ISLAAMKA IYO LOOLANKA ALLE DIIDNIMADA IYO GAALNIMADA.

 

Waxaa aad ubadanaya dadka soomaalida ah ee diintii ka tagaya ama ha noqdeen mulxidiin ama naf ha ka dayeen diimo kale sida masiixiyadda iwm.

Dad badan oo iyaga ka mid ah oo ay doodi na dhex martay waqti sii horeysay waxay ubadnaayeen kuwo aan cilmi badan oo diinta ku saabsan aan hore ulahayn,waxayse ka sinaayeen in eedda ugu badan ee ay islaamka uga huleeleen ay tahay in diintu islaamku tahay mid adag oo aan la socon karin nolosha casriga ah.

Taasi waxay daliil utahay cilmi yaraantooda iyo iyaga oo ku saamoobay kooxo xagjiro ah oo diinta aad ugu talax tagay wax badan oo ay diinta fududaysayna dadka ku adkeeyay kuwaas sida aan lasocono waayadan dambe meelaha soomaaludu dagto ka calanwanleynayay.

Anigoo arimahan ka duulaya waxan ku talin lahaa in dadka diin fidinta ku howlan ee ay ugu horeeyaan culimada soomaaliyeed ay udaymo lahaadaan waxa socda isla markaasna wax ka badalaan wajigii hore ee dacwo fidinta kaas oo runtii ujanjeeray dhinaca ad adayga iyo ka badbadinta.

Rasuulka scw wuxuu xadiis ay isku waafaqeen bukhaari iyo muslim ku yiri.

يسروا ولا تعسروا بشروا ولا تنفروا.
“Fududeeya arimaha diinta oo ha cusleynina,bishaareeya oo dadka diinta ha ka cayrinina”

Xajkii sagootinta rasuulka scw wax kasta oo la weydiiyo wuxuu oranayay samee dhibaato ma lahee taas oo laga fahmi karo sida uu ugu janjeero fududeynta diinta’

وروي البخاري ومسلم من حديث عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ – صلى الله عليه وسلم – وَقَفَ في حَجَّةِ الْوَدَاعِ بِمِنًى لِلنَّاسِ يَسْأَلُونَهُ، فَجَاءَهُ رَجُلٌ فَقَالَ: لَمْ أَشْعُرْ فَحَلَقْتُ قَبْلَ أَنْ أَذْبَحَ. فَقَالَ: (اذْبَحْ وَلاَ حَرَجَ). فَجَاءَ آخَرُ فَقَالَ: لَمْ أَشْعُرْ، فَنَحَرْتُ قَبْلَ أَنْ أَرْمِي. قَالَ: (ارْمِ وَلاَ حَرَجَ). فَمَا سُئِلَ النَّبيُّ- صلى الله عليه وسلم- عَنْ شَيْءٍ قُدِّمَ وَلاَ أُخِّرَ إِلاَّ قَالَ: افْعَلْ وَلاَ حَرَجَ.

Culimada iyo ducaadda iyo dadka nasteexada diinta ku howlan waxaa la gudbooon inay fududeeyaan khidaabka diiniga ahi oo ay la saayiraan waqtiga iyo hadba waxa socda waayo ummaddan nabi dambe uma soo baxayo kitaab kalana uma soo dagaayo.

Laakiin waxaan tijaabiyay mucjisada diinta ummadan oo ah mid cajiib ah oo waqti kasta la socon karta taas aniga shakhsi ahaan waan ogaaday waanan tijaabiyay waana biyo kama dhibcaan.

Waxana jira nusuus badan oo arimahaas si sareex ah ugu cad ama laga fahmi karo.

إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُوا مَا بِأَنْفُسِهِمْ.
“Ilaahay ma badalo sida dad yihiin ilaa ay iyaga naftooda iska badalaan”

Dabcan hadaad dareemayso in sidii saxda ahayd ayan umuurtu ku socon wax baa khaldan…waxaasna waxaa keenay sida loo fakarayo,marka hadaan fekerka togan ee keenay dhibaatada la badalin waxba isma badalayaan”

يَسْأَلُهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْنٍ (29)﴾.

Xaaladda maalinba meel bay taagan tahay sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in maalintaas lala saayiro oo la waafajisto diinta aad ka helayso in ay wax walba ku dhan yihiin.

Waxyalaha lala yaabo oo aan shaqsi ahaan isleeyahay waxay qayb ka yihiin dhibaatada nahaysata ayaa waxaa ka mid ah.

