NACAYBKA IYO NUSUUSTA DIINTA.

 

Nacaybku waa wax xun oo nusqaan ku rida naruurada nolosha!!!!
Nacaybku waa cadowga koowaad ee noolaha!!!!!
Nacaybku waa astaanta xiqdiga iyo nacladda!!!!!
Nacaybku waa taban taabiyaha nalka u shida rogmashada nabadda!!!!!
Nacaybku waa horjoogaha fasahaadinaya nimcada aadanaha!!!!!
Nacaybku waa nacabka kaliya ee ku gadaaman nuurka jacaylka!!!!!
Nacaybku waa nayaayirka baritaara ciilka iyo carada!!!!.

Diinta islaamku waa diin raxmad iyo jacayl mar haday sidaa tahayna waxaa si aad ah oga durka nacaybka iyo carada.

Ilaahay wuxuu magacyadiisa ku daray jacayl oo ah caksiga nacaybka waana mid dhaafa dambiyada oo dadkiisa jecel.
وهو الغفور الودود.

Waxa uu diiday dulmiga oo uu oga digay adoomadiisa waayo dulmiga waa hormuudka nacaybka oo dad is jecel isma dulmiyaan inta badan.

Diinta islaamku waxay tir tirsiisaa wax kasta oo jacayl iyo isu soo dhowaansho dhiiri galinaya waxa ayna ka digtaa wax kasta oo kala irdhow iyo tafaraaruq galinaya midnimada ummadda.

وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعاً وَلا تَفَرَّقُوا.

Wuxuu kaloo alle yiri:-

وَإِنَّ هَٰذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاتَّقُونِ.

Wuxuu misana ka digay firqada iyo kala tagga oo qayb ka ah tiirarka uu nacaybku ku taagan yahay.

إِنَّ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا لَسْتَ مِنْهُمْ فِي شَيْءٍ إِنَّمَا أَمْرُهُمْ إِلَى اللَّهِ…

Diinta islaamka Waxay iska diiday oo ka dardaar warisay carada iyo xanaaqa oo ah hormuudka nacaybka iyo halka ay ku soo hirato is wax yeeleynta ummadda.

Waxaa la yiri Beri baa suubanaha scw waxa uyimi nin oo ku yiri dardaaran fiican isii markaasaa nabiga scw ku yiri HA CAROON ilaa seddex goor buu ninkii rasuulka scw talo weydiinta ku soo celcelinayay mar kastana waxa uu ugu jawaabayay isla oraahdaas uu kaga reebayo carada.

Ahmiyadda arintaas leedahay darteed ayaa rabi ku amaanay una yaboohay wanaag aadanaha iimaanka ku darsada dad cafinta iyo cara qarinta.

وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُحْسِنِينَ.

In alle mar kasta nagu dhiiri galinayo cafiska iyo caro la,aanta waa astaan laga dheehan karo sida uusan marna udoonayn nacaybka oo ah bah dilaha wanaaga iyo wada noolaanta aadmiga.

Walaal Waa dabiici kala duwanaanta waana doonis alle in dadku kala badalnaadaan.
Waayo hadduu alle dooni dadkoo dhan mid buu ka dhigi lahaa.

– وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً ۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ (118) إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَ ۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُم …

misana taa lagama fahmayo in dadku isku gardaroodaan oo ay dunida fasahaadiyaan waayo alle fasahaadka ma jecla waana ka digay fasaadka.
والله لا يحب الفساد.

Wuxuu faray cadaalad iyo in dadku isu dulqaataan oo aysan isku gardaroon.

– إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسَانِ وَإِيتَاءِ ذِي الْقُرْبَىٰ وَيَنْهَىٰ عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ وَالْبَغْيِ
ۚ
Wuxuu kaloo reebay wax alla wixii foolxumo iyo dambi ah ee keeni kara dadka in ay is nacaan oo is maagaan.

إِنَّمَا حَرَّمَ رَبِّيَ الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَالْإِثْمَ وَالْبَغْيَ بِغَيْرِ الْحَقِّ

Nin kasta oo dadka dulminayana digniin baa loo diray cidii uu dooniba ha ahaadee.

