BARO RABIGA DHABTA AH.

BARO RABIGA DHABTA AH.

way dhici kartaa inay si la yaab leh u dhaygagaan marka dad muslim ah lagu dhaho barta rabiga dhabta ah.

Laakiin taas dhib ma leh oo alle ayaa inta rumaysan mar kasta ugu baaqa inay dhab u bartaan oo aayado ay midan ka mid tahay aadanahiisa isu sheegay inuu kaligiis yahay oo uusan jirin allayaal kale oo shirko la ah.

“فَاعْلَمْ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَاسْتَغْفِرْ لِذَنْبِكَ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ ۗ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مُتَقَلَّبَكُمْ وَمَثْوَاكُمْ”

Dhab u baro inuu yahay midka ku abuuray isagoon cidna kaala tashan oo ruuxdiisa qiimaha badan ku galiyay!!!!

Dhab u baro inuu yahay midka kaliya ee dhimasho iyo nolo iyo dhib iyo dheefba kuu haya !!!

Dhab u baro inuu yahay mid naxariis badan oo uu cafiskiisu badan yahay raxmadiisuna waasac tahay
ورحمتي وسعت كل شيء.

Dhab u baro inuu yahay mid caadil ah oo dulmiga neceb oo aan kuu ogolayn in aad wax dulmiso ama lagu dulmiyo!!!!!
وما ربك بظلام للعبيد

Baro inuu yahay rabi ay maxkamadiisu dadka ukala garqaadi doonto maalinta xisaabta oo uu isaga kaliya yahay midka dadka oga warami doona camalkooda oo u kala xukmin doona wixii ay isku hayeen.

-“ثُمَّ إِلَيَّ مَرْجِعُكُمْ فَأَحْكُمُ بَيْنَكُمْ فِيمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ ﴿٥٥ آل عمران﴾;
-“إِلَى اللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ ”

Dhab ubaro inuu yahay mid deeqtoon oo isku filan oo aan inaba waxba oga baahnayn khalqigiisa.

“يَا أَيُّهَا النَّاسُ أَنتُمُ الْفُقَرَاءُ إِلَى اللَّهِ ۖ وَاللَّهُ هُوَ الْغَنِيُّ الْحَمِيدُ (15)”
“Dadyahow idinkaa eebe u baahan ee alle waa mid deeqtoon oo la mahdiyo”

“Halkaa waxaa ku haraya in lagu doodo in dartii dad loo khasbo ama dartii dad loo dilo”

Dad hadaad khasbayso waa yeelkaa ee alle dad looma khasbo!!!!
لا اكراه في الدين.

Dad hadaad dilayso waa laba mid uun inaad mid ku dulmiyay iska difaacayso ama inaad mid aan waxba kuu dhimin adiga dulmi ku dilayso dar alle meesha ma taal ee ciddii ku dulmisay waad iska reebi kartaa kan aad dulminaysana iska daa.

“وَلَمَنِ انتَصَرَ بَعْدَ ظُلْمِهِ فَأُولَٰئِكَ مَا عَلَيْهِم مِّن سَبِيلٍ (41) إِنَّمَا السَّبِيلُ عَلَى الَّذِينَ يَظْلِمُونَ النَّاسَ وَيَبْغُونَ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ ۚ أُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ (42) ”

“Ciddii isdifaacda intii la dulmiyay ka dib kuwaas wax dambi ah dushooda laguma leh,
Ee kuwa dambiga lagu helayo waa kuwa dadka dulminaya ee arlada la doonaya xaqdarada kuwaas waxay leeyihiin cadaab daran”.

Ilaahay dadka uu oksijiinta iyo biyaha siiyay isagaa ku filan kii uu doono inuu nafta ka qaado cidna uma dirsado kii uu mowd la maago.

Dhab u baro inaysan alle wax dheef ah ugu jirin dhibtaada oo uusan dhiigaada iyo hilibkaada iyo lafahaada uusan waxba ku falaynin.

مَا يَفْعَلُ اللَّهُ بِعَذَابِكُمْ إِنْ شَكَرْتُمْ وَآَمَنْتُمْ وَكَانَ اللَّهُ شَاكِراً عَلِيماً (147) ﴾

“Alle waxba ku fali maayo cadaabkiina haddii u mahad celisaan ood rumaysaan alle waa shaakir ah oo cilmi badan”

Baro oo ogow in Waxa kaliya ee ilaahay kuu dhowayn kara uu yahay dhowrsanaan iyo ikhlaas iyo inaad cibaadadiisa u gudato si qadarin iyo xushmad aad u hayso ku dhisan,lkn yeysan kaa dhaadhicin in ficilada aad samaynayso yihiin kuwo alle wax u taraya.