Marka ay qayb mujtamaceenu ka mid ah la soo istaagaan ha loo noolaado sidii kun sano ka hor loo noolaa taasina sax maaha sida ay ku doodaan in ay arintaasi tahay ilaalin diineed.

Waayo islaamka isagaa si cad udiiday ku dayasho hore umado utagay.

تلك أُمَّةٌ قَدْ خَلَتْ ۖ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَلَكُم مَّا كَسَبْتُمْ ۖ وَلَا تُسْأَلُونَ عَمَّا كَانُوا يَعْمَلُونَ.

“Taasi waa ummad hore utagtay waxay leedahay waxay kasbatay idinkuna waxaad leedihiin wixii aad kasbateen mana laydin weydiin doono wixii ay samayn jireen”

Rasuulku scw wuxuu yiri:

“أنتم أعلم بأمور دنياكم. ”
“Idinkaa u ogaal badan arimaha adduunyadiina”.

Usuusha fahamka diinta ee ay culumada sunada isku waafaqeen oo runtii ah kuwo cajab badan waxaa ka mid ah qodob oranaya:-

(الحكم يدور مع علته ثبوتاً وعدماً)
“Xukunka nas laga qaato wuxuu la meeraystaa hadba cilladdii keentay haddii la helana naskii wuu shaqayn haddii la waayana shaqayn maayo”
Waayo asalka waa ciladda ee maaha naska.

Waxaa aad ubadan dadka hanuuniyayaasha qaar ka mid ah oo ku andacooda in uusan islaamku shaqo ku lahayn loolanka iyo taxadiyaadka iyo jaalanjiga waqtiga keeno oo ay muhiim tahay uun in ladaba galo dadkii hore iyo sida ay wax ufasireen oo qura.

Dhab ahaantii taas ilama saxsana waxanan is leeyahay itaalka ogaantey way ilduufeen dadka sidaa qaba.

Waayo ilaahay rususha uu soo dirayo waxa hadba lala soo diri jiray mucjiso la jaalanji garaysa hadba waxa markaa socda ee dadkaas cajab galinaya tusaale ahaan.

Waqtigii nabi yusuf cs waxaa laga dambeeyay fasirka riyooyinka oo ay dadku ku foognaayeen waxana lala soo diray mucjiso la jaalanji garaysay oo la loolantay riyo fasirkii.

وَقَالَ الْمَلِكُ إِنِّي أَرَىٰ سَبْعَ بَقَرَاتٍ سِمَانٍ يَأْكُلُهُنَّ سَبْعٌ عِجَافٌ وَسَبْعَ سُنبُلَاتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَاتٍ ۖ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَفْتُونِي فِي رُؤْيَايَ إِن كُنتُمْ لِلرُّؤْيَا
تَعْبُرُونَ (43).

“Boqorkii wuxuu yiri waxaan riyo ku arkay todobo sac oo shilis ama cayilan oo ay cunayaan todoba sac oo weyd ama caato ah iyo toddoba sabuul oo cagaaran oo ay cunayaan toddobo kale oo sabuul angagay ah war dadkanoow bal iifasira riyadayda hadaad tihiin kuwo ku fiican riyo fasirka”

Wax alla wixii cariga riyo fasir ugu haystay baa laysu keenay markaasay fasiri waayeen ilaa waa meel alle wax ka wadee.

قَالُواْ أَضْغَاثُ أَحْلاَمٍ وَمَا نَحْنُ بِتَأْوِيلِ الأَحْلاَمِ بِعَالِمِينَ (44).

“Waxay yiraahdeen tani waa dhadhab isku dhex yaacsan anaguna ma fasirno dhadhabka”

Mid boqorka u khidmayn jiray oo goobta joogay oo hadda ka horna uu riyo usoo fasiray nebi yuusuf cs ayaa gartay inaysan nimanku meesha waxba ku hayn markaasuu boqorkii ka codsaday inuu diro isaga si uu ugu keeno nin riyo fasirka dhab uyaqaana.

