DIINTA ISLAAMKA IYO DULQAADKA.

  Dabeecadaha la mahdiyo ee ay diinta islaamku dadka ku tirtirsiisay waxaa ka mid ah dulqaadka. Ilaahay swt waxa uu yiri: : ﴿ وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ ﴾ (سورة آل عمران آية: 134). “Kuwa carada Qarinaya ee dadka iska cafinaya ilaahay waa jecel yahay dadkaas wanaagsan” Rasuulka scw wuxuu yiri:- ‪)‬ من كظم غيظًا وهو قادر على أن ينفذه دعاه الله تعالى على رءوس الخلائق يوم القيامة حتى يخيره من الحور العين ما شاء ‪(‬ . “Qofkii celiya caradiisa isaga oo awooda inuu fuliyo oo ka jawaabo waxaa uu alle oga…

Read More

HAN SAN IYO HIMILO SAN.

  Waxaan shaki ku jirin qof kasta siduu yahay inuu isaga iska dhigay!!! Adigu wax kale ma tihid waxaad uun tahay fikirkaada!!!!! Ficilkaada inta badan wuxuu ka tarjumayaa waxa aad aaminsan tahay ama aad ka fekeraysid. Ilaahay sareeye waa wanaagsan yahay waxaan wanaag ahayna looma nisbeeyo,wuxuuna mar kasta la jiraa wanaagga!!! ‎: “{وَلِلّهِ الْمَثَلُ الأَعْلَىَ} “Ilaahay Matal sare ayuu leeyahay” Xadiisul qudsi ayaa ahaa: ‎يا عبادي ! إنما هي أعمالكم أحصيها لكم . ثم أوفيكمقا إياها . فمن وجد خيرا فليحمد الله . ومن وجد غير ذلك فلا يلومن إلا…

Read More

FIGRAD XOOG LAGUMA XAKAMEEYO.

  Sideedaba afkaaraha xaqa ah iyo kuwa aan ahaynba laguma joojin karo caburin iyo handadaad ama dil dadka wada loo gaysto,ee figrada xun waxaa lagu joojin karaa xujo cilmi iyo caqli ku dhisan. Halka figradda sanna lagu meel marin karo intaasoo kale. Rasuulku scw kalama hortagin kuwii diiday fikirkiisa caburin iyo layn ee wuxuu kala hortagay xujo cilmi iyo caqli ku dhisan oo uu rabi usoo dhiibay. Kaliya wuxuu awood wax iska caabisa ubaahday kolkii ay kuwa diiday kalimaadkii uu xaga rabi kala yimid ay isku dayeen inay dilaan oo…

Read More

NACAYBKA IYO NUSUUSTA DIINTA.

  Nacaybku waa wax xun oo nusqaan ku rida naruurada nolosha!!!! Nacaybku waa cadowga koowaad ee noolaha!!!!! Nacaybku waa astaanta xiqdiga iyo nacladda!!!!! Nacaybku waa taban taabiyaha nalka u shida rogmashada nabadda!!!!! Nacaybku waa horjoogaha fasahaadinaya nimcada aadanaha!!!!! Nacaybku waa nacabka kaliya ee ku gadaaman nuurka jacaylka!!!!! Nacaybku waa nayaayirka baritaara ciilka iyo carada!!!!. Diinta islaamku waa diin raxmad iyo jacayl mar haday sidaa tahayna waxaa si aad ah oga durka nacaybka iyo carada. Ilaahay wuxuu magacyadiisa ku daray jacayl oo ah caksiga nacaybka waana mid dhaafa dambiyada oo dadkiisa…

Read More

ISLAAMKA IYO LOOLANKA ALLE DIIDNIMADA IYO GAALNIMADA.