انمَا السَّبِيلُ عَلَى الَّذِينَ يَظْلِمُونَ النَّاسَ وَيَبْغُونَ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ ۚ أُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ (42)

Waxaa kale oo muslimiinta lagula dardaarmay in aysan caradooda cadaalada ka hor dhicin oo uusan nacaybku ka indha saabin inay cadaalad usameeyaan dad si kasta kaga duwan iyaga.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ

Walaalayaal Diinta islaamku waa midda doonaysa inay noo kala dabqaaddo dad caqiido ahaan naga duwan oo diintu inooma ay diidin usama falka kuwa aan diinteena darteed inoola dagaalsanayn.

لَّا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُم مِّن دِيَارِكُمْ أَن تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ

Akhristow fariinta Dad wadnimada diinta islaamka ee doonaysa yaraynta is necbaanshaha dadka waxaa si dagan looga dheehan karaa duruusta ay ku fasaxayso dugaashiga dadka is xiga ee diimaha samaawiga ahi kulmiyaan.

Rabbi wuxuu ka duway dadka kale oo wuxuu muslimiinta ubaneeyay in ay cuni karaan cuntadooda oo misna haweenkooda guursadaan karaan.

الْيَوْمَ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ ۖ وَطَعَامُ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حِلٌّ لَّكُمْ وَطَعَامُكُمْ حِلٌّ لَّهُمْ ۖ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الْمُؤْمِنَاتِ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِن قَبْلِكُمْ إِذَا آتَيْتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ مُحْصِنِينَ غَيْرَ مُسَافِحِينَ وَلَا مُتَّخِذِي أَخْدَانٍ.

Waxaa milicsi mudan in waxa la nacayo uu yahay ficilka xun ee uusan ahayn qofka ficilka sameeyay waayo iyada oo uu alle ogyahay kala duwanaanshaha muslimiinta iyo masiixiyiinta ama yahuudda ayuu misna muslimiinta ubaneeyay inay guursadaan hablahooda.

Suura galna maaha inaad necbaato islaantaada ahlul kitaabka ah ee guriga kugula nool ilmana kuu haysa haday doonto tiiyoo la og yahay in ilaahay guurka ka dhigay jacayl iyo raxmad udhaxaysa lamaanaha isu dhaxa.

﴿ وَمِنْ آَيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُمْ مِنْ أَنْفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُمْ مَوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآَيَاتٍ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ(21)﴾

Waxaa kaloo iyana sugan in rasuulka scw la soo ag mariyay janaazo ama meyd ruux aan muslim ahayn markaasna uu suubanaha u istaagay.

Asxaabtii la joogtay ayaa rasuulka scw ku tiri rasuulkii allow waa yahuudi meydka aad u istaagtay markaasaa nabiga scw ku yiri oo miyaysan ahayn naf alla karaameeyay.

وقال البخاري في صحيحه:
(1312) حدثنا آدم ، حدثنا شعبة ، حدثنا عمرو بن مرة قال : سمعت عبد الرحمن بن أبي ليلى قال:
((كَانَ سَهْلُ بْنُ حُنَيْفٍ، وَقَيْسُ بْنُ سَعْدٍ قَاعِدَيْنِ بِالقَادِسِيَّةِ، فَمَرُّوا عَلَيْهِمَا بِجَنَازَةٍ، فَقَامَا، فَقِيلَ لَهُمَا إِنَّهَا مِنْ أَهْلِ الأَرْضِ أَيْ مِنْ أَهْلِ الذِّمَّةِ، فَقَالاَ: إِنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَرَّتْ بِهِ جِنَازَةٌ فَقَامَ، فَقِيلَ لَهُ: إِنَّهَا جِنَازَةُ يَهُودِيٍّ، فَقَالَ: أَلَيْسَتْ نَفْسًا” )).

U imoow muslimiinta dhexdooda ninkii dambi gala dambigiisa uun baa la nacayaa ee isaga la dullaysan maayo.

Waayo suubanaha wuxuu si cad isu hortaagay nacaladda nin qamriga cabba oo uu ku sheegay inuu yahay mid rabbi iyo rasuulba jecel.