وَقَالَ الَّذِي نَجَا مِنْهُمَا وَادَّكَرَ بَعْدَ أُمَّةٍ أَنَاْ أُنَبِّئُكُم بِتَأْوِيلِهِ فَأَرْسِلُونِ (45)

“Waxa uu yiri kii soo badbaaday oo ka mid ahaa labadii -uu hadda ka hor nebi yuusuf riyada usoo fasiray waqti ay xabsi kuwada jireen- oo dib uxusuustay muddo badan ka dib anigaa idiin keenaya fasirka riyada ee idira”

Kolkiiba intuu nabi yusuf cs oo xiran utagay ayuu jawaabtii riyada ukeenay,Taasoo ahayd sidatan:-

قَالَ تَزْرَعُونَ سَبْعَ سِنِينَ دَأَبًا فَمَا حَصَدتُّمْ فَذَرُوهُ فِي سُنبُلِهِ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّا تَأْكُلُونَ (47) ثُمَّ يَأْتِي مِن بَعْدِ ذَٰلِكَ سَبْعٌ شِدَادٌ يَأْكُلْنَ مَا قَدَّمْتُمْ لَهُنَّ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّا تُحْصِنُونَ (48) ثُمَّ يَأْتِي مِن بَعْدِ ذَٰلِكَ عَامٌ فِيهِ يُغَاثُ النَّاسُ وَفِيهِ يَعْصِرُونَ (49).

“Waxaad aad wax ubeeranaysaan todoba sano oo is xiga,wixii idiin soo go’a waxaad oga tagaysaan sabuulka oo waad kaydsanaysaan,marka laga reebo in yar oo aad cunto ahaan u isticmaalaysaan mooyee, kadib waxaa imaan doona toddoba sano oo abaar ah oo cuni doona kaydkii aad dhigateen marka laga reebo in yar oo aad abuur ahaan ureebanaysaan mooyee.
Markaas kadib waxaa idiin imaan doona sanad barwaaqo ah oo dadka inta loo barwaaqeeyo ay sharaab miiran doonaan”

Kadib loolankii iyo jaalanjigii mucjisada ahaa ayuu nabi yuusuf ku guulaystay kagana soo baxay xabsiga kuna noqday raysal wasaare uu boqorkii uxilsaaray inuu umaareeyo arimaha oo dhan.

Nebi muuse cs waqtigiisii waxaa kacsanaa oo laga dambeeyay sixirka,rabi sareeye e wuxuu la soo diray mucjiso sixirkii la loolantay oo la jaalanji garaysay kadibna ka adkaatay.

قَالُوا يَا مُوسَىٰ إِمَّا أَن تُلْقِيَ وَإِمَّا أَن نَّكُونَ نَحْنُ الْمُلْقِينَ (115) قَالَ أَلْقُوا ۖ فَلَمَّا أَلْقَوْا سَحَرُوا أَعْيُنَ النَّاسِوَاسْتَرْهَبُوهُمْ وَجَاءُوا بِسِحْرٍ عَظِيمٍ (116) ۞ وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنْ أَلْقِ عَصَاكَ ۖ فَإِذَا هِيَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ (117) فَوَقَعَ الْحَقُّ وَبَطَلَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (118) فَغُلِبُوا هُنَالِكَ وَانقَلَبُوا صَاغِرِينَ (119) وَأُلْقِيَ السَّحَرَةُ سَاجِدِينَ (120)

“Waxay yiraahdeen muusow ama rido ama aan ridano,
Wuxuu yiri rita oo markay riteen waxay sixreen dadka indhahoodii oo wax bay rogrogeen waxayna la yimaadeen sixir weyn.
Muuse ayaan uwaxyoonay oon ku niri tuur ushaada waxay gurubsan doontaa waxan ay gadgadinayaan.
Xaqii baa dhacay waxana buray baadilkii ay sameynayeen.
Waa laga guuleystay waxayna rogmadeen iyagoo ah kuwo dullaysan.
Saaxiriintii waxay la daateen sujuud.
Oo waxay rumeeyeen nebi muuse.

Nebi ciise cs waqtigiisii waxaa socday oo aad looga dambeeyay cilmiga caafimaadka iyo cuduro dawaynta waxaa lala soo diray mucjiso la tartantay oo jaalanji garaysay oo darka ka saartay wixii dhaqaatiir jirtay.
Waayo wuxuuba idinka eebbe ku gaaray inuu daweeyo cuduro loo caal waayay kaba sii darane dad dhintay buu idinka eebbe ku soo nooleeyay.