  Waxaa aad ubadanaya dadka soomaalida ah ee diintii ka tagaya ama ha noqdeen mulxidiin ama naf ha ka dayeen diimo kale sida masiixiyadda iwm. Dad badan oo iyaga ka mid ah oo ay doodi na dhex martay waqti sii horeysay waxay ubadnaayeen kuwo aan cilmi badan oo diinta ku saabsan aan hore ulahayn,waxayse ka sinaayeen in eedda ugu badan ee ay islaamka uga huleeleen ay tahay in diintu islaamku tahay mid adag oo aan la socon karin nolosha casriga ah. Taasi waxay daliil utahay cilmi yaraantooda iyo iyaga oo…

Read More

AHMIYADDA AADANAHA

AHMIYADDA AADANAHA. Adiga waxaad tahay muhiim,wuxuu eebbe kaa fadilay khalqi badan,waxaad tahay midka eebe uu dartiis u abuuray dunida,waxaa khaliif lagaaga dhigay duni dhan oo wax kasta laguugu diyaariyay,eebbe dartaa buu usamaystay maxkamad cadliya si uu kaaga abaal mariyo samaan iyo xumaan wixii aad soo suubin jirtay. Dartaa buu usamaystay jano iyo naar si loogu kala guro inta kala mutaysatay. -وهوالَّذِي جَعَلَكُمْ خَلَائِفَ الْأَرْضِ وَرَفَعَ بَعْضَكُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَاتٍ لِّيَبْلُوَكُمْ فِي مَا آتَاكُمْ ۗ إِنَّ رَبَّكَ سَرِيعُ الْعِقَابِ وَإِنَّهُ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ (165) “Alle waa midka maamulayaal idiinka dhigay dhulka oo…

Read More

ISLAAMKU WAA AKHLAAQ IYO WANAAG.

  ilaahay waxa uu yiri: ( وَلا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلا السَّيِّئَةُ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ * وَمَا يُلَقَّاهَا إِلَّا الَّذِينَ صَبَرُوا وَمَا يُلَقَّاهَا إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٍ). “Ma sina samaha iyo xumaha ee adigu mar kasta bixi midda wanaagsan oo samaha ah,hadaad sidaa yeesho waxaad arki doontaa qofkii ay cadaawadda idinka dhaxaysay oo isu badalay xigaalo ku jecel,arintaasna cid kale lama kulanto oo kama suurowdo illaa dadka sabirka badan ee nasiibka badan maahine”. Rasuulka scw wuxuu yiri:- “وعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ-رض- أَنَّ رَسُولَ…

Read More

BARO RABIGA DHABTA AH.

BARO RABIGA DHABTA AH. way dhici kartaa inay si la yaab leh u dhaygagaan marka dad muslim ah lagu dhaho barta rabiga dhabta ah. Laakiin taas dhib ma leh oo alle ayaa inta rumaysan mar kasta ugu baaqa inay dhab u bartaan oo aayado ay midan ka mid tahay aadanahiisa isu sheegay inuu kaligiis yahay oo uusan jirin allayaal kale oo shirko la ah. “فَاعْلَمْ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَاسْتَغْفِرْ لِذَنْبِكَ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ ۗ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مُتَقَلَّبَكُمْ وَمَثْوَاكُمْ” Dhab u baro inuu yahay midka ku abuuray isagoon cidna kaala…

Read More

TARBIYADA TOOLMOON EE UBADKA.

  Waxaa lagu jiraa waqti ku adag waalidka soomaalida ah ee la nool casrigan ay aaladaha layskula xariiro dunidan ka dhigeen sidii dad hal qol ku wada jira. Dardaaranka aan naftayda iyo dadka kalaba siinayo ayaa ah in ay la saaxiibaan oo qadariyaan caruurtooda,waayo qofka ugu dhow ee qof kale saameynta ku leh waa saaxiibka uu ka heli karo qadarinta iyo qiimaynta. Kula dhaqan caruurtaada dhaqan wanaagsan iyo dabacsanaan,hana isku dayin inaad ula dhaqanto si qallafsan,waayo qalafsanaantu way kaga sii dartaa caruurta. Ogow dhaqanka suuban iyo akhlaaqda ay diinta ku…

Read More

HEESAHA BANAAN IYO HOWRAARTA ISLAAMKU KA YIRI.

