FIGRAD XOOG LAGUMA XAKAMEEYO.

 

Sideedaba afkaaraha xaqa ah iyo kuwa aan ahaynba laguma joojin karo caburin iyo handadaad ama dil dadka wada loo gaysto,ee figrada xun waxaa lagu joojin karaa xujo cilmi iyo caqli ku dhisan.
Halka figradda sanna lagu meel marin karo intaasoo kale.

Rasuulku scw kalama hortagin kuwii diiday fikirkiisa caburin iyo layn ee wuxuu kala hortagay xujo cilmi iyo caqli ku dhisan oo uu rabi usoo dhiibay.

Kaliya wuxuu awood wax iska caabisa ubaahday kolkii ay kuwa diiday kalimaadkii uu xaga rabi kala yimid ay isku dayeen inay dilaan oo dunida ka dabar jaraan isaga iyo intii raacday iyo afkaartoodaba.

أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ

“Waxaa loo idmay kuwa lala diriray ee la dulmayo inay isdifaacaan ilaahayna waa karaa inuu u hiiliyo”.

الاتُقَاتِلُونَ قَوْماً نَّكَثُواْ أَيْمَانَهُمْ وَهَمُّواْ بِإِخْرَاجِ الرَّسُولِ وَهُم بَدَؤُوكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ أَتَخْشَوْنَهُمْ فَاللّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَوْهُ إِن كُنتُم مُّؤُمِنِينَ (13)

“War miyaydaan la diriraynin oodan iska dhicinaynin qoom ballantii idinkaga baxay oo damcay inay rasuulka barakiciyaan oo waliba iyaga dagaalka idinku bilaabay markii hore,oo miyaad ka cabsanaysaan?!ilaahay baa mudan inaad ka cabsataan hadaad tihiin kuwo rumaysan”.

Wali sheeko iyo shaahid lagumana sheegin figrad xoog lagu meel mariyay iyo mid xoog lagu tirtiray.

Figradda wadata xujada cimiga iyo caqliga ku dhisan mar kasta waa midda aakhirka guulaysata xitaa haddii la laayo kuwii ay ka bilaabatay.

– بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ وَلَكُمُ الْوَيْلُ مِمَّا تَصِفُونَ (18)

“Xaqa waxaan ku ganaynaa baadilka markaasuu maskaxda ka abaarayaa oo burburinayaa baadilka,idinka-kuwiina xaqa diidana-waxaa idiin sugan halaag aad ku mudan doontaan qiyaamaha waxa aad sifaynaysaan”

قُلْ فَلِلَّهِ الْحُجَّةُ الْبَالِغَةُ ۖ فَلَوْ شَاءَ لَهَدَاكُمْ أَجْمَعِينَ (149)

“Ilaahay waxaa usugan xujo xeel dheer haddii uu doonana dhamaantiin wuu idin hanuunin lahaa”.

Sideedana nin xujo waayay uun baa xoog miciin bida,xaqana xoog kuma sugnaado waase lagu difaacaa hadday ka fursan waydo.

Figradda xun xoog kuma suusho haddii ay waydo xaq xigmad cilmi iyo caqli kala hortaga!!!

Sidoo kalana figradda suuban xoog waxba kama qaado haddii laysku dayo in lagu horjoogsado,
Haddii lagu difaacana way ku bulaashaa.

Ugu dambayntii walaalayaal waxaa haboon in mar kasta lala jiro figradaha wax dhisaya,wax hor marinaya,dadkana ku hagaya dantooda adduun iyo tooda aakhiro.

Lagana digtoonaado figradaha wax burburinaya,wax caburinaya,ee doonaya inay dunida fasahaad iyo kharbudaad ka gaystaan,dadkana seejinaya danahooda adduun iyo kuwooda aakhiro.

Waadna mahadsan tihiin.

Related posts

Leave a Comment