وَرَسُولًا إِلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنِّي قَدْ جِئْتُكُم بِآيَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ أَنِّي أَخْلُقُ لَكُم مِّنَ الطِّينِ كَهَيْئَةِ الطَّيْرِ فَأَنفُخُ فِيهِ فَيَكُونُ طَيْرًا بِإِذْنِ اللَّهِ ۖ وَأُبْرِئُ الْأَكْمَهَ وَالْأَبْرَصَ وَأُحْيِي الْمَوْتَىٰ بِإِذْنِ اللَّهِ ۖ وَأُنَبِّئُكُم بِمَا تَأْكُلُونَ وَمَا تَدَّخِرُونَ فِي بُيُوتِكُمْ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لَّكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ (49)

“Waxaan ahay rasuul reer banuu israil loo soo diray,waxan idinla imi aayado cad cad oo xagga rabi ka yimi,waxan dhoobo ka samaynayaa sawir shimbir markasan afuufaya waxay noqonaysaa shimbir ilaahay idinkiis,waxaan dawaynayaa cudurada qatarta ah ee ay ka mid yihiin baraska iyo outisimka, waxaan soo noolaynayaa dadkii idinka dhintay idinka eebe dartiis,waxaan idiin sheegayaa waxa aad cunaysaan iyo cuntada guryaha idiin taalla, arinkaasi waa aayad cad oo eebe idiinku kay soo dhiibay haddii aad tihiin kuwo wax rumaynaya”.

Nebi muxamad scw waxaa waqtigiisii lala hayay gabayada’ aftahanimada iyo bayaanka waxana lala soo diray mucjiso la loolantay oo jaalanji garaysay oo ay la yaabeen carabtii cariga dagnayd oo xujo ay furi waayeen ku noqotay.

– أَمْ يَقُولُونَ افْتَرَاهُ ۖ قُلْ فَأْتُوا بِعَشْرِ سُوَرٍ مِّثْلِهِ مُفْتَرَيَاتٍ وَادْعُوا مَنِ اسْتَطَعْتُم مِّن دُونِ اللَّهِ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (13)
“Ma waxay oranayaan isagaa iska been abuurtay quraanka,waxaad ku tiraahdaa bal la imaada toban suuradood oo la mid ah oo aad been abuurateen oo waliba la kaashada ninkaad doontaan alle sokadii haddii aad run sheegaysaan”

Xitaa hal suurad baa lagu xujeeyay oo ay la iman waayeen wayna ka marag kaceen inuusan waxanu ahayn gabayadii iyo aftahanimadii ay yaqaaneen.

Dhab ahaantii waa taxaddi iyo jaalanji waqti kasta shaqayn kara,waxana quraanka dhexdiisa ku kaydsan asraar iyo daliil xilli kasta usuubata oo shaqayn karta,waxna ogama baahna in waqti kasta loo xayirnaado faham iyo fasir dad waqtigoodii noolaa.

Runtiina umaddan waxa kaliya oo maanta ka badbaadin kara kufriga iyo ilxaadka iyo jaalanjiga ay gaalada ku hayaan diintooda waa in la helaa culimo maskax furan oo diinta ummadda uwaafajisa waqtiga socda iyo casriga jooga waayo ma sugayaan nebi dambe oo khaatamul ambiyaa waa nebi muxamad scw.

Waxaana wax lagu diirsado ah runtii inuu rasuulka scw sheegay in ay ummaddan heli doonaan boqolkii sanaba dad diintooda utajdiidiya oo u cusboonaysiiya.

فقد روى أبو داود عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إن الله يبعث لهذه الأمة على رأس كل مائة سنة من يجدد لها دينها.
“Rasuulka scw wuxuu yiri ilaahay wuxuu ummaddan usoo saari doona boqol sano oo kasta dad u cusboonaysiiya diintooda”

Runtii waxaa lagu jiraa xili adag wax garadka ay culimada muslimiinta ugu horeeyaana waxaa saaran xil laga doonayo in ay ka soo dhalaalaan si ay udifaacaan diinta alle umaddana oga horjoogsadaan taxadiga iyo jaalanjiga ku socda ee la doonayo in looga fidneeyo diintooda.

Jaalanjiga taagan ee la doonayo inay la socdaan mujtamaca muslimka iyo culimada diinta waa kuwa ku saabsan:- horomarka’xuquuqul insaanka,arimaha haweenka,is ixtiraamka,nabadda,wadanoolaanshaha,dulqaadka,dagaal diidnimada’hal-abuurnimada,aqoonta’dhaqaalaha,naxariista iwm. Kuwaas oo gidigood diinteena baarka sare kaga yaalla asii aan loogu dhaqmin sidii loo baahnaa.

Rabiga sare waxaan waydiisanaynaa inuu nagu sugo dariiqiisa iyo diintiisa wax garadka muslimiintana madaxa ufuro si ay oga jiba keenaan jaalanjigan na handadaya.

Abdullahi M Hussein.

Related posts

Leave a Comment