Sidoo kale wuxuu u cudur daaray saxaabigii xaatim ibnu baltaca ee sir dagaal ee uu suubanaha lahaa baxshay,asii kolkii rasuulku su’aalay sawabta oo misna usheegay inaysan ka ahayn collaytan ka aqbalay cudurdaarkii.

Inta badan kolkaad eegto fariimaha diinta ee ku aaddan is faridda dabeecadaha wanaagsan waxaa loo ban dhigaa si caam ah oo ay muslim iyo qeyrkoodba soo galayaan sida xadiiska oranaya.

مَنْ صَنَعَ إِلَيْكُمْ مَعْرُوفًا فَكَافِئُوهُ ، فَإِنْ لَمْ تَجِدُوا مَا تُكَافِئُونَهُ فَادْعُوا لَهُ حَتَّى تَرَوْا أَنَّكُمْ قَدْ كَافَأْتُمُوهُ) . رواه أبو داود (1672) . وصححه الألباني في صحيح أبي داود .

“Qof allaaliyo qofkii wanaag idiin sameeya u abaal guda hadaydaan haysan wax aad ugu abaal guddaana uduceeya ilaa aad iska tiraahdaan allaylehe in ku filan waad ugudeen abaalkii laydiin galay”

Diinta islaamkuna dhib uma aragto haddii dadka aan muslimka ahayn ee wax na tara hanuun iyo khayr loogu duceeyo.

Walaalayaal ninka udhaba gala tacaaliimta diinta islaamka ee ufiirsada fariimaha raxmadda badan ee ay gudbinayso waxuu si sahal ah u ogaan karaa in diinta islaamku ay tahay mid ka maran nacayb iyo xiqdi.

Oo sidee bay ugu sifoobi kartaa diin nacayb iyadoo ah diin ka timi rabiga naxariista badan ee ay raxmadiisa wax kasta haraysay!!!!

Sidee bay unoqon kartaa diin nacayb iyadoo uu garwadeen ka yahay suubane muxamad scw oo uu rabbi ku sifeeyay inuu caalamka raxmad u yahay.

-( وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلا رَحْمَةً لِلْعَالَمِينَ )

–فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ لِنتَ لَهُمْ ۖ وَلَوْ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لَانفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ ۖ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ ۖ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ (159).

Sidee ku noqon kartaa diin nacab iyada oo uu daadihiye ka yahay inta rabi abuuray kii ugu akhlaaqda wanaagsanaa ee sabirkiisa iyo cafiskiisa uu yahay mid ay isla qireen inta badan aadanaha dunida guudkeeda saaran.

Taariikhdu waxay marag ka tahay in kolkii ay dhibaateeyeen tolkiis ee alle usoo diray malag halaaga inuu kuyiri maya waxaan rajaynayaa in kuwan idiiday uu duudkooda alle ka soo saaro kuwa alle kaliya caabuda.

Waxay kaloo taariikhdu qortaa in nin reer baadiye ah oo inta uyimi si xoog badan ugu soo jiiday go’ii uu huwanaa ilaa caarada go’a ay murxisay dhuuntii nabiga scw isaga oo si aan anshax lahayn ugu qaylinaya maxamadoow wax iga sii xoolaha rabbi ku siiyay.
Waxaa xusid mudan in uu rasuulka scw soo qaabilay ninkii isaga oo qoslaya oo aan inaba caro ka muuqan isla markaana u amray in xoolo badan la siiyo.

Walaalayaal waa taas diinteena raxmada iyo jacaylka ku dhisan ee aan ahayn intaas aan ishaaray oo kaliya oo hadii la yiraahdo halaga hadlo wanaageeda aan lagu soo koobi karin diiwaan galinta kutubbo aad uwaaweyn.

Ugu dambayntii Waxaa nala gudboon inaan xambaarno fariinta raxmada iyo jacaylka ee ahayd tii ay asalba utimi diintanada suuban oo aan iska dayno akhlaaq xumada ay uguhoreyso nacaybka iyo xiqdiga indhaha la, ee maanta ina hareeyay kaasoo goorahanba ahaa mid handadaya sumcadda diinta islaamka ee aan unisbo sheeganayno.

Waadna mahadsan tihiin.

Abdullahi Mohamed Hussein.
28/12/2015.

Related posts

Leave a Comment