DARXUMADA KUWA DILA DAD MUSLIM AH.

 

****ALBAABkA TOWBADA WUU KA XIRMAA QOFKII QOF MUSLIM AH KAS U DILA *****!!!

وَمَن يَقتُل مُؤمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا )) (النساء:93)

“Qofkii kas udila qof muumin ah abaalkiisa waa jahanamo wuuna kuwaari ilaahayna waa u carooday wuuna nacaladay wuxuuna udiyaarshay cadaab weyn”

قال عبدالله ابن عباس: (لا توبة لقاتل العمد وقال نسخت هذه الاية قوله (( وَلَا تَقتُلُوا النَّفسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ )) الى قوله (( إِلَّا مَن تَابَ )) لان هذه الاية نزلت قبل قوله (( وَمَن يَقتُل مُؤمِنًا مُتَعَمِّدًا … )) بستة اشهر).

Abdullahi ibnu cabaas wuxuu yiri:
“Aslanba towbad malahan qofka kas udila qof muslim ah,wuxuuna sheegay dhamaan adilada laga fahmi karo in qaatilku towbad leeyahay waxaa lagu nasakhay aayadda sare,

Waayo aayad dilka qof muslim ah ka hadlaysa iyadaa udambeysay oo xitaa aayada oranaysa ilaa ninkii towbad keena waxaa ka dambaysay aayadan sare ee sidata shanta gooddi ee kala daran waxayna soo dagtay lix bil kadib markii aayadaas towbada sheegaysa soo dagtay.

Ibnu cabbaas wuxuu kaloo daliishaday axaadiis badan oo kaabaya micnaha aayadda kuna tusinaya inuusan towbad lahayn qofkii kas udila qof muslim ah.

وقال النبي (صلى الله عليه واله وسلم) : ( ما نازلت ربي كما نازلته في توبة قاتل العمد فابى علي )

Rasuulku scw wuxuu yiri rabigay kalama aanan gorgortamin oo kama baryin gorgortan ka badan inuu qaatilka siiyo fursad towbad laakiin waa iga diiday.

وروى ابو سعيد ان النبي (صلى الله عليه واله وسلم) مر بقتيل فقال: ( من لهذا ؟ فلم يذكروا له احد فغضب ثم قال : والذي نفسي بيده لو اشترك فيه اهل السماء والارض لاكبهم
الله في النار

Abuu saciid alkhudri waxaa uu yiri:- rasuulka scw ayaa soo ag maray nin la dilay,markaasuu yiri yaa dilay?!! Way u sheegi waayeen ciddii dishay!! Markaasuu nabiga scw inta carooday yiri:-allihii ay naftayda gacantiisa ku jirtay ayaan ku dhaartaye haddii ay dilka ninkaan ka wada qayb qaataan waxa cirka iyo dhulka ku nool oo dhan ilaahay naarta ayuu ku wada guri lahaa!!!!.

عَنْ الْبَرَاءِ بنِ عَازِبٍ، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ – قَالَ: «لزَوَالُ الدُّنْيَا أَهْوَنُ عَلَى اللَّهِ مِنْ قَتْلِ مُؤْمِنٍ بِغَيْرِ حَقٍّ»

‘Adduunyada oo suusha ayaa alle kala fudud in ruux muumin ah xaqdaro lagu dilo”

عن ابن عمر رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ((لن يزال المؤمن في فسحة من دينه ما لم يصب دماً حراماً) متفق عليه.

“Qofka Muuminka ah kama suulayo in ay diintiisa waasac utahay tan iyo inta uu ka galayo dhiig xaaraam ah”

Yacni qofku diintu waasac bay utahay oo xitaa haddii uu dambi galo towbad baa ufuran inta uusan galin dhiig xaaraam ah, laakiin waxaa loo yaabaa maalinka uu galo dhiig xaaraam ah oo aan xitaa towbo laga aqbali doonin.

“Walaalayaal arinku waa khatar sida aan arkayno oo ay rajaxayso nusuusta tirada badan qofka kas udila qof muslim ah waa inuusan towbad lahayn.

Marka qof walbow maantay kula gudboon tahay inaad diintaada ilaashato oo aadan khatar ula bareerin badbaadadaada maalinka qiyaame oo ah meesha aad ku dambayn doonto.

ۗأَفَمَنْ يُلْقَىٰ فِي النَّارِ خَيْرٌ أَمْ مَنْ يَأْتِي آمِنًا يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۚ اعْمَلُوا مَا شِئْتُمْ ۖ إِنَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ

“Ma qof naar lagu tuuray baa khayr badan mise mid maalinka qiyaame imanaya isagoo ah mid bad baaday,waxaad doontaan sameeya kolay ilaahay waxaad samaynaysaan waa ujeedaa”

Walaal ha ku khamaarin diintaada oo yuusan sheydaan kuu qurxin inaad dad islaam ah layso adiga oo gaalo uhaysta,waayo gaalaysiintaada maaha mid xujo cad haysata oo berito garta alle hortiis wax kaaga tari doonta.

Miyaadan ka baqaynin inaad ka aamin noqoto dadka aayaddan ku sifoobay.

“وَبَدَا لَهُم مِّنَ اللَّهِ مَا لَمْ يَكُونُوا يَحْتَسِبُونَ ”
“Waxaa xaga eebe oga muuqan doona wax ayan kuba xisaabtamaynin”.

Ma aamin baad ka noqotay kuwa ay maalinta qiyaame qabsan doonto kalmadda
“لا اله الا الله”

حديث أُسامةَ بنِ زَيْدٍ -رضي الله عنهما-: “أَقَتَلْتَهُ بَعْدَمَا قَالَ لا إِلهَ إِلاَّ اللَّهُ؟” وحديث جُنْدبِ بنِ عبد اللَّه -رضي الله عنه-: “فَكيْفَ تَصْنَعُ بلاَ إِله إِلاَّ اللَّهُ إِذا جاءَت يوْمَ القيامَةِ؟”
“Sida ku cad xadiisyada ay warinayaan usaama binu sayd iyo jundub bin cabdillahi waxaa dhacday in uu usaama dilay nin safka dagaalka ku jiray oo ashahaatay oo markii nabiga scw uu khabarkii gaaray uu yiri:oo ma waxaad dishay intii uu ashahaatay ka dib,usaama wuxuu yiri wuu ku gabanaayay rasuulkii alloow,rasuulka scw wuxuu ku cel celiyay usaamow ma intii uu ashahaatay kadib ayaad dishay,sideed yeeli doontaa maalinka qiyaame marka ay ku qabsato laa ilaaha ilallaah”

Riwaayado kale waxay ku daraan markii uu usaama yiri wuu ku gabanayay rasuulkii alloow in uu rasuulka scw yiri:ma qalbigiisa ayaad jeexday,sideed ku ogaatay.

Walaal waxaa kuu haboon inaad maalinta qiyaame gaarto adiga oo aysan cidna dambi iyo dulmi kugu sheeganaynin,kuna xisaabtan in kaligaa lagu xisaabin doono oo aysan kaa saari doonin dad baa ii fadwooday.

Ugu dambeyn waxaan ilaahay ka baryayaa inuu muslimiinta dhiigooda kala badbaadiyo oo uu ka ilaaliyo fidnada iyo marin habaabinta sheydaanka.

Related posts

Leave a Comment