DADKA HADAL WANAAGSAN KU DHAHA.

 

Dadka oo loo dooraa hadalba midka uu ka wanaagsan yahay waxay ka mid tahay waxyaabaha nolosha bila farxadana keena,ilaahayna isaga oo ina dareensiinaya arintaas ayuu inagu tirtirsiiyay markaan hadlayno inaan doorano kalmadaha wanaagsan.

Ilaahay wuxuu yiri:-

‎”وَقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْنًا”
“Dadka wax san ku dhaha”.

Wuxuu kaloo yiri:-

‎”وَقُل لِّعِبَادِي يَقُولُوا الَّتِي هِيَ أَحْسَنُ ۚ إِنَّ الشَّيْطَانَ يَنزَغُ بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّ الشَّيْطَانَ كَانَ لِلْإِنسَانِ عَدُوًّا مُّبِينًا (53)

“Usheeg adoomadayda inay ku hadlaan hadba hadalka kiisa ugu wacan,waayo sheydaan baa ka dhex shaqeeya,sheydaankuna waxa uu insaanka u yahay cadow cad”

Waxaa haboon oo nala faray inaan hadal fiican ku hadalno,hadal kasta oo naga soo gaara qofna aan dhanka fiican u fasirno si uusan halkaas sheydaan boos oga helin.
Rasuulka scw wuxuu yiri:-

‎”والكلمةالطيبة صدقة”
KALMADA WANAAGSAN WAA SADAQO.

Wuxuu kaloo yiri scw:-

‎”عن أبي ذرٍّ – رضي الله عنه – قال: قال لي النبي – صلى الله عليه وسلم -: ((لا تَحقِرن من المعروف شيئًا، ولو أن تلقى أخاك بوجه طَلق))؛ متفق عليه.

“WAXBA HA KA HAGRANINA WANAAGA WALOOW INAAD WALAALKAA WAJI FURAN KULA KULANTABA ALLA HA KA DHIGEE. ”

Walaal intee jeer ayaad maalintii dadka ku dhahdaa kalmado wanaagsan.

Ma umuujisaa dadka waji furnaan iyo hadal dabacsan!!!

Walaal marka laga soo tago in ay arintan tahay amar xagga eebbe inooga yimi iyo suno ku dayasho mudan oo rasuulkeena muxamad scw nafaray, waxaa la ogaaday in ay arintan danta dadka bani aadamka ah ku jirto.

Waayo wajiga furan iyo hadalada fiican dadka ayaa kugu jeclaanayo waxayna kaa hor istaagaysaa inaad noqoto qof la neceb yahay oo la xasdo.

Waxaa la ogaday dadka wajiga furan ama hadalada macaan inay yihiin dadka loogu jecel yahay  ee ugu saameynta badan ee ay aad uyar tahay in la necbaado ama la xasdo.

Marka aan ku dadaalno sidaan dadka ugu oran lahayn kalmado fiican wajigana ugu furi lahayn.

Rasuulka scw wuxuu xadiis kale ku yiri dadka maalkiina kuma deeqi kartaane ee wajigiina ha deeqo.

Soomalida waxay tiraahdaa waji furan ayaa lagalaa ee albaab furan lama galo.

Ugu dambayntii walaal aan ku dadaalno sidaan dadka oga farxin lahayn mar kasta oo aan u noqon lahayn dad la jecel yahay iyaga iyo waxa ay aaninsan yihiinba.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

‎”وعن عمر رضي الله عنه مرفوعا: أفضل الأعمال إدخال السرور على المؤمن؛ كسوت عورته، وأشبعت جوعته، أو قضيت له حاجة. رواه الطبراني وحسنه الألباني.

“Camal la qabto waxaa ugu fadli badan in farxad la galiyo qalbiga qof mu’min ah,sida in la asturo ceebtiisa,in laga quudiyo gaajo,in laga gudo deenka ama loo fuliyo danahiisa”.

Inta badan nusuusta ku soo aroorta akhlaaqda waa caam oo dad oo dhan ayay ka hadashaa lkn hadii mararka qaar xitaa muumin lagu koobo micnaheedu kama dhigna inaan akhlaaqdaas lagula dhaqmi karin gaal,waayo waxaa soo aroortay nusuus tiro badan oo ay ku cadahay in aysan reebabayn in wanaag loo sameeyo gaalada nabada kugula nool ee aan markaa dagaalka idinka dhaxayn oo ilaahay wuxuu yiri:-

‎”لا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ ”

“Ilaahay idiinma diidin inaad samafal iyo cadaalad u sameysaan gaalada aan idinla diriraynin ee aan guryihiina idinka barakicinaynin,ilaahayna waa jecel yahay kuwa wanaaga iyo cadaaladda sameynaya”.

Abdullahu M Hussein.
9/10/2015.

Related posts

Leave a Comment