Ugu horayntii hadaan iska daayo hadalo badan oo ay haboonayd in arar ahaan looga hormariyo howraarada ku saabsan heesaha iyo fanka,bal aan isku dayo inaan hadal yar oo hadyi iyo daliil u badan ku soo koobo halka ay higsadeen inta banaysay ee aan dhibaato u arkin heesaha iyo fanka. Culimada aragta in heesaha iyo muusika aysan dhibaato ku dhex lahayn islaamka kuwooda hore iyo kuwooda dambaba waxay dhaheen heestu waa uun hadal caadi ah oo qaab suugaaneed loo dhigay waxaana banaan inta wax fiican ku saabsan ee hadal ah,waxaana reeban…

Read More

XALKA KHILAAFKA

  Ugu horayn waxaa ogaansho u baahan in khilaafku yahay sunno rabi oo uu ugu talo galay in si kala duwanaansho leh loogu noolaado dunidan la dul saaran yahay tan iyo inta uun aakhiro lagu darsami doono. Si taa daliilkeeda loo helo waa inaan dul istaagnaa qaar ka mid ah nusuusta diinta ee aan maalin kasta daalacano. Alle wuxuu yiri:- وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ (118) إِلَّا مَنْ رَحِمَ رَبُّكَ وَلِذَلِكَ خَلَقَهُمْ وَتَمَّتْ كَلِمَةُ رَبِّكَ لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ (119) Haddii alle dooni…

Read More

DARXUMADA KUWA DILA DAD MUSLIM AH.

  ****ALBAABkA TOWBADA WUU KA XIRMAA QOFKII QOF MUSLIM AH KAS U DILA *****!!! وَمَن يَقتُل مُؤمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا )) (النساء:93) “Qofkii kas udila qof muumin ah abaalkiisa waa jahanamo wuuna kuwaari ilaahayna waa u carooday wuuna nacaladay wuxuuna udiyaarshay cadaab weyn” قال عبدالله ابن عباس: (لا توبة لقاتل العمد وقال نسخت هذه الاية قوله (( وَلَا تَقتُلُوا النَّفسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ )) الى قوله (( إِلَّا مَن تَابَ )) لان هذه الاية نزلت قبل قوله (( وَمَن يَقتُل…

Read More

ISLAAMKA IYO WAXA UU KA YIRI ISA SIINTA SAXNAANTA.

  waa wax dabiici ah in inta badan qof kasta uu ku qanacsan yahay sida uu wax u arko iyo xaaladda fikireed ee uu markaa ku sugan yahay. Waxaa kale oo iyana biyo kama dhibcaana in isla saxnaanta insaanka iyo xaaladda uu markaa joogo aysan ka dhignayn mid dhab ahaan u quman. Waayo waxaa dhici karta inuu khalad ku qancay oo ay suura gal tahay inuu dib oga laabto muddo ka dib. Sideedaba bani aadamka waxa u sababa inuu arimo aragti ka qaato macluumaad markaa la qumanaa oo uu qumaati…

Read More

IIMAANKA ALLE MA MAHDIN BAA MISE GANAAX!!!

  Aadanaha rabbi ku dul uumay adduunka waa laba mid uun mid aqoonsaday rabigiis oo u mahad celiya iyo mid iska diiday oo u irkaday gaalnimo iyo inkiraad cad. Sooyaalka dunidan ee soo taxneyd tan iyo intii allaha abuuray oo kaliya og yahay waxay u qaybsanayd labadaa qaybood ee rumayn iyo diidmo ah. Rumaynta waxaa waligeed ka tarjumi jiray mahdin iyo u irkasho alle,halka diidmada ama gaalnimadu ay ka tarjumi jireen isla weynin iyo kibir. Iimaanku waxaa astaan u ah mahdin sida marar badan diinta lagu sheegay,waxaad kalood ogaanaysaa markaad…

Read More

WAXTARKA DABEECADDA HAGAAGSAN.

  Waayaha,tijaabada’cilmiga iyo caqliguba waxay i bareen in akhlaaqda wanaagsan tahay furaha guusha aadanaha adduun iyo aakhiraba. Ilaahay SWT waa run badane markuu rasuulkiisa scw ku amaanay akhlaaqda. {وَإِنَّكَ لَعَلى خُلُقٍ عَظِيمٍ} (4) سورة القلم -فقال عليه الصلاة والسلام: { أكثر ما يدخل الناس الجنة، تقوى اللّه وحسن الخلق } [رواه الترمذي والحاكم]. “Waxa ugu badan ee ay dadku janada ku galaan waa dhowrsananta alle siiyo iyo dabeecadda wanaagsan” -وأوصى النبي صلى اللّه عليه وسلم أبا هريرة بوصية عظيمة فقال: { يا أبا هريرة! عليك بحسن الخلق }. قال أبو…

Read More

XAQU XOOG KUMA XASILO.