” لَن يَنَالَ اللَّهَ لُحُومُهَا وَلَا دِمَاؤُهَا وَلَٰكِن يَنَالُهُ التَّقْوَىٰ مِنكُم”

“Xoolaha aad xajka ku qalaysaan ilaahay ma gaarayaan hilbahooda iyo dhiigooda ee ilaahay waxaa gaaraya dhowrsanaantiina iyo wanaaga aad samayseen ee masaakiinta wuudanaysa ah”.

Walaal hadaan maantoo dhan alle ka sheekay maagno maaha wax aan duruus kooban ku soo koobi karno waxase haboon inaan mar kasta alle u tiirino waxa wanaagsan.

ولله مثل الاعلي.

Waa inaan alle ku eegnaa mar kasta il rajo iyo raxmad ah waayo isagu waa mid na jecel oo na galadaystay.
وهو الغفور الودود.

Waa inaan dareenaa ilbiriqsi kasta oon barinaa waayo waa mid noo dhow oon sinaba nooga fogayn.

وَإِذَا سَأَلَكَ عِبَادِي عَنِّي فَإِنِّي قَرِيبٌ ۖ أُجِيبُ دَعْوَةَ الدَّاعِ إِذَا دَعَانِ ۖ فَلْيَسْتَجِيبُوا لِي وَلْيُؤْمِنُوا بِي لَعَلَّهُمْ يَرْشُدُونَ (186)

“Haday iga kaa warstaan adoomadayda u sheeg aniga waxaan ahay mid u dhow oo ajiibaya midka baryaya ee ha i ajiibeen oo ha i rumeeyeen waxay mudan yihiin inay hanuunaane”..

Wax kale iska daaye alle waxa uu inooga dhow yahay wax kasta oo jirkeena ka samaysan yahay.

“وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِ نَفْسُهُ ۖ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ الْوَرِيدِ (16)”

“Dhab ahaantii anaga ayaa abuurnay insaanka waxanan og nahay waxa naftiisa ku dhex rafanaya anaga ayaana oga dhow halbowlihiisa”

Ugu dambayntii walaayaal waa inaan badinaa ku toosnaanta towxiidka allana aanan kula faltamin dareemayaasheena kuwa la abuuray ah ee aan oga talo galno inuu yahay mid si kasta oga sareeya dareemayaasha waxa uu abuuray oo dhan.
ليس كمثله شيء.

Haddii aan si dhab ah rabi loo baran sheydaanku wuxuu ku guulaysanayaa inuu kuu sameeyo alle malo awaal ah (imagination) oo markaas waxaad is arki doontaa adiga oo caabudaya alle ku shaqeeya dareenkaada oo ay caradiisa taada la mid tahay,farxadiisana taada la mid tahay,oo aad godob ka gasho weyninkiisa iyo ka duwanaanta uu si kasta khalqigiisa oga duwan yahay,shaqada ugu badan ee uu dadka ku lumiyo sheydaana waa taas ah inuu u sameeyo alle imagination ah,oo siyaasi ah,ilaahay waa ka nasahan yahay sifo kasta oo nusqaan lug ku leh.

وقال وسول اللهصلى اللّه عليه وسلم أنه قال: (وعليكم بلا إله إلا اللّه والاستغفار، فأكثروا منهما، فإن إبليس قال: إنما أهلكت الناس بالذنوب، وأهلكوني بلا إله إلا اللّه والاستغفار، فلما رأيت ذلك أهلكتهم بالأهواء، فهم يحسبون أنهم مهتدون) “”أخرجه الحافظ أبو يعلى””

“Rasuulka scw wuxuu yiri waxaad laasimtaan towxiidka iyo istiqfaarta aad u badiya labadaas waayo sheydaan wuxuu yiri dadka waxaan ku halaagaa dambiyada iyaguna waxay igu halaagaan towxiidka iyo istiqfaarta,markaan taas maaro oga waayay ayaan dhinaca hawadooda ka soo galay oon lumiyay in badan iyagoo isu haysta kuwo hanuunsan.

Related posts

Leave a Comment