ISLAAMKU WAA AKHLAAQ IYO WANAAG.

 

ilaahay waxa uu yiri:

( وَلا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلا السَّيِّئَةُ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ * وَمَا يُلَقَّاهَا إِلَّا الَّذِينَ صَبَرُوا وَمَا يُلَقَّاهَا إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٍ).

“Ma sina samaha iyo xumaha ee adigu mar kasta bixi midda wanaagsan oo samaha ah,hadaad sidaa yeesho waxaad arki doontaa qofkii ay cadaawadda idinka dhaxaysay oo isu badalay xigaalo ku jecel,arintaasna cid kale lama kulanto oo kama suurowdo illaa dadka sabirka badan ee nasiibka badan maahine”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“وعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ-رض- أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ إِنَّمَا بُعِثْتُ لِأُتَمِّمَ صَالِحَ الْأَخْلَاقِ ”
“Waxaa layla soo diray inaan dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan”

Waxaa loo baahan yahay inaan fariinta akhlaaqda ka xambaarno oon kaga dayano rasuulkeena suuban scw,dhab ahaantii waa ayada mida ina badbaadinaysa sharafta diinteenana kor yeelayso.

Waxba inooma tarayso caro iyo dabeecad xumo si joogto ah inooga muuqata,diinkeenana waxba ku kordhin mayso naclad iyo nacayb aan garta alle waxba inooga tari karin.

Kaliya aan qaadano fariinta dabeecadda suuban ee uu ina amray rasuulkeena suuban.
وخالق الناس بخلق حسن.

Related posts

Leave a Comment