka sare uqaadaynin subaxdii iyo galabtii”

Walaalayaal waxaa la yaab leh in duulka uu manhaj uyahay diinkan dadka faraya ilabaxnimada iyo is ixtiraamka ay ka aradan yihiin intooda badan akhlaaqdan sare ee anfinaysa in qaylo la iskula hadlo.

Waxaad arkaysaa in dadka islaamku badankoodu yihiin dadka ugu qaylada badan dunida inaga soomaalida ahna kumaba sii jirno oo waxaad moodaa woojada inagu xiran in ay tahay tii loogu talo galay codbaahinta.

Waxaad arkaysaa in aan la qabsanay oo aanan inteena badan kari karin inaan aayar u hadalno.

Dadka aan ku qaxnay ee aan dunidooda ku noolnahayna way nagu barteen arintan oo aad bay inoola yaabaan markaan sheekaysanayno.

Waxan xusuustaa waqti sii horaysay in aniga oo la socda nin saaxiibkay ah oo doonayna inaan meel usafarno aan soo galnay meel laga goosto tigidhada baska lagu raaco,waxaa dhagaheena ku soo dhacayay nin iyo naag aan soomaali ahayn oo isku haysta raacitaanka baskan!!!!!naagtu waxay ninka u sheegaysay in baskan uu yahay mid ay inta badan raacaan dadka soomaalida ah oo ah dad qaylo badan!!!oo haddii ay raacaan aysan ka nasan doonin qaylada soomaalida.

Ugu dambayntii walaalayaal waxaa inala gudboon inaan joojino caadadaan qaylo hadalka oo ah mid liidata oo uusan islaamkeenu ogolayn si aan unoqono dad ilbax ah oo aan dadka kale ku dhibin qayladooda.

Abdullahi M Hussen.

Related posts

Leave a Comment