  Waa dhab kalmadaa oo walaalayaal Sideedaba xaqu xoog kuma sugnaado ee xujo iyo xigmad uu daliilka iyo caqligu hagayo ayaa lagu meel mariyaa… Sidaa darteed ayaa rabbi udoortay in uu risaaladiisa usoo dhiibo rusul aan ciidan wadan ee wata xujo iyo xigmad caqli gal ah. Kaliya waxaa loo soo diri jiray inay fariinta alle dadka gaarsiiyaan. – “قلْ أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ فَإِن تَوَلَّوا فَإِنَّمَا عَلَيْهِ مَا حُمِّلَ وَعَلَيْكُم مَّا حُمِّلْتُمْ “وَإِن تُطِيعُوهُ تَهْتَدُوا وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ” “Waxaad ku tiraahdaa war dadoow ilaahay iyo rasuulkiisa adeeca…

Read More

NABADDA IYO NUSUUSTA DIINTA.

  Nabad galyadu waa naruuro aysan ka ahaan karin nolosha aadanaha iyo naflaha dhamaan sidaa darteed ayay diintu islaamka xoogga saartaa adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinta nolosha bani aadmiga wuxuuna islamku arinta nabad galyada ku daray daruuriyadka shanta ah ee ay shareecada islaamku uqasdiday. xaqnimada arintaasn waa mid uu xaqiiqo u arki karo qof kasta oo udhaba gala nusuusta diinta ee nabadgalyada ku saabsan. Hadaan wax ka yara ishaaro ahmiyada nabadda waxaan kusdoo ururin karaa dhowr qodob qodob oo koo kooban. 1-ilaahay magacyadiisa waxaa ka mid ah. ‎السلام Oo nabadgalyo ah.…

Read More

WANAAGA OO LAYS FARO IYO XUMAANTA OO LAYSKA REEBO.

Wanaagga oo lays faro iyo xumaanta oo layska reebo……!!!. Wanaaga in lays faro xumahana lays ka reebo waa waajib diini ah,waayo waxaa ku xiran wanaaga ummadda iyo habsami usocdka nolosheeda. Ilaahay wuxuu yiri:- وَلْتَكُنْ مِنْكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الْخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (104) “Waa in ay idinka mid noqotaa ummad khayrka dadka ugu yeerta oo faraysa waxa wanaagsan reebaysana waxa xun umadda sidaas samaysa uun baa liibaanta” Wuxuu kale oo alla yiri :- كُنْتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ…

Read More

MUUQAALKA DIINTA EE MASUULIYADDA GUURKA IYO QOYSKA

MUUQAALKA DIINTA EE MASUULIYADDA GUURKA IYO QOYSKA. Masuuliyaddu waa mudnaan aan laga indho laaban karin,waxayna ahayd mid soo taxneyd tan iyo intii la helay aadane uu alle khaliif oga dhigay arlada. Masuuliyada aadanaha alle sharfay waa mid ku jihaysan fahamka nolosha iyo inay ka jibo keenaan waajibaadka laga saaray dunidan loo jilciyay jihooyinkeeda. ( وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَى كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا ) … Kolkii laga soo tago inta fahamsan iimaanka iyo shukriga allaha udiyaariyay dunidan cajabta badan waxaa kale oo…

Read More

NIMCADA CAQLIGA

  Nicmada ugu ween ee hanuunka ka dib uu rabbi ugu deeqay aadanihiisa waa caqliga. Ee ha ogolan in caqligaaga lagu dheelo. Hana ku dhiiran inaad caqligaada bilaash ku dhiibtid. WAXTARKA CAQLIGA. -Waa midka aad kaga soocan tahay xayawaanka. -Waa midka aad ku kala garanaysid xumaanta iyo samaanta. -Waa midka kuu sahlaya inaad xaqa garato dabeetana raacdo. Sidaa darteed caqliga waa kuu muhiim ee cid kale ha amaahin caqligaada si aadan u noqonin kuwa aayadan lagu sheegay. أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا…

Read More