ISLAAMKA IYO WAXA UU KA YIRI ISA SIINTA SAXNAANTA.

 

waa wax dabiici ah in inta badan qof kasta uu ku qanacsan yahay sida uu wax u arko iyo xaaladda fikireed ee uu markaa ku sugan yahay.

Waxaa kale oo iyana biyo kama dhibcaana in isla saxnaanta insaanka iyo xaaladda uu markaa joogo aysan ka dhignayn mid dhab ahaan u quman.

Waayo waxaa dhici karta inuu khalad ku qancay oo ay suura gal tahay inuu dib oga laabto muddo ka dib.

Sideedaba bani aadamka waxa u sababa inuu arimo aragti ka qaato macluumaad markaa la qumanaa oo uu qumaati ugu qancay.

Waxaa iyadana ah arin sugan oo la arkay is badbadalka aadanaha ku dhaca oo ah mid soo mara umad kasta ama shaqsi kasta ugu yaraan mar ama laba ama ka badan inta uu dhinacoodu dhulka ka sareeyo.

Diinta islaamka il gaar ah ayay ku eegtay arimahaas waxa ayna sugtay jiritaanka arintaas oo intaan alle ahaynba waxay ku aroorisay wadada tijaabada iyo dadaalka iyo diidmada isa siinta xaqa iyo isla qumanaanta.

Ilaahay wuxuu yiri:

“قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا” (84) .
“Waxaad ku tiraahdaa:-Qof kasta wuxuu samaynayaa sida ay la tahay toosnaanta, laakiin rabigiin uun baa og qofka dhab ahaan wadada toosan u haya”.

Wuxuu kaloo alle yiri:-

رَّبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَا فِي نُفُوسِكُمْ إِن تَكُونُواْ صَالِحِينَ فَإِنَّهُ كَانَ لِلأَوَّابِينَ غَفُورًا.
“Rabigiin oo kaliya ayaa og waxa nafsadihiina ku jira hadaad noqotaan dad wanaagsana isagu waa mid u dambi dhaafa kuwa u soo noqonaya dariiqa toosan”.

“إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ ”
“Rabigaa uun baa og qofka wadadiisa ka lumay iyo kuwa ku hanuunsan wadadiisa”

Ogaanshaha yaqiinta iyo dariiqa toosan waa mid uu isku koobay rabbi kaligiis,u kala garqaadida aadanahana waa mid uu u dib dhigtay maalin dambe oo uu rabbi u sheegay dadka.

“يَوْمَ الْقِيَامَةِ يَفْصِلُ بَيْنَكُمْ ۚ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ”
“Maalinka qiyaame ayuu idin kala saarayaa ilaahayna waa mid arkaya waxa aad samaynaysaan”.

“ثُمَّ تُرَدُّونَ إِلَىٰ عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ”
“Markaa ka dib waxaa laydiin celinayaa midka og waxa qarsoon iyo waxa muuqda,markaasuu idinkaga warani doonaa wixii aad samayn jirteen”.

“ثُمَّ إِلَيَّ مَرْجِعُكُمْ فَأَحْكُمُ بَيْنَكُمْ فِيمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ”
“Intaa ka dib xagayga ayaa laydiin soo celinayaa oo markaas ayaan idiin kala xukumayaa dhexdiina wixii aad isku khilaafi jirteen”.

Aad bay ubadan yihiin aayadaha quraanka ee sidaan u hadla ee tilmaamaya in ilaahay oo kaliya og yahay cidda saxsan.

Wuxuuna ilaahay mamnuucay in uu qofku isa siiyo saxnaanta iyo yaqiinta ama ogaanshaha abaal marinta alle ugu talo galay aadanihiisa.

Inta badan kuwa xaqa diidan ayaa lagu yaqaan dhab uqaadashada isla qumanaanta lkn islaamku wuxuu la yimi in qofku camal falo natiijadana rabi udaayo.

Ilaahay waxa uu marar badan rasuulkiisa kula dardaarmay muujinta inuusan waxba ka ogayn waxa maqan iyo xukminta masiirkiisa iyo midka dadka kale.

“قُلْ مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنَ الرُّسُلِ وَمَا أَدْرِي مَا يُفْعَلُ بِي وَلَا بِكُمْ ۖ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰ إِلَيَّ وَمَا أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
“Waxaad ku tiraahdaa maahi mid ku cusub adeege nimada alle mana ogi waxa lagu suubin doono aniga iyo idinkaba,waxaan uun raacayaa wixii la ii waxyooday,wax kale maahi aniga aan ka ahayn inaan ahay mid si cad idiinku digaya”.

Mar haday arintu sidaa tahay waxaan macquul ahayn oonan xaq ka tarjumaynin isa siinta saxnaanta iyo yasidda iyo ku gabood falka dadka kale.

Islaamku wuxuu diiday kibirka iyo in uu qofku is cajabiyo islana qumanaado kaligiis dadka intooda kalana uu ku xukumo khaldanaan.

Si dadka arintaa looga raarido ayuu alle rasuulkii uu ku aaminay waxyigiisa ka ilaaliyay dood umuuqanaysa xukminta isla saxnaanta si dadku wax ugu qaataan oo wuxuu ku yiri:

“قُلْ مَن يَرْزُقُكُم مِّنَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ قُلِ اللَّهُ ۖ وَإِنَّا أَوْ إِيَّاكُمْ لَعَلَىٰ هُدًى أَوْ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ”
“Waxaad ku tiraahdaa yaa idinka quudiya samaawaadka iyo arlada,dheh miyuusan alle ahayn?! Hadde ogaada markaa anaga ama idinka midkayo uun baa saxan ama baadi cad ku jira”.

Bal u fiirso usluubkaa rasuulku scw ma oran anagaa saxan idinkaa khaldan iyada oo la og yahay inuu yahay rasuul alle oo saxan mar kasta.
Waa arin laynagu dareensiinayo inaan ka fogaano goosashada saxnaanta.

Marka sidaa la leeyahay kama dhalanayso inaad muujiso inaad khaldan tahay laakiin waxaa loo jeedaa saxnaantaadu waa inay ahaataa mid kaligaa kugu kooban oo aadan dadka ku xukmin kuna dulmin.
Waayo waxaad aamintay waa wax aad saxnimadooda ku qanacday oo inaad sidaa aamintaa lagaama reebin laakiin waxa laguu diiday waa inaad saxnaantaada dadka ku dulmiso oo ay kugu keento kibir iyo isla weynin.

Culimada islaamka intooda badan way ogaayeen sidaas oo waxaa qaarkood laga soo sheegay inay oran jireen sida Imaamu shaafici.
“رأيى صواب يحتمل الخطأ،ورأي غيري خطأ يحتمل الصواب”.
“Ra’yigaygu waa ila saxan yahay waxase dhici karta inuu khalad noqdo…ra’yiga dadka kalana waa ila khaldan yahay wayse dhici kartaa inuu sax yahay”

Waa hadal xigmad badan oo haddii in badan oo dadka ka mid ahi ku dhaqmi lahaayeen ay ka nabad gali lahaayeen aafada dulmiga.

Ilaahay mar uu arintaa tilmaamayay wuxuu yiri:-
“يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا يَسْخَرْ قَوْمٌ مِّن قَوْمٍ عَسَىٰ أَن يَكُونُوا خَيْرًا مِّنْهُمْ وَلَا نِسَاءٌ مِّن نِّسَاءٍ عَسَىٰ أَن يَكُنَّ خَيْرًا مِّنْهُنَّ ۖ وَلَا تَلْمِزُوا أَنفُسَكُمْ وَلَا تَنَابَزُوا بِالْأَلْقَابِ ۖ بِئْسَ الِاسْمُ الْفُسُوقُ بَعْدَ الْإِيمَانِ ۚ وَمَن لَّمْ يَتُبْ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ ”
“Kuwa iimaanka laga helayoow yeysan yasin qoom kuwa kale, waxaa dhici karta inay ka khayr badan yihiin,haweenna yeysan haweeney kale yasin,waxa dhici karta inay ka khay”r badan tahay,hana xamanina nafafyaalkiina oo ha isu saarinina hal haysyo liita,aad bay uxun tahay inaad isu bixisaan magacyo xun xun rumayntiina ka dib,kuwa aan ka towbad keenin yasidda iyo warxumo tashiilka waa daalimiin”.

Rasuulku scw wuxuu yiri:

عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه، عن النَّبي صلى الله عليه وسلم، قال: ((لا يدخل الجنَّة من كان في قلبه مثقال ذرَّة من كبر! فقال رجل: إنَّ الرَّجل يحبُّ أن يكون ثوبه حسنًا، ونعله حسنة؟ قال: إنَّ اللَه جميل يحبُّ الجمال، الكبر: بطر الحقِّ وغمط النَّاس))

“Janada ma galo qof ay qalbigiisa ku jirto waxa ugu yar ee isha qabato oo kibir iyo isla weynin ah,nin baa yiri:-qofku wuxuu jecel yahay in dharkiisu iyo kabahiisu qurxoon yihiin,rasuulka scw wuxuu ku jawaabay:-ilaahay waa mid wanaagsan waxa qurxoona waa jecel yahay ee kibirka sidaa maaha ee waa xaqa oo laga santaago iyo dadka oo la yaso”.

Diinta islaamku way kuu ogoshahay inaad ku camal fasho wixii aad ku qanacdo ee kuula muuqda xaq laakiin waxay kuu diiday inaad dadka kula xisaabtanto adiga oo isu muujinaya inaad kaligaa saxan tahay.

Ilaahay wuxuu yiri:-

“فَإِنْ أَعْرَضُوا فَمَا أَرْسَلْنَاكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظًا إِنْ عَلَيْكَ إِلَّا الْبَلَاغُ ”
“Haday xaqa diidaan adiga kuuma aanan soo dirin inaad la xisaabtanto,kaliya adiga waxaad leedahay gaarsiin kaliya”.

وَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل لِّى عَمَلِى وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ ۖ أَنتُم بَرِيٓـُٔونَ مِمَّآ أَعْمَلُ وَأَنَا۠ بَرِىٓءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ.
“Haday ku beeniyaan waxaad ku tiraahdaa waxaan leeyahay camalkayga idinkuna waxaad leedihiin camalkiina,idinku beri baad ka tihiin oo laydiin raacan mayo wixii aan sameeyo,ana beri baan ka ahay oo la iima raacanayo wixii aad sameysaan”.

Dhab ahaantii cidna ma hubto inuu Fahamkoodu 100% saxan yahay qofkii sidaa ku doodana wuu khaldan yahay waayo sunada alle ina bari mayso sidaas,maadaama aan soo aragnay agargtida diinta ee arimahaas ku aadan.

Ugu dambayntii walaalayaal waxaa inala gudboon in aan sidaa u fahamnaa oo aysan dhicin in aragtiyada is diidan ee mid kastaa iyadu isla saxan tahay inay muquunin ku dulmiso midda kale,laakiin qof kasta wixii la saxan si nasteexo ku dhisan wuu usoo bandhigi karaa isaga oon dadka ku khasbaynin.

Waadna mahadsan tihiin.

Related posts

Leave